Hadalada is dhaafsan ee Trump oo batay xilli hubanti la'aan soo wajahday dhamaadka dagaalka Iran

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo xubno ka tirsan maamulkiisa ayaa illaa hadda soo bandhigay farriimo kala duwan oo mararka qaar iska hor imanaya oo ku saabsan hawlgalka milatari ee Maraykanka iyo Israa'iil ee ka dhanka ah Iran.
Hawlgalkan oo galay maalintii 11-aad oo khalkhal galiyey geliyey xulafada Maraykanka iyo suuqyada caalamka, ayaa tusaale kale u ahayd jaahwareerkan ku saabsan wakhtiga dagaalka iyo yoolka ugu dambeeya ee laga leeyahay.
Ka dib markii saamiyada suuqayada Maraykanku ay hoos u dhaceen, qiimaha saliiddana uu sare u kacay, madaxweynuhu waxa uu bilaabay in uu taleefoon kula hadlo suxufiyiinta taas oo u muuqatay tallaabo lagu dejinayo walaaca. Si kastaba ha ahaatee, xitaa markii la waydiiyay inuu faahfaahin ka bixiyo, hadaladiisa ma uusan cadayn.
"Wax walba qorshe ayaan ka leeyahay, wax walba qorshe ayaan ka leeyahay, waxaad noqon doontaa mid aad u faraxsan," ayuu yiri isagoo u jawaabaya wariye New York Post ka tirsan oo wax ka waydiiyay kor u kaca qiimaha saliidda.
Donald Trump ayaa sidoo kale wareysi uu siiyay CBS ku sheegay in dagaalku uu ku dhow yahay inuu dhammaado.
"Si fiican ayaan uga soo horraynay waqtigii loogu talagalay," ayuu raaciyay hadalkiisa.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Mar la weydiiyay inay taasi la micno tahay in xilli hore la soo afjaray howlgalka, Trump wuxuu ku jawaabay: "Ma aqaano, Waxay ku xiran tahay maankeyga. Duubista iyo joojinta dagaalka waxay ku xiran yihiin fikirkeyga."
Sidaas oo ay tahay wicitaanadiisa waxa ay yeesheen saamayntii la rabay, ugu yaraan dhaqaale ahaan. Suuqyada saamiyada ayaa mar kale kor u kacay, waxaana qiimihii shidaalka oo hore u gaaray $120, uu hoos uga dhacay 90$ fuustadii.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Maalmo ka hor, Donald Trump waxa uu sheegay in aanu joojin doonin dagaalka ilaa ay Iran "is dhiibto shuruud la'aan". Laakiin ka dib hadalkiisii Isniintii, waxay u muuqatay in dhamaadka hawlgallada milatari ee culayska saaray Bariga Dhexe ee joojiyay ku dhawaad dhammaan gaadiidkii maraakiibta ee mara marinka Hormuz.
Si kastaba ha ahaatee, fiidnimadii maalintaas, Donald Trump ayaa dib uga laabtay qaar ka mid ah hadaladaas.
"Waxaan ugu yeeri karnaa guul weyn hadda, ama waan sii wadi karnaa. Waan sii wadi doonnaa," ayuu yiri.
Trump ayaa sheegay in Mareykanka uu aad ugu dhow yahay dhamaadka wax uu ku tilmaamay "howlgalka", balse waxa uu ka digay in Mareykanka uu sii kordhin doono weeraradiisa hadii Iran ay sii wado hanjabaada ay ku heyso maraakiibta shidaalka ka qaada gacanka Persia.
"Waxaan u beegsan doonaa si adag si aysan ugu suuroobin iyaga ama cid kasta oo ka caawisa inay dib u dhisaan aagaas," ayuu yiri.
Donald Trump ayaa sidoo kale sheegay in hadafka dagaalku uu yahay in laga hortago in Iran ay sameysato hub bartilmaameedsan kara Mareykanka, Israa'iil ama mid ka mid ah xulafada Mareykanka "waqtiyada soo aadan".
Hadafka noocan oo kale ah ayaa laga yaabaa inuu ugu dambeyntii u baahan yahay nooc ka mid ah isbeddelka qaab dhismeedka awoodda ee Iran, isbeddelkaas oo uu Trump ilaa hadda ku guuldareystay inuu gaaro, gaar ahaan tan iyo markii Cali Khamenei lagu beddelay wiilkiisa dhimashadiisa.
Saacado kooban gudahood, fariimaha ka soo baxayay madaxweynaha Mareykanka ee ku saabsanaa dagaalka ayaa ahaa kuwo is burinaya oo is bedelaya taasoo keentay in dad badan ay jahawareeraan. Kuwa raadinaya calaamado muujinaya goorta uu dhammaanayo hawlgalka milatari ee baaxadda leh ama tilmaamo ku saabsan yoolalkiisa gaarka ah ayaa waxa ay la kulmeen su'aalo aan jawaab loo hayn.
Wareysi uu siiyay CBS Axadii, Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegsett ayaa ka hadlay wejiga xiga ee howlgallada wadajirka ah ee Mareykanka iyo Israa'iil, wejigaas oo uu sheegay in ay ka mid yihiin adeegsiga hubka culus.
"Waxaan awood u leenahay inaan ku dhaqaaqno ficilo awood badan oo aan caadi ahayn, bambooyinka xorta ah, ee gaaraya 500-pound, 1,000-pound, 2,000-pound, kuwaa oo ah bambooyinka lidka ku ah bartilmaameedyada militariga. Dhab ahaantii, xitaa wali ma aanan bilaabin qaybtaas weli, "ayuu yiri.
Markii la weydiiyay isniintii is burinta muuqata ee udhaxeysa hadaladiisa ah in dagaalku "ku dhawaaday dhhamaad" iyo hadalada ka soo baxaya wasiirka difaaca Pete Hegsett, Donald Trump wuxuu ku jawaabay: "Waxaad dhihi kartaa labaduba waa run."
"Tani waa bilowga dhismaha dal cusub," ayuu raaciyay hadalkiisa.











