Maxaad ka taqaanaa lixda nin ee u tartamaya xilka madaxweynaha Iran ee maanta doodu dhexmartay?

Lixda Musharrax

Xigashada Sawirka, Iran State TV

Doodii ugu horeysay ee talafishinka laga baahiyo ayaa waxay maanta dhexmartay lixda musharrax ee u tartamaya doorashada madaxweynenimo ee dalka Iran, taas oo socotay muddo afar saacadood ah.

Ragaan ayaa waxay dhawaan heleen aqbalka gudiga go’aamiya cidda u tartami karta madaxnimada Iran.

Sida laga soo xigtay talafishinka dawladda Iran maalinkii Axadda, Golaha Ilaalada Iran, oo ah kuwa korjoogteeya doorashooyinka iyo sharciyadaha dalkaas ayaa ansixiyay lix musharrax in ay u tartamaan xilka madaxweynaha ee dalka Iran kaas oo doorashadiisu ay dhici doonto dhamaadka bishaan, kadib dhimashadii madaxweynihii dalkaas Ibrahim Ra’iisi oo ay burburtay diyaaradda nuuca qumaatiga u kacda oo uu saarnaa.

Liiskaan oo uu baahiyay talafishinka Iran ayaa waxaa ku jira magacyo ay ka mid yihiin Mohammad Baqer Qalibaf, afhayeenka baarlamaanka, horayna u ahaan jiray taliye ka tirsan Ilaalada kacaanka, Saeed Jalili oo ahaa masuul hore oo qayb ka ahaa wadahadalada nugleerka Iran, sidoo kalana madax ka soo noqday xafiiska hugaamiyaha saree ee Iran Ayatollah Ali Khamenei muddo afar sano ah. Sidoo kale waxaa liiska ku jiray Maayarka magaalada Tehran ee dhinaca midigta fog Alireza Zakani.

Doorashadaan ayaa waxay qabsoomi doontaa 28 ka bishaan aan ku jirno ee June.

Golaha ayaa waxay dhanka kale ay doorashada ka reebeen madaxweynihii hore ee Iran Maxamuud AxmedNajaad iyo sidoo kale afhayeenkii hore ee barlamaanka dalkaas Ali Larijani, oo ahaa nin aad uga dhexmuuqda midigta fog.

Raga la ansixiyay iyo magacyadooda

  • Mohammad Bagher Ghalibaf – afhayeen baarlamaan, duqii hore ee magaalada Tehran iyo taliyihii hore ee ciidamada cirka ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran.
  • Saeed Jalili – xubin ka tirsan golaha maamulka ee uu magacaabo hugaamiyaha sare, iyo madaxii hore ee wadahadalada nugleerka Iran.
  • Alireza Zakani – Duqa magaalada Tehran.
  • Masoud Pezeshkian – xubinka tirsan baarlamaanka.
  • Mostafa Pourmohammadi – wasiirkii hore ee arimaha gudaha iyo cadaaladda.
  • Amir-Hossein Ghazizadeh Hashemi – madaxa hay’adda Shuhadada iyo Rugcadaayaasha Iran.
Saeed Jalili

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Saeed Jalili, mid ka mid ah ragga tartanka ku jira.

Sidee loo soo xulay?

Kadib markii shaqsiyaadka doonayay tartanka ay soo gudbiyeen waraaqaha codsiyadooda intii lagu guda jirayay muddo ay ciyimeen saraakiisha doorashada, kadibna dhamaantoon ayaa waxaa baaritaan ku sameeyay Golaha Ilaalada oo iyagu iska leh go’aanka kama dambeysta ah ee cidda tartamaysa iyo cidda aan loo ogoleyn intaba.

Golaha Ilaalada ayaa ka kooban 12 xubnood oo la soo xulay kuwaas oo awood la taaban karo ku leh Iran.

Maxamuud AxmedNajad

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Maxamuud AxmedNajad, madaxweynihii hore ee Iran oo laga reebay tartanka doorashadaan.

Imisa musharrax ayaa loo diiday tartanka?

Sanadkaan, si la mid ah doorashooyinkii hore, goluhu waxay diidaan inta badan codsiyadii la soo gudbiyay – 74 ta musharrax ee loo diiday in ay tartamaan ayaa waxa ka mid ah wajiyo caan ah.

Marka loo eego dunida ayaa waxay noqonayaan kuwa ugu caansan sida madaxweynihii hore ee Maxamuud AxmedNajad oo waddankaas ka talinayay intii u dhaxeysay sanadihii 2005 tii ilaa 2013 kii.

Kuwa kale ee la diiday ayaa iyana soo qabtay xilal sida afhayeenkii hore ee baarlamaanka Ali Larijani – kaas oo loo maleynayay in uu ka mid noqon doono ragga ugu cadcad ee tartanka – iyo madaxweyne xigeenkii hore Eshaq Jahangiri.

Golaha Ilaalada ayaan wax faahfaahin ah ka bixin sababta ay u diideen in ay aqbalaan musharrixiintaas.

Doorashada Iran

Xigashada Sawirka, EPA

Ma jiraa musharraxiin aad u cadcad?

Marka la fiiriyo gudaha Iran, Ghalibaf iyo Jalili ayaa loo arkaa ragga safka hore uga jira tartank. Labadooduba waa midgta fog, inkasta oo Ghalibaf loo arko nin dunida casriga ah la haysta.

Jilili ayaa dhankiisa buuxinaya shuruudo badan taas oo ka dhigaysa in uu yahay nin guuleysan kara, ugu yaraanna laga yaabo in uu taageero ka helo gudaha. Waxaa la sheegaa in uu xiriir adag la leeyahay hugaamiyaha sare iyo ciidamada awoodda badan ee IRGC da (Ilaalada Kacaanka).

Sidoo kale wuxuu aad ugu dhawaa madaxweynihii geeriyooday ra’iisi, isaga oo doorashadii 2021 kii uga haray doorashada si uu u guuleysto Ra’iisi.

Ghalibaf ayaa dhankiisa isna ah nin farsamo yaqaan dhinac siyaasadda ah, isaga oo xiriir dhaw laleh ciidamada IRGC da iyo hugaanka saree e Iran Khamenei, balse waxa uu weeraro adag kala kulmayaa warbaahinta konsarfatiifka ah ee Iran.