Wax ka ogow nolosha Ayeeyada Isteelka ee ka yaabsatay adduunka

isteelka

Xigashada Sawirka, Luxury Media Zambia

Ayeeyo ku nool baaddiyaha Zambia ayaa noqotay xiddigadda dhanka isteelka iyadoo aad looga hadal-hayo internet-ka - kadib markii ay oggolaatay in dharka ay kala beddeshaan gabadha ay ayeeyada u tahay ee dharka xayeysiisa.

Margret Chola, oo ku jirta da'da 80maadka, ayaa dunida looga yaqaan "Legendary Glamma" - oo ka dhigan inay aad ugu fiican tahay dhanka isteelka waxayna barta Instagram ku leedahay 225,000 oo taageerayaal ah kuwaasoo jecleystay sawirradeeda cajiibka ah ee soo jiidashada leh.

"Waxaan dareemayaa inaan dadka ka duwanahay, waxaan dareemayaa qof cusub oo nool marka aan dharkaas xirto, qaab aan weligey hore u dareemin," ayay Ms Chola u sheegtay BBC. "Waxaan dareemayaa sida inaan dunida qabsan karo!"

Taxanaha Granny ayaa waxaa sanadkii 2023 hirgelisay gabadheeda Diana Kaumba oo ah qof isteelka ku takhasustay kuna nool magaalada New York City.

Zambia

Xigashada Sawirka, Luxury Media Zambia

Waxay la timid fekraddan markii ay booqaneysay Zambia si ay u xusto sanad-guurada labaad ee geerida aabbaheed - qofka ay sheegtay inuu ku dhiirrigeliyay xayeysiinta dharka iyo isteelka labiska sababtoo ah mar walba aad buu u lebisan jiray.

Markii ay booqashada ku joogtay Ms Kaumba ma aysan xiran dhammaan dharka sida wacan loo tolay, sidaa darteed waxay ka codsatay ayeeyadeed - ama "Mbuya" sida lagu yiraahdo afka Bemba - haddii ay dooneyso inay isku daydo.

"Xilligaas waxba ma aanan sameyneyn, sidaa daraaddeed waxaan iska iri: 'OK. Haddii taas sida aad dooneyso ay tahay aan sameyno - maxaynaan u sameyneyn?'" ayay tiri Ms Chola.

"Waad ii xiisi doontaa marka aan dhinto ugu yaraan qaabkaan ayaad igu xusuusan doontaa."

ayeeyo

Xigashada Sawirka, Luxury Media Zambia

Ms Kaumba ayaa xiratay funaanadda Mbuya iyo "chitenge" - oo ah dhar qeybta dambe lagu xirto. Sidaas oo kalena dharkii ugu horreeyay ee Mbuya wuxuu ahaa dhar isku joog oo midabka qalinka ah.

"Waxaan ku fekeray inay wax fiican tahay noqoneyso in Mbuya aa dhar aad u cajiib a ugu lebiso kadibna aad sawirro uga qaado deegaankeeda dabiiciga ah," ayay Ms Kaumba u sheegtay BBC.

Deegaankaas dabiiciga ah waa beer ku taalla xaafadda 10 Miles, oo waqooyi ka xigta caasimadda Zambia ee Lusaka.

Inta badan aalaaba Ms Chola waxaa sawir looga qaadaa bannaanka - aalaaba iyadoo ku fadhisa kursi qurux badan oo alwaax ka sameysan.

Zambia

Xigashada Sawirka, Luxury Media Zambia

Qeybta dambe ayaa waxaa ka muuqda dhisme dhagax ka sameysan oo saqafkoodu jiingad yahay, dhul loo diyaariyay wax beerasho, geedo cambe iyo dalaf galleyda.

"Aad baan u walwalsanaa markii aan soo dhigay sawirkii ugu horreeyay. Taleefankeyga muddo 10 daqiiqo ah ayaan ka tegay waxaana ka helay ilaa 1,000 qof," ayay tiri Ms Kaumba.

"Maskaxdeyda way qaadan weysay. Falcelinnada way isa soo tarayeen dadkuna sawirro dheeri ah ayay na weydiinayeen."

Waxay ahayd April 2024 markii Taxanaha Granny uu baahay - kadib Ms Kaumba ayaa soo dhigtay sawirro badan oo ayeeydeed oo ku lebisan dharka Adidas oo gduudan, dhowr katiinad iyo koofiyad dhaldhalaaleysa.

"Waxaan la yaabay inaan maqlay in dad badan oo dunida ku nool ay i jecel yihiin," ayay tiri Ms Chola - oo aan ogeyn da'deeda saxda ah sababo la xiriira inaysan heysan warqadda dhalashada.

Zambia

Xigashada Sawirka, Luxury Media Zambia

"Maan moodeyn inaan da'daan ku sameyn karo saameyn."

Ms Chola ayaa soo xirata dhar midabbo ifaya leh, qaab-tolliin wanaagsan oo isteel ah.

Kan ay Mbuya ugu jeceshahay waa jiinis iyo funaanad ay sawirro ku xardhan yihiin.

"Weligey hore uma xiran jiinis - marka waan ku faraxsanaa, waanan cayaarayay."

Ms Kaumba, oo tan iyo sanadkii 2012 ahayd qof dhanka isteelka iyo lebiska ku shaqeysata, waxay sheegtay in ayeeyadeed ay tahay qof dhiirran.

Zambia

Xigashada Sawirka, Luxury Media Zambia

Qaar ka mid ah qalabka ay isku soo sawirto waxay ka tarjumaan shakhsiyadda Mbuya.

Mid ka mid ah sawirrada, Mbuya waxay heysataa raadiyaha ay jeceshahay ee ay mar walba gacanta ku heysato ayna ilaa sariirteeda la tagto.

Sidoo kale kal dheer oo alwaax ka sameysan oo sanadihii lasoo dhaafay ay badarka ku tumaneysay kuna ridqeysay galleyda iyo moxogga ayay jeceshahay inay isku sawirto.

Zambia

Xigashada Sawirka, Luxury Media Zambia

Ms Kaumba ayaa rajeyneysa in Taxanaha Granny uu soo bandhigo in dadka da'da ah ay weli wax badan qaban karaan - iyadoo in xusuuso si wadajir ah loo sameeyo ay tahay hab muhiim ah oo "dhaxal looga tago jiilka xiga".

"Ha dayicin, jeclow si isku mid ah ilaa dhammaadka sababtoo ah xusuuso sidooda oo kale unbaan noqon doonnaa maalin uun."

Natiijada ka dhalatay sawirrada Mbuya ayaa ah in Ms Kaumba ay afar gabdhood ka codsadeen inay isteelka ka dhisto ayeydood - oo da'doodu tahay 70 iyo 96.

Zambia

Xigashada Sawirka, Luxury Media Zambia

Ms Chola ayaa rajeyneysa in Taxanaha Granny uu dadka ku dhiirrigelin doono "inay noloshooda ku noolaadaan oo aysan ka walwalin inay bulshadu xukmiyaan".

Waxay dadka ku boorrineysaa inay "mar walba iska cafiyaan khaladaadka ay sameeyeen. Weligaa ma beddeli kartid wixii kusoo maray - balse waad beddeli kartaa mustaqbalkaaga".

Sawirrada ayaa isu soo dhoweeyay gabadha iyo ayeydeed - xiriirkood dhow dartii ayayna Ms Kaumba wax badan uga baratay noloshii adkeyd ee Mbuya.

Zambia

Xigashada Sawirka, Luxury Media Zambia

Ms Chola waxaa soo koriyay ayeydeed iyo awowgeed, iskuul ma aysan aadin ilaa ay ka gaarto da'da 12 ama 13, sababo la xiriira dhaqaalahana waxaa lagu qasbay inay guursato nin da'da 30meeyada ku jiray.

Waxay dhashay saddex carruur ah, waxayna kadib noqotay qof khamriga aad u isticmaasha wayna isaga tagtay qoyskeeda iyo gurigeeda.

Zambia

Xigashada Sawirka, Luxury Media Zambia

Mahadhadaas ayay weli soo gocataa - balse sida kediska ah ee ay dunida caanka uga noqotay ayaa siiyay xoogaa rajo iyo yididiillo ay nolosha ka qabto.

"Hadda waxaan awoodaa inaan soo tooso anigoo og in dadka dunida daafaheeda ku nool ay jecel yihiin inay i arkaan," ayay tiri Chola.