Sida ninkan ku dhawaad nus qarni ugu xirnaa dambi uusan galin, muxuuse ka sheegay adkaysigiisii dheeraa

Glynn Simmons

Xigashada Sawirka, CRYSTAL CHATMON

Qoraalka sawirka, Simmons waxa uu rajaynayaa in uu wakhti badan la qaato caruurtiisa iyo kuwa uu awoowe u yahay ka dib xoriyadii uu helay 48 sano ka dib

Glynn Simmons ayaa daaqadda eegayay wakhti dheer, markii uu fadhiistay dhinaca rakaabka ee gaadhiga uu saaxiibkiis watay, labadooduba waxa ay ku sugnaayeen jidka wayn ee magaalada Tulsa ee gobolka Oklahoma. Indhihiisu waxay ku jeedeen cirka oo habeenkaas xiddigo lahaa.

Waxay ahayd xaalad uusan odayga 70-jirka ah goob joog ka noqonin ku dhawaad nus qarni, isagoo xabsiga ugu jiray xabsi daa’im oo lagu xukumay dil uusan geysan.

"Waa wax sidan oo kale ah, daawashada xilliyada isbeddelaya, caleemaha dhulka, waxyaabo caadi ah oo aan ku samayn karin xabsiga. Ma aadan ku raaxaysan karin, ma aad daawan karin , Simmons ayaa u sheegay BBC. "Waa arrin aad u xiiso badan."

Waxaa la xiray sanadkii 1974-tii isagoo loo haystay dilka Carolyn Sue Rogers balse waxaa xabsiga laga sii daayey bishii luulyo sanadkii tagay 2023-kii.

Xukunkiisa, oo ahaa qalad, waa kii ugu dheeraa taariikhda Mareykanka.

Xukunkii lagu riday ayaa la baabi’iyay, kadib markii maxkamadda gobolka ay heshay caddeymo muujinaya in xeer ilaalintu aysan soo bandhigin dhamaan cadeymaha qareenada difaacayay oo ay ku jirto xog muhiim ah oo ah in mid ka mid ah marqaatiyaasha uu aqoonsaday eedeysanayaasha kale.

Waxa uu ahaa 22 jir markii isaga iyo eedaysane, Don Roberts, lagu helay dambi waxaana lagu xukumay dil 1975-kii, ciqaabtaas oo markii dambe laga dhigay xabsi daa'in.

Glynn Simmons

Xigashada Sawirka, CRYSTAL CHATMON

Qoraalka sawirka, Glynn Simmons wuxuu sheegay inuu doonayo inuu u safro dunida xorta si uu u ilaawo maalmihii xoriyad darada ahaa ee soo maray

Simmons, ayaa BBC-da uga warramay toddobaadkan noloshiisa cusub ee nin xor ah, caqabada caafimaad ee uu kala kulmayo marxaladda 4-aad ee kansarka, iyo iimaanka iyo rajada taas oo ahayd qayb muhiim u ah noloshiisa 48-kii sano ee uu xabsiga ku jiray.

"Inaad tahay qof aan waxba galabsan, waxay kaa caawinaysaa inaad iimaankaaga ilaashato," ayuu yidhi

“Been baan kuu sheegayaa haddii aan idhaahdo weligay iimaanka ma lumin, marar badan ayaan xaaladdaas la kulmay. Laakin sida xargaha caagga ah waa ay kala baxdaa ka dibna caadi ayay ku soo noqotaa2 ayuu intaas raaciyey Simmons oo BBC la hadlayey.

Cadaalad darro ula kac ah

Glynn Simmons
Qoraalka sawirka, Ku dhawaad nus qarni ayuu Simmons u xirnaa danbi uusan galay
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Bishii Janaayo 1995, Simmons wuxuu ka mid ahaa dhowr qof oo lagu xiray. Wuxuu sheegay in dacwada lagu oogay ay ahayd mid daciif ah oo u dhiganta xatooyo.

Waxaa la keenay saldhigga booliska, halkaas oo saraakiisha bilaysku ay ka codsadeen inuu ka qayb qaato liiska aqoonsiga eedaysanayaasha kiiska dilka Rogers ee dhacay bil ka hor intaan la xidhin.

Dilka ayaa ka dhacay goob lagu iibiyo khamriga oo ku taal duleedka magaalada Oklahoma.

Dilka Rogers oo ahaa nin ka shaqaynayay dukaanka khamriga markii madaxa laga toogtay ayaan weli u suurtagelin in uu soo gabo gaboobo baaritaankiisa, waxaana la xiray dambiilihii dilka geystay oo dacwad lagu soo oogay.

Isagoo ka sheekeyey inuu danaynayo wixii ku dhacay in dib loogu gaysto kuwo kale ayuu hadda Glynn Simmons wuxuu rabaa inuu u dagaalamo isbeddelka nidaamka caddaaladda.

Ninka la dilay ee Rogers, ayaa madaxa laga toogtay, laakiin "si cad looma aqoonsan tuhmanayaasha dilka" ayuu yiri Simmons.

Qareenka Simons, Joe Norwood ayaa sheegay in haweenaydu aysan aqoonsan Simmons taas badalkedana waxaa la beegsaday saddex tuhmane oo safka ku jiray markii dilku dhacayey.

Si kastaba ha ahaatee, Simmons oo wakhtiga dilku dhacay sheegay inuu ku sugnaa Louisiana - ayaa lagu eedeeyay, "laguna helay" dembi waxaana lagu xukumay dil.

"Uma aqoonsanin inay tahay xukun khaldan ama cadaalad xumo. Qalad ma ahayn. Waxay ahayd ula kac,' ayuu yidhi Simmons. "Waxay ahayd xaalad ula kac ah oo ku guuldareysatay in ay ixtiraamto caddaaladda iyo sharciga".

"Waxay ahayd 1975-tii Oklahoma, markii jawiga cunsuriyadda uu ahaa mid wali la dareemi karo" ayuu yiri Mr Simmons, oo ah nin madow ah.

Booliisku waxa ay haysteen kiisas badan oo warqado ku qornaa oo aan la xalin, waxaana jiray cadaadis aad u badan", ayuu raaciyay Simmons.

Dadka madowga ah waxay 7.5 jeer uga dhow yihiin in si khalad ah loogu xukumo dil dalka Maraykanka marka loo eego dadka cadaanka ah.

Xanuunka Cancer-ka ee haleelay Simmons ayaa qayb weyn ka ahaa halganka loo galay helida xoriyadiisa.

Xorriyad qaraar

Tan iyo markii uu xabsiga ka baxay oo lagu dhawaaqay in aanu wax dambi ah lahayn, Mr Simmons waxa uu la kulmay dabaylo shucuur ah, oo ay ugu awood badan tahay mahadnaq sida uu sheegay.

Waxa uu la qaatay kirismaska wiilkiisa, iyo saddex uu awoowe u yahay.

"Waxay ahayd wax qurux badan, waxaan haystay kubbad, wax kasta oo aan samaynaynay waa kuwii ugu horreeyay," ayuu yidhi.

Mr Simmons ayaa sheegay in uusan wax raaligelin ah ka helin gobolka Oklahoma.

Waxa uu xabsiga kaga baxay isaga oo aan haysan wax hanti ah ama lacag uu u baahan yahay iyo daawadiisa aasaasiga ah.

"Dadka sida khaladka ah lagu xukumo ee Oklahoma waxay u qalmaan ilaa $175,000 (£138,000) oo magdhow ah - ilaa $3,600 sanad kasta oo uu xabsiga ugu adeego" Mr Simmons ayaa xusay.

Waxa uu rumaysan yahay in magdhow kasta ay suurtogal tahay in aanu iman doonin sannado.

Dhanka kale, lacag uruurin loo sameeyay Mr Simmons ayaa lagu soo uruuriyey lacag, taas ooo gaadhaysa $326,000, oo ay ku jirto deeqaha aan la sheegin oo gaaraya $30,000.

Mr Simmons waxa uu rabaa in uu noloshiisa cusub ee xoriyada ku qaato sheekadiisa oo uu ka shaqeeyo in uu dib u habeeyo nidaamka cadaalada dambiyada isagoo ah nin aan waxba galabsan oo noloshiisa inta badan ku qaatay xabsiyada.

"Taasi waa dhiirigelintayda mustaqbalka, anigoo isku dayaya inaan dib u soo laabto oo aan caawiyo qaar ka mid ah ragga ku jira booskii aan ku jiray" ayuu yidhi. "Waa inaan sameynaa wax ku saabsan dib u habeynta cadaaladda dembiyada. Waxaan u baahannahay inaan runtii dib uga fikirno sida aan tan u sameyno" ayuu sii raaciyey.

Waxa uu qorsheynayaa in uu naftiisana waqti u qaato. Mr Simmons waxa uu horay u tagay ciyaarta Oklahoma City Thunder NBA. Wuxuuna rabaa inuu adduunka u safro.

"Waxa aan soo maray xabsi xad dhaaf ah," ayuu yidhi. "Hadda waxaan rabaa inaan aado darafyada kale ee xorta ah2.

Waxa kale oo uu isku dayayaa in uu iska daayo ciilkii ka dhashay xadhigiisii khaladka ahaa si uu xoriyadiisa uga faa’iidaysto.

"Waxaa meeshaas ka jirtay caro ku dhawaad 50 sano - xanaaq qadhaadh," ayuu yidhi. "Laakiin waa inaad nidaamisaa haddii kale way ku cuni doontaa."

"Wixii la sameeyay dib looma soo celin karo" Ayuu ku soo gunanaday hadalkiisa isagoo la hadlay BBC-da.