'Waan idiin jeclahay, waana ka xumahay': Diddy oo ugu dambeyn xukun lagu riday

Xigashada Sawirka, REUTERS/JANE ROSENBERG
Saddex bilood ka hor Sean "Diddy" Combs wuxuu mujiyay dareen isugu jira farxad iyo in uu ahaa mid uusan filaneynin markii xeerbeegtida maxkamadda Manhattan ee New York ku weysay eedo la xiriira dambiyo waa weyn sida in uu faa'ido ka sameeyay waxyaabo sharcidarro.
"Waa imaanayaa guriga," ayuu yiri isagoo qooyskiisa dhankooda u jeestay kuwaas oo garab taagnaa maalin kasta oo maxkamadda la keenayay.
Jimcihii, heesaagan sida weyn loogu yaqaan kalsoonida iyo in uu hanti badan haysto ayaa si deggan u fadhiyay isagoo xakameeyay dareenkiisa. Halkii uu ka bixin lahaa jawaabo dareen leh, waxa uu sameeyay in aamusnaado oo xakameeyo dareenkiisa.
Kaddib markii garsooraha maxkamadda, Arun Subramanian, uu dhameeyay aqrinta xukunka, waxa uu heesaaga u jeestay qoyskiida isagoo ku yiri, "Waa idin jeclahay, waana ka xumahay."
Sideed toddobaad oo ay socotay maxkamadda waxay ku soo dhamaatay si deggan. Xeerbeegtida waxay arkeen muuqaalo xaflado galmo. Sidoo kale waxay arkeen xeerbeegtida fidiyoow la duubay isagoo garaacaya saaxiibtiisa hore Ventura.
Xeerbeegtida waxay ku heleen in uu galay dambi aad u xun oo u dhigma mid uu ku muteysan karo xabsi daa'in, balse way u khafiifiyeen. Afar sano ayaa lagu xukumay taas oo dhaawac u geysaneysa sumcadiisa, waxayna u galeysaa diiwaankiisa mustaqbalka in uu ahaa qof xabsi soo galay.
Qareennadiisa waxay rajeynayaan in toddobaadyo looga soo saarayo xabsiga iyagoo ka dalbaday maxkamadda in 14 bilood looga dhigo xukunka. Hadii ay taasi dhacdo waxa uu xirnaanayaan hal bil maadama hadda uu xabsi ku jiro 13 bilood, sidaas ayeyna ku soo dhamaaneysaa mudada uu xabsiga ku jirayo.
Dacwad oogayaasha waxay ku eedeeyeen Combs oo loo yaqaan Diddy in uu ku luglahaa shirkad dambiga ka shaqeysa oo haweenka ku qasabta waxaysan dooneyn iyo maandooriye, waxayna dalbadeen in lagu xukumo 11 sano taas oo ay sheegeen in ay tahay mid u dhiganta waxa loo haysto.
Ugu dambeyntii garsoore Subramanian ayaa u sheegay warbaahinta in dambiyada Diddy iyo xadgudubka uu u geystay saaxiibtiisa hore loogu xukumay 50 bilood.
Sida maxkamadda laga sheegay Combs waxa uu magaciisa iyo awoodiisa u adeegsaday in uu ugu awood sheegto dhibanayaashiisa. Heesaaga ma uusan eegin xaakimka, wax dareen ahna ma muujin intii uu hadalka socday oo aheyd 20 daqiiqo. Maxkamadda waxaa joogay xubno ka tirsan qoyskiisa oo ka badnaa 30 iyo sidoo kale saaxiibadii.

Xigashada Sawirka, REUTERS/JANE ROSENBERG
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Intii lagu guda jiray dhageysiga maxkamadda oo aheyd maalin dhan, waxaa la dhageystay hadalada qareenadiisa, carruurtiisa, wadaad diinta masiixiga iyo waaxda dambiyada oo dhammaan sheegay in Diddy isbaddelay.
Maxkamadda ma dhageysan dhibanayaasha. Hal qof oo qorsheynayay in uu hadlo, Mia, oo aheyd caawiyihii hore ee Combs oo si qarsoodi ah u marqaati furtay ayaa isaga baxday marqaatifurka.
Diddy markii ugu horeysay ayuu maxkamadda ka hadlay ilaa iyo markii ay bilaabatay. Isagoo neef weyn ka soo baxeysay ayuu xaakimka ka dalbaday "naxariis". Wuxuu sidoo kale sheegay isagoo qoraal ka aqrinaya warqad hortaalay, "Cid aan nafteyda aheyn ma eedeynayo".
Taageerayaasha Diddy ayaa baroortay halka lix ka mid ah toddobada carruur uu dhalay ay ka dalbadeen xaakimka in loo fududeeyo xukunka. Waxay u sheegeen in ay doonayaan aabahood.
Garsooraha waxa uu sheegay inta xukunka uu socday in uu xisaabta ku daray xiriirka uu la leeyahay qoyskiisa balse wuxuu sheegay in ay tahay in uusan ka tagin waxyeelada uu u geystay dhibanayaashiisa.
Wuxuu kaloo sheegay garsooraha in dambiyada ay yihiin kuwa halis ah oo soo baxay kaddib bilooyin ay baaris socoatay iyo muuqaallo si qarsoodi ah loo soo diray kuwaas oo muujinaya isagoo ku tumaya Ventura hotel ay joogeen.
Garsooraha oo la hadlayay Combs ayaa sheegay in ay rajo ka dambeyso xabsiga.
"Mr Combs, adiga iyo qoyskaaga waa ka gudbeysaan tan," ayuu yiri garsooraha.
Markii uu hadlayay garsooraha, Combs madaxa ayuu u ruxay qoyskiisa iyo saaxiibadiisa kaddibna waxaa laga bixiyay albaabka isagoo xabsiga loo sii wado.













