Sababta uu xildhibaan Mareykan ah u doonayo in ciidamada dalkiisa laga soo saaro Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Ahmed Cadceed
- Role, Author
Xildhibaan ka tirsan aqalka Congress-ka Maraykanka oo lagu magacaabo Matt Gaetz ayaa muuqaal toos ahaa oo uu markii dambe soo dhigay Baraha Bulshada ku sheegay inuu qorsheynayo mooshin uu doonayo in ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya ku sugan dib loogusoo celiyo dalkooda.
“Waxaan doonayaa in ciidamadeenna Soomaaliya jooga gurigooda lagu soo celiyo” ayuu yiri Matt Gaetz.
Joogitaanka militeriga Mareykanka ee Soomaaliya ayuu Matt ku tilmaamay mid aanay caddeyn faa’iidada laga helayo isla markaana luminaya tamarta iyo dadaalka ciidamada Maraykanka iyo muwaadiniintaba.
Isagoo taas sii sharraxaya ayuu yiri: “Sababtoo ah natiijada la filayo ma cadda, waxaana ku lumaya dadaal."
Xildhibaanka ayaa sheegay in Mareykanka aanay wax faa’iido ah ugu jirin in uu ciidammo ku hayo Soomaaliya isaga oo ku daray in uu khasaare kasoo gaaro Maraykanka arrinkan.
Waxa uu tusaale ahaan u soo qaatay dagaalkii Muqdisho ee sannadkii 1993 lagu soo riday labo diyaaradood oo Marakanku leeyahay isla markaana lagu dilay 18 ka mid ah ciidamadii uu halkaas u diray Maraykanku iyada oo qaar ka mid ah askrtaa la dilay ay waddooyinka Muqdishu shacabku ku jiideen Meydkooda.
'Oggolaansho looma heysto in ciidamada Mareykanka ay joogaan Soomaaliya'
Matt ayaa sidoo kale ku tilmaamay hawl galka Mareykanka ee Soomaaliya mid aan oggolaansho ka haysan aqalka wakiilada Maraykanka isla markaana Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama uu isticmaalay oggolaansho hore oo loogu tala galay in ciidammo lagu geeyo Afghanistan, kaas oo ahaa sannadkii 2001, kaas oo la siiyey madaxweynihii Maraykanka ee xilligaas George Walker Bush.
“Barack Obama wuxuu adeegsaday oggolaanshihii 2001-dii la bixiyey si ciidammo loo geeyo Afghanistan, wuxuuna u adeegsaday la dagaallanka Al-Shabaabta Soomaaliya,” ayuu yiri Matt.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxa uu ku tilmaamay joogitaanka ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya iyo duqeymaha Maraykanku halkaas ka geysto in ay yihiin oo kali ah mid ka mid ah “furimaha dagaalka ee ku dhisan fikirka is ballaarinta caalamiga ah ee Maraykanka", isaga oo sii raaciyey in dagaalkani uu yahay mid 16-kii sano ee u dambeysay uu Maraykanku ku jiray uuna yahay mid aan dhamaaneyn.
Waxa uu sheegay in laga yaabo in "aanay Soomaaliya nabad noqonin waligeed balse haddey noqoneyso laga sugayo oo kaliya dadkeeda", sida ugu fiican ee loo caawin karana ay tahay in waddada loo banneeyo, taasoo uu hoosta ka xariiqay in uu ula jeedo in aan faragelin ciidan lagu sameyn.
“lama dagaallameyno argagixisannimo ee waxaan abuureynaa aragagixiso badan," ayuu yiri Xil dhibaanka ka tirsan Congress-ka Mareykanka ee diyaarinaya mooshin uu aqalka hor geynayo oo ku saabsan sidii ciidanka Mareykanka looga saari lahaa Soomaaliya.
Xildhibaankan ololaha wada ayaa ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee siyaasad ahaanta uga soo hor jeeda xisbiga Dimuqraaddiga ee talada haya.
Waxaase xusid mudan in Jamhuurigu ay hadda aqlabiyad ku leeyihiin Aqalka Wakiillada Mareykanka oo looga gacan sarreeyay markii uu madaxweynaha ahaa Trump.
Dowladda Mareykanka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Joe Biden ayaa horay u difaacday joogitaanka ciidamadeeda Soomaaliya oo ay sheegtay in ay garab siinayaan dowladda Soomaaliya ayna ka shaqeynayaan la dagaallanka argagixisada.
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa bishii December ee sanadkii 2020 amar ku bixiyay in dhammaan ciidamada dalkiisa ay ka baxaan Soomaaliya, tallaabadaas oo timid ka dib markii uu dhowr sano xumaa xiriirkii ka dhaxeeyay Trump iyo dowladdii madaxweynihii hore, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Trump ayaa Farmaajo u arkayay in uu ku guul darreystay hannaanka maamulka dowladeed iyo la dagaallanka kooxaha Islaamiyiinta ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dadka dhaliila ciidamada Maraykanka ee waddamada kale ka dagaallama ayaa ku dooda in ay taasi kordhiso tirada dadka ka carooday fara galinta ciidan ee Maraykanka ka dibna ku biira kooxaha uu markaas la dagaalamayo Maraykanku.
Sharciga xakameynta dhaqdhaqaaqyada militeriga Mareykanka
Waxaa jira xeer ka mid ah sharciga Maraykanka kaas oo loogu talo galay in lagu xakameeyo tallaabooyinka Militariga Maraykanka ee uu qaado Madaxweynuhu, waxaanu xeerkani dhigayaa shuruudo sheegaya in aqalka Cogress-ku ansixiyo tallaabooyinkan iyo in ciidamada Maraykanku aanay dal ku nagaan karin wax ka badan 60 maalmood iyo 30 maalmood oo ka bixitaan ah.
Waqtiga ayaa intaas ka dheeraan kara haddii ansixin laga helo congress-ka ama uu Mareykanku dagaal kula jiro waddankaas.
Haddaba xildhibaan Matt ayaa ku doodaya in Mooshinkan loo cuskan doono xeerkan isaga oo sheegay in uu xeerkani yahay mid u oggolaanaya in mooshinka si toos ah looga codeeyo aqalka Congress-ka isaga oo aan la marsiinin guddi hoosaadyada.
Ciidamada Maraykanka ayaa markii ugu horreysay gaaray Soomaaliya sannadkii 2007, wixii ka dmabeeyay burburkii dawladdi dhexe iyo hawl galkii fashilmay ee 1993 Maraykanku isku dayayey inuu kusoo qabto Jeneraal Caydiid.
Tan iyo xilligaas ciidamada Maraykanka ee ku sugan Soomaaliya ayaa tira ahaan gaaray qiyaastii 700 oo askari.
Khasaaraha rayidka ka soo gaara duqeymaha Mareykanka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Inta ay joogeen ciidamada Maraykanku Soomaaliya waxay Al-Shabaab u geysteen duqeymo badan, oo sare loo sii qaaday sannadihii ugu dambeeyay, balse duqeymahan qaarkood ayuu khasaare kasoo gaaraa dadka rayidka ah;
Warbixin uu 2022-kii soo saaray Ururka dabagalka wax yeellada duqeymaha cirka ee dadka rayidka ah - oo la socda isla markaana baara dhibaatooyinka shacabka loogu geysto weerrarada dhanka cirka ee ka dhaca waddamada dagaalladu ka socdaan oo ay Soomaaliya ku jirto - ayaa sheegay in tan iyo 2007 markii ay ciidamada Maraykanku tageen Soomaaliya ay duqeymaha ku dileen 73 illaa 153 qof oo 20 illaa 23 ka mid ah ay ahaayeen caruur.
Militeriga ayaa inta badan duqeymahaas u adeegsada diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee loo yaqaanno drones-ka.














