Dhacdo layaab leh oo dhex martay Wariye ka tirsan BBC-da iyo tuug ka qaadan rabay telefoonkiisa

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wariye BBC-da u shaqeeya oo indhaha naafo ka ah ayaa sheegay inuu iska celiyay tuug damcay in uu telefoonka ka qaato ka dib markii uu is degdeg ah ugu booday tuugga oo taleefankiisa ka dafay.
Sean Dilley ayaa la weeraray Talaadadii mar uu nasasho yar ka galay shaqadiisa oo habeennimo ahayd, xilli uu ku sugnaa dhismaha BBC-du ku howl gasho ee magaalada London.
Qof mooto ku socda ayaa ka dafay taleefankiisa balse Dilley ayaan quusan wuxuuna taas badalkeeda qaatay go’aan degdeg ah si uu u qabto tuugga soo weeraray.
Wuxuu sheegay in markii dambe uu ka shakiyey in indho la’aantiisa awgeed loo bar tilmaameedsaday.
Shakhsiga ka tirsan shacabka ayaa loo ogol yahay inuu isku dayo xiritaanka qofka looga shakiyo inuu dembi dhab ah galay iyadoo ujeeddadu in la tuhunsanaha loo gacan galiyo booliska sida ugu dhaqsaha badan ee macquulka ah.
Wariyaha ayaa ka faa'iidaystay fursaddan ka dib markii uu dareemay in tuuggii uu weli ag taaganyahay, ka dibna wuxuu ku booday dhinacii uu ka shakiyey in laga jiro asagoo dhulka ku qabtay tuugga.
Ka dib wuxuu xakameeyay gacmaha tuuga wuxuuna dib u helay taleefankiisa.
Waxaa Dilley soo gaaray dhowr xagtimood wuxuuna dhaawac kasoo gaaray suxulka intii ay dhacdadu socotay, taas oo dhacday 6-dii subaxnimo ee xiliga London.
Wuxuu sheegay inuu is difaacayey balse sidoo kale uu doonayey inuu xaqiijiyo bed qabka qofka kale
Ka dib markii uu telefoonka gacanta ku dhigay, Dilley wuxuu adeegsaday nidaamka wicitaanka ee indhooleyaasha si uu u waco lambarka sida degdegga ah loogala xiriiro booliska ee 999. Intii uu sugayey booliska qof kale ayaa u yimid kaas oo caawiyey.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xaaladdu markay halkaa marayso oo tuuggu uu isku dayayo inuu baxsado, Dilley ayaa tuugga u sheegay inuu sii daynayo hadii uu isla markiiba Meesha iskaga tagayo.
Saddex boolis ah ayaa goobtii soo gaaray waxa uuna u sheegay inuu ku farxay sida degdegga ah ee ay uga soo jawaabeen wicitaankiisa, isagoo ku tilmaamay qaabka ay ula dhaqmeen mid “ fiican” oo “Caawinaad” ku dheehan tahay.
Saddexda askari ayaa markii dambe usoo waday dhismaha BBC-da ee uu ka howl galayay.
Dilley ayaa sheegay inuu rajaynayo qaabka adag ee uu ula tacaalay tuugga inay ka ku qasabto hadda ka dib inuu iska daayo tuugnimada.
“Wuxuu doortay indhoole uu ku khaldamay xilli khaldan,” ayuu yiri.
Wuxuu ku tilmaamay ficilkiisa mid “doqonnimo ah” wuxuuna kula taliyey qofkii xaaladan oo kale gala in aanu naftiisa halis galanin maadaama aanay jirin wax hanti ah oo u qalanta naftiisa, taas badalkeedana in uu qofku wacdo booliska.
Hase ahaatee Dilley ayaa sheegay in aanu iska dhigaynin qof aan ku faraxsanayn in uu taleefankiisa dib u helay.
Booliska ayaa dhacdadan u baaraya sidii isku day dhac, waxayna diiwaan galiyeen marqaatiyaashii arkay waxa ka dhacay waddada Bolsover ee bartamaha London.
Markhaati u istaagay si uu u caawiyo ayaa u sheegay booliiska in qofka uu u cararay dhanka Greenwell Street. Qof kasta oo macluumaad haya waa inuu wacaa 101 sida laga soo xiganayo waaxda CAD 1115/27Dec.










