Ruushka oo dhaqaale iyo xiriir dublamaasi ka faa'iidaya dagaalka Iran

Xigashada Sawirka, Reuters/File photo
- Author, Steve Rosenberg
- Role, Russia editor
- Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo
Waxay dhacday laba jeer toddobaad gudihii.
Wadahadal dhanka taleefanka ah oo dhex maray madaxweynayaasha Ruushka iyo Iran.
Iyadoo Mareykanka iyo Israa'iil ay sii wadaan duqeymaha ka dhanka ah Iran, ayaa madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin waxa uu isu ekeysiiyay nabadoon caalami ah.
Taasi ma ahan mid si fudud dadka looga dhaadhicin karo.
Kremlin-ka ayaa ahaa kii amray duulaanka buuxa ee Ruushka ee ka dhan ahaa qaran madax-banaan sanadkii 2022.
Waagaas, Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay waxa uu cambaareeyay duullaankii Ukraine oo uu ku tilmaamay mid xadgudub ku ah Axdiga Qaramada Midoobay.
Iyadoo Kremlin-ka uu hadda ku baaqayo "dejin degdega ah iyo xallinta siyaasadeed ee [khilaafka Iran]", halka uu Ruushku wuxuu sii wadaa dagaalka uu ku hayo Ukraine.
Moscow waxay Iran la gashay heshiis "Iskaashi Istaraatiijiyadeed oo Dhamaystiran". Toddobaadkan ayuu Putin dib u xaqiijiyay Kremlin-ka "taageerada aan kala go'a lahayn" ee Tehran. Laakin iskaashigoodu wuxuu aad uga hooseeyaa heshiiska is-difaaca.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Taa baddalkeeda, Moscow waxay soo bandhigtay in ay dhexdhexaadiso khilaafka.
Wadahadalkii Isniintii ee uu khadka taleefoonka kula yeeshay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, sida laga soo xigtay Kremlin, Putin "wuxuu muujiyay fikrado dhowr ah oo looga gol leeyahay in si deg deg ah loo xaliyo xiisadda diblomaasiyadeed ee Iran, oo ku saleysan waxyaabo kale oo xiriir la leh hoggaamiyeyaasha dalalka Khaliijka, madaxweynaha Iran, iyo hoggaamiyeyaasha dalal kale".
Ruushka waxay u tahay fursad uu kor ugu qaado sumcadiisa Khaliijka iyo Bariga Dhexe - iyo inuu isu muujiyo inuu yahay awood saameyn leh.
Sidoo kale waa fursad uu ku sii xoojiso xiriirka Washington.
Kremlin-ka ayaa aad u danaynaysa in ay sii wadato xiriir shaqo oo wanaagsan oo ay la yeelato Trump. Waxay u aragtaa xiriirka ay la leedahay maamulka Trump mid faa'iido u leh ujeeddooyinka dagaalka Moscow ee Ukraine.
Taasi waxay sharraxaysaa sababta Putin uu uga taxadaray inuu Trump shakhsi ahaan iyo si cad u dhaleeceeyo dagaalka Iran.
"[Putin] waxa uu rabaa in uu caawiyo," Trump ayaa yiri Isniintii ka dib markii uu telefoonka kula hadlay Putin.
"Waxaan iri, 'Waxaad noqon kartaa mid waxtar badan haddii aad ka baxdo dagaalka Ukraine iyo Ruushka. Taasi waxay noqon doontaa mid waxtar badan.
Hase yeeshee, iyada oo Kremlin-ka uu ku baaqayo 'dejinta' Iran, colaaddu waxay siinaysaa fursado kale Moscow.
Faa'iido dhaqaale oo bilow ah.
Isbadalkii ugu dambeeyay ee qiimaha saliidda caalamiga ah ayaa siinaya kor u kaca loo baahan yahay dakhliga dawladda Ruushka iyo - iyada oo lagu jiro muddada dheer ee qiimaha sare - waxay ka caawin doontaa Ruushka inuu sii wado maalgelinta dagaalka uu ku hayo Ukraine.
Miisaaniyadda federaalka ee Ruushka waxay ku salaysan tahay in waddanku dhoofiyo saliidda 59 doolar foostadii.
Bilihii la soo dhaafay qiimaha saliidda ayaa aad hoos uga dhacay heerkaas. Toddobaadkan, saliidda cayriin ayaa aad kor ugu kacday ku dhawaad $120 fuustadii. Tan iyo markaas dib ayay u dhaceen laakiin qiimaha saliidda ayaa weli ka sarreeya sumadda $59.
Waxa intaas dheer, Trump waxa uu soo jeediyay in Maraykanku uu ka tanaasuli doono cunaqabataynta la xiriira saliidda "dalalka qaar" si loo yareeyo yaraanta uu sababay dagaalka Iran.
Haddii cunaqabataynta saliidda la fududeeyo Ruushka, Moscow waxay rajayn kartaa dabaylo dhaqaale oo xataa ka weyn. Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in taasi ay "Dharbaaxo halis ah ku noqon doonto" Kyiv wuxuuna ku booriyay Trump inuu ka soo horjeesto.
Daabacaadda maanta ee wargeyska Pro-Kremlin Komsomolskaya Pravda wuxuu ahaa mid rajo muujinayay.
" Saliid qaali ah ayaa sabab u ah [Reer Galbeedku] inay joojiyaan cunaqabataynta," ayaa lagu yiri ciwaanka.
Kremlin-ka ayaa laga yaabaa in aanu dhaleecayn madaxweynaha Maraykanka laakiin qaar ka mid ah wargeysyada Ruushka ayaa si xun u weeraray Trump iyo dagaalka Iran.
"'Madaxwaynaha nabada' ayaa si fudud maskaxdiisa u lumiyay," ayaa lagu daabacay Moskovsky Komsomolets.
"Imbaraadoorku ma wato dhar, iyo xitaa, miyir."












