Dahabka oo maanta jooga qiimihii ugu sareeyay sanadkaan iyo waxa la saadaalinayo 2026

Dahab

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qiimaha dahabka 28-dii gram ayaa gaartay rikoor cusub, iyada oo qiimaheedu gaartay $4,400 oo doolar 22, December 2025. Halka (silver) sidoo kale ay korortay 3.2%, iyada oo gaartay rikoor cusub oo ah $69.35.

Ka dib go'aankii hoos u dhigidda dulsaarka ee Bangiga Dhexe ee Maraykanka (Fed) usbuucii hore, rajada hoos u dhigidda dulsaarka dheeraad ah ayaa ka qayb qaadatay kororka qiimaha dahabka iyo lacagta.

Qiimaha dahabka ayaa si weyn u kordhay intii lagu jiray 2025. 18-kii Agoosto, halkii (ounce) oo u dhiganta 28 garaam dahab ah ayaa gaartay $3,333, laakiin laba bilood gudahood wuxuu gaaray rikoor cusub oo ah $4,381, taas oo maalgeliyeyaasha siisay 30% faa'iido waqti gaaban gudaheed. Koror sidan oo kale ah oo la arko ayaa ugu dambeysay in la arko sanadkii 1979.

Ka dib hoos u dhac degdeg ah dhammaadkii Oktoobar iyo bilowgii Nofembar, markii uu ka hooseeyay $4,000 halkii (ounce), qiimaha dahabku wuxuu mar kale bilaabay inuu kaco dhammaadkii Nofembar.

Dhaqaale-yaqaannadu waxay sheegayaan in rajada sii xoogaysanaysa ee ah in bangiga dhexe ee Maraykanka, Fed, uu hoos u dhigi doono dulsaarka ay door ka ciyaartay kororkan.

Wariyaha ku takhasusay arrimaha badeecadaha ee Reuters, Clyde Russell, wuxuu intaa ku daray in iibsashada bangiyada dhexe ee adduunka iyo dadka u jeedada sanduuqyada maalgelinta ee dahabka lagu taageero ay yihiin labo sababood oo kale oo muhiim ah.

Khabiirada ayaa sheegaya in ay jiraan sababo badan oo qiimaha dahabku isu beddelay ka dib markii uu gaaray rikoor cusub Oktoobar. Mid ka mid ah waxa uu ahaa in maalgeliyeyaashu iibinayeen si ay faa'iido u qaataan.

Hoos u dhacaas, oo yimid isla markiiba ka dib rikoorka cusub, waxaa sidoo kale saameeyay iibsi xad dhaaf ah maalmaha ka horeeyay.

Rhona O'Connell, falanqeeye ka tirsan shirkadda talo-bixinta maalgashiga ee Maraykanka ee StoneX, ayaa u sheegtay Reuters, "Saxid sidan oo kale ah waxay ahayd mid loo baahnaa, laakiin xilliyada hubanti la'aanta caalamiga ah ee sida weyn u jirta, hoos u dhacyadan waxaa u badan in loo arko fursado cusub oo iibsi."

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Qiimaha dahabka ee Turkiga si weyn looma saameyn oo kaliya kororka dahabka marka loo eego doolarka, laakiin sidoo kale hoos u dhaca guud ee lira Turkiga.

Sabab kale waa in Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu heshiis la gaaray Shiinaha dagaalka canshuuraha.

Si kastaba ha ahaatee, khabiirada waxay sheegayaan in rikoodho cusub la filan karo haddii aysan isbeddelin hubanti la'aanta aragtida dhaqaale iyo siyaasadeed ee caalamka.

Tim Waterer, Falanqeeye Sare ee Suuqa ee KCM Trade, wuxuu yiri, "Haddii waddada hoos u dhigidda dulsaarka Fed aysan isbeddelin, tani waa fursado iibsi oo la arki doono."

Markii uu la hadlay Reuters bartamihii Oktoobar, maamulaha CPM Group Jeffrey Christian wuxuu sheegay, "Waxaan filaynaa koror toddobaadyada iyo bilaha soo socda, mana yaabayno haddii qiimaha dahabku dhowaan gaaro $4,500 halkii (ounce)."

Christian wuxuu ku doodaa inaysan la yaab noqon haddii dahabku gaaro shan kun oo doolar 2026, isagoo yiri, "Muuqaalkan wuxuu ku xiran yahay kororka dhibaatooyinka siyaasadeed ee caalamiga ah, laakiin sidan ayaa wax u muuqda inay ku socdaan."

Maxay bangiyadu ka saadaalinayaan 2026?

Kororka guud ee 2025 waxaa saameeyay hubanti la'aanta juqraafi iyo dhaqaale, iibsashada bangiyada dhexe, doorashooyinka maalgeliyeyaasha gaarka ah iyo hay'adaha, iyo hoos u dhigidda dulsaarka ee Fed.

"Shuruudahan noocaas ah waxaa loo arki karaa duufaanta ugu habboon ee dahabka," ayuu yiri Louise Street, falanqeeye sare oo suuqa ah oo ka tirsan Golaha Dahabka Adduunka, urur ganacsi oo maalgelino ka hela warshadaha macdanta.

Isaga oo la hadlaya BBC News Turkish, Ku-xigeenka Professor Dr. Özge Öner oo ka tirsan Waaxda Dhaqaalaha ee Jaamacadda Cambridge wuxuu yiri, "Dahabku waa kayd qiimo oo classic ah oo adeegay sidii goob ammaan ah xilliyada qalalaasaha sanado badan."

Suki Cooper, maamulaha Standard Chartered Bank, wuxuu sidoo kale yiri, "Waxaan qiyaasnaa in celceliska qiimaha dahabka halkii (ounce) uu ahaan doono $4,488 2026, waxaana jira khataro kor u riixi kara qiimaha ka sareeya."

HSBC sidoo kale kor u qaaday saadaasheeda celceliska ee 2025 $100, iyadoo saadaalineysa in $5,000 la arki doono 2026. Sida ay bangiyadu sheegayaan, halkan waa saadaashooda dhamaadka 2026.