Weli ma is weydiisay sababta labada soon ee isku xiga midna ugu soo aado gu’ midna jiilaal ama xagaa?

Soomaali Ciidaya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Weli ma is weydiisa sababta labada sano ee isku xiga midna ciiddu ugusoo aaddo gu’ midna jiilaal ama xagaa? Ama waxaad xasuusataa Ramaadaanno hore oo xilli abaar ama kuleeylle ah kuso aaday balse sannadkan wuxuu Ramadaanku la kowsaday Xilli roobaad bilow ah.

Taas waxaa sabab u ah nidaamka tirsiga sannadka iyo bilaha oo go’aamiya xilliyada munaasabadaha sida Ramadaanka iyo Ciidda, Muslimiintuna waxay adeegsadaan midka afka qalaad loo yaqaan Lunar amaba tirsiga dayaxa.

Haddaba maxay ku kala duwan yihii tirsiga dayaxa iyo kan qoraxda?

Dayaxu wuxuu ku wareegayaa dhulka, Inta badanna waxay qaadataa 29.5 maalmood in dayaxu dhameysto hal wareeg oo dhameys tiran kaas oo uu ku wareego qorraxda. Taasi waa, hal dayax oo cusub ka dib, dayaxa cusub ee soo socdaa wuxuu qaadanayaa 29.5 maalmood.

Muddadan u dhaxaysa labada wareeg waxaa lagu tiriyaa hal bil. 12 bilood oo noocan oo kale ah marka la isku daro waxay ka dhigan yihiin hal sannad dayaxeed. Maaddaama ay bishii noqonays sagaal iyo labaatan maalmood iyo badh (29.5) oo keliya bishii, sannadkan dayaxa waxa uu leeyahay 354 maalmood oo keliya.

Balse waxaan ka war heynnaa in tirsiga qorraxdu yahay 365 maalmood sannadkii. Taasi waa sababta ay u kala duwan yihiin 11 maalmood (365-354) ee u dhexeeya tirsiga dayaxa iyo tirsiga qoraxda. Waana sababta ciida Ramadaan ay dib ugu dhacdo sannad walba 11 maalmood.

Maxay u adagtahay in la go’aamiyo xilliga Ciidda?

Carruur faraxsan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Maalinta Ciidda waxay ku beegan tahay maalinta koowaad ee bisha Shawaal, oo ah bisha 10-aad ee tirsiga dayaxa. Balse maalinta rasmiga ah ee ay ciiddu noqonayso waxaa lagaga hadlay cilmiga Islaamka.

Halka qof waliba iskii u eegi lahaa dhalashada bisha, qaar badan oo ka mid ah waddamada Islaamku waxay ka war sugaan Masuuliyiinta loo xil saaray inay la socdaan bilshada bisha.

Meelaha qaarkood, jadwalka qoraxda ayaa sidoo kale la isticmaalaa. Meelo kale, xiddigiska ayaa sidoo kale loo isticmaalaa.

Wadamada Muslimka Sunniga ah ayaa si weyn ugu dabaal dega maalinta Ciida marka Sacuudiga uu go’aamiyo. Dhanka kale, dalaka Muslimka ah ee ay Shiicadu ku badan tahay ayaa u dabbaaldega maalmaha ciida ee ay Iiraan u astaysay.

Taasi waa sababta Muslimiinta caalamka oo dhan aysan isku maalin u ciidin. Waxaa jira farqi u dhexeeya hal ilaa laba maalmood oo kala dambeyn maalinta ciidda ah.

Balse waddamada Muslimiinta sunniga ah qudhooda ayaa mararka qaar kala ciida ama kala sooma maalmo kala duwan iyada oo culumada deegaannada qaar aanay ku kalsoonayn ku dhawaaqista malinka ciiddu tahay ama Ramadaanku billaabanayo ee Sucuudiga amaba masuuliyiinta dawladdaas, taasina waxay dhashaa in la arka mararka qaar hal magaalo oo dadkeedu laba maalmood kala ciidayaan ama kala soomayaan.