Lix bil ka dib Israa’iil miyey ku hungowday go‘aankeedii ahaa inay dabar jarayso Xamaas?

Xamaas

Ku dhawaad lix bilood ayaa laga joogaa markii dagaalyahannada Xamaas ay ka talaabeen Qasa iyagoo gudaha u galay israa’iil 7-dii Oktoobar, iyagoo dilay ilaa 1,200 oo qof, boqolaal kalana ay qafaasheen.

Israa’iil oo ka jawaabaysa weerarkaas ayaa wacad ku martay inay “burburin doonto Xamaas” si aysan khatar dambe ugu imaan una soo furtaan la haystayaasha reer Israa’iil ee gacanta ugu jira Xamaas oo guryahooda dib ugu soo celiyaan.

Dagaalka bahalnimada ah ee xigay, ugu yaraan 33,000 oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho, waxaana la burburiyay qaybo badan oo Qasa ka tirsan.

Israa’iil ayaa sheegtay in ay dishay kumannaan dagaalyahan oo Xamaas ah, isla markaana ay burburisay inta badan shabakaddii ugu ballaadhnayd ee marinnada dhulka hoostiisa mara ee Qasa, kuwaas oo ay Xamaas u adeegsatay weerarada.

Qaybta xaqiijinta BBC-da ee ‘BBC Verify’ waxay isku dayday hadallo dad weyne iyo baraha bulshada ay soo dhigeen Ciidanka Difaaca Israa'iil (IDF) waxayna qiimeeyeen caddaymaha ka dambeeya ujeeddooyinka Israa'iil.

Immisa hoggaamiye oo Xamaas ah ayaa la dilay?

Kahor 7-dii Oktoobar, Xamaas waxaa loo malaynayay inay Qasa ku sugnaayeen ilaa 30,000 oo dagaalyahan, sida ay sheegayaan warbixinnada laga soo xigtay taliyeyaasha IDF.

Qaar badan oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee siyaasadda Xamaas sida Ismail Haniyeh, oo aad loogu tiriyo inuu yahay hogaamiyaha guud ee kooxda, ayaa ku nool dalka dibadiisa. Laakiin qaar badan oo ka mid ah qaab-dhismeedkeeda hoggaamineed ee militariga ayaa loo maleynayaa inay ku jiraan gudaha Qasa.

War qoraal ah oo ay dhawaan soo saartay IDF ayaa lagu sheegay in tan iyo markii uu dagaalka bilowday ay dileen ilaa 13,000 oo dagaalyahanada Xamaas ah, inkastoo aysan sheegin sida ay u xisaabiyeen tiradaasi.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Israel ayaa sidoo kale daabacday magacyada shaqsiyaadka hogaamiyayaasha Xamaas ee ay sheegtay in la dilay.

113 qof ayaa sidan loo magacaabay tan iyo bishii Oktoobar, kuwaas oo intooda badan la sheegay in lagu dilay saddexdii bilood ee ugu horreeyay dagaalka.

Marka la barbardhigo, ciidamada Israa'iil ma aysan soo sheegin wax hoggaamiyeyaal sare oo Xamaas ah oo lagu dilay Qasa sanadkan illaa Maarso.

Bishii Maarso 26-keedii, IDF waxay sheegtay inay dishay Marwan Ciise, oo ahaa taliye ku xigeenkii garabka militariga ee Xamaas.

Waxaa loo arkaa mid ka mid ah ragga Israa'iil aadka u doondoonaysay, wuxuu noqon lahaa hoggaamiyihii ugu sarreeyay ee kooxda ee la dilo tan iyo markii uu dagaalku billowday.

Mareykanka ayaa sheegay in uu rumeysan yahay in la dilay, balse Xamaas ma aysan xaqiijin.

IDF ayaa daabacday magacyada shaqsiyaad ay ku sheegtay in ay ahaayeen madax sare oo Xamaas ah oo la dilay, balse lama xaqiijin karo in ay ka tirsan yihiin Xamaas iyo in kale.

Mid ka mid ah kuwa lagu magacaabay qaybtan ayaa ahaa Mustafa Thuraya, oo ahaa wariye madax-bannaan oo ka shaqeynayay koonfurta Qasa markii gaarigiisa la bartilmaameedsaday bishii Janaayo.

Waxa kale oo aanu liiska ka helnay magacyo nuqul ah, kuwaas oo aanu ka dhimnay wadarta guud.

Meel ka baxsan Qasa, hoggaamiyihii siyaasadda Xamaas Saleh al-Arouri ayaa ku dhintay qarax ka dhacay xaafadda Daahiye ee koonfurta Beyruut bishii Janaayo. Israa'iil ayaa loo arkaa inay mas'uul ka tahay weerarkaas.

Xamaas

Xigashada Sawirka, REUTERS

Si kastaba ha ahaatee, khubarada aan la hadalnay ayaa sheegay in qaar badan oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha caanka ah ee kooxda ee Qasa, oo uu ku jiro Yahya Sinwar, la rumeysan yahay inay weli nool yihiin.

"IDF ma aysan awoodin in ay gaarto hogaanka sare ee hoggaanka Hamas," ayey tiri Mairav Zonszein, oo ah falanqeeye sare oo arrimaha Israa’iil iyo Falastiin ka ah kooxda xasaradaha caalamiga ah.

"Labadaba heer oo lagu gaari karo madaxda ugu muhiimsan, iyo sidoo kale heerka lagu bedelayo Xamaas oo ah cidda heysata dhulka, taasi waa wax aysan awoodin inay gaarto," ayuu tiri Zonszein.

Immisa la hayste ayaa ku haray Qasa?

Xamaas

Xigashada Sawirka, REUTERS

Sida laga soo xigtay tirooyinka rasmiga ah ee Israa’iil, 253 qof ayaa la qafaashay 7dii Oktoobar. Kuwaas oo kala ah

Boqol iyo sagaal ayaa maxbuus ayaa lagu sii daayey qaybo ka mid ah isweydaarsi ama heshiis gaara ah

Saddex la hayste aey si toos ah ay u soo badbaadiyeen ciidamada Israa’iil howlgalo militari oo fuliyeen.Halka meydadka kow iyo toban la haystayaal ah ayaa la helay, oo ay ku jiraan saddex ay IDF qiratay in ay ku dileen mid ka mid ah hawlgaladooda.

La haystayaasha kan ugu da'da yar waa 18 jir, kan ugu da'da weynna waa 85 sano jir.

Boqol iyo soddon la haystayaal oo soo haray, Israa’iil waxay sheegta inay ugu yaraan soddon iyo afar ka mida ay dhinteen

Xamaas ayaa sheegtay in tirada la haystayaasha dhintay ay intaas ka badan tahay, natiijada duqeymaha cirka ee IDF owgeed. Laakiin suurtagal maaha in la xaqiijiyo eedeymahaas.

Labada la hayste ee ugu da’da yar ee lagu qafaashay weerarrada Xamaas ayaa kala ahaa Ariel iyo Kfir, kuwaas oo kala jiray 4 sano iyo 9 bilood, siday u kala horreeyaan markii la afduubay. Geeridooda ayaa la sheegay, balse lama xaqiijin.

Waa immisa godadka dhulka hoostooda ah ee Xamaas laga burburiyey?

Xamaas

Xigashada Sawirka, RUETERS

Iyada oo qayb ka ah ballan-qaadkeedii ahaa in ay baabi’inayso Xamaas, Israa’iil waxa ay ballan-qaadday in ay burburinayso shabakad ballaadhan oo kooxdan gododka dhulka hoostooda ah.

"Ka fikir Marinka Qasa inuu yahay hal lakab oo dadka rayidka ah ka dibna lakab kale oo Xamaas ah. Waxaan isku dayeynaa inaan gaarno lakabka labaad ee Xamaas ay dhistay," afhayeenka IDF Jonathan Conricus ayaa sidaas yiri bishii Oktoobar.

Xamaas ayaa horay u sheegtay in shabakadeeda marinadooda dhulka hoostiisa ay ku fidsan yihiin 500km (311 mayl), inkastoo aysan jirin si madax bannaan oo arrintan loo xaqiijiyo.

Waxaan waydiinay IDF inta gododka dhulka hoostiisa ah, iyo inta ay le'eg tahay wadarta isku xirka gododkaas marinada ah ee ay burburiyeen. Jawaabtooda, waxay ku sheegeen in ciidamadoodu ay "burburiyeen wax badan oo ka mid ah kaabayaasha argagixisada ee Gaza".

Si la isugu dayo in la go'aamiyo baaxadda shabakadda guud ee ay daaha ka qaadeen ciidamada Israa'iil, BBC Verify waxay dib u eegtay dhammaan farriimaha IDF ee madal warbaahinta bulshada ee Telegram tixraacyada tunnel ee Gaza, inta u dhaxaysa 7 Oktoobar 2023 iyo 26 March 2024.

Weerarrada Israa’iil ayaa ku kacay qiimo aad u sarreeya

Xamaas

Xigashada Sawirka, REUTERS

Ujeedooyinka dagaalka Israa’iil ayaa khasaare weyn ku keenay Falastiiniyiinta ku sugan Qasa. In ka badan 33,000 oo qof ayaa la dilay, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho.

Warbixintii ugu dambeysay ee wasaaraddu soo saartay ee laga soo bilaabo 5tii Abriil waxay muujineysaa in in ka badan 70% dadka la dilay ay ahaayeen haween iyo carruur.

Qaar kale oo badan ayaa barakiciyay oo ka tagay guryahoodii, In ka badan 1.7 milyan oo qof ayaa ku barakacay gudaha dalka, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Goobihii la degganaa ayaa noqday kuwo burbursan, jidad aad u mashquul badan oo burburay, jaamacadihii ayaa burburay iyo dhul beereedka oo go’ay.

In ka badan 56% dhismayaasha Qasa ayaa la waxyeeleyey ama la burburiyay tan iyo 7dii Oktoobar, sida lagu sheegay falanqaynta xogta dayax-gacmeedka.

Lix bilood tan iyo markii uu dagaalku billowday, weli ma cadda in Israa'iil ay ka soo baxday hadafkeedii dagaalka.