Maxay yihiin ajandayaasha ay soo jeediyeen wakiillada Dowlad Deegaanka Soomaalida ee ku aaddan wadatashiga qaran ee Itoobiya?

Itoobiya

Xigashada Sawirka, Ethiopian National Dialogue Commission

Ka soo qayb galayaasha shirka ayaa BBC-da u sheegay in Guddiga Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka Itoobiya uu shir wadatashi ah ku qabtay gobolka Soomaalida, shirkaas oo looga hadlay qaab-dhismeedka gobollada iyo dowladnimada, hagaajinta dastuurka, calanka qaranka iyo taariikhda dalka.

Dadweynihii ka qeybqaatay soo jeedinta ajendaha shirka iyagoo matalaya gobolka, ayaa la sheegay in markii ay soo bandhigeen fikradda ah hirgelinta "federaal dhab ah" ay ajande ahaan u soo jeediyeen in gobollada qaar la habeeyo oo wax laga beddelo.

Guddida Guddiga Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka Itoobiyaoo hawlihii ajandaha ururinta ka waday gobollo kala duwan, magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida waxaa ka furmay shirweynaha gobollada ajandayaasha ay quseyso oo dhammaadkii todobaadkii hore.

Guddiga waxa uu shaaca ka qaaday in in ka badan 1200 oo wakiil oo ka kala socday xisbiyada siyaasadda, wakiillo ka socday Dawlad Deegaanka, ururro kala duwan iyo shakhsiyaad miisaan leh ay ka soo qaybgaleen madasha shirka ajandaha ee lagu qabtay hoolka Jaamacadda Jigjiga.

Ka soo qayb galayaasha shirka ku matalayey gobolka oo ka tashanayey ajandayaasha ayaa laga soo ururiyey degmooyinka muddo saddex maalmood ah.

Waxaa la sheegay in ay soo saareen ajandayaasha ugu sarreeya ee muhiimka u ah qaranka ayna u gudbiyeen guddiga.

Laba ka mid ah ka qaybgalayaasha oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in ajandayaasha ay wakiillada deegaanka Soomaalida u soo bandhigeen guddiga ay ka mid yihiin qaab dhismeedka dowladda iyo gobollada, wax ka bedelka dastuurka, luqadda shaqo ee dowladda federaalka, qeybsiga kheyraadka iyo colaadaha xudduudaha. .

Ka qeybgalayaashu waxay xuseen in qodobka ugu horreeya ee lagu soo bandhigay ajendaha shirka wadatashiga qaran uu yahay qaab dhismeedka dowladnimada iyo gobollada dalka. Mukhtaar Cali oo ku hadlayay magaca hay’adaha bulshada rayidka ah ayaa BBC-da u sheegay in ka soo qeyb galayaasha madasha uu tilmaamay in hirgelinta federaalka uu ahaa mid “dhibaato ah”.

Sida uu sheegay Cali oo ah guddoomiye ku xigeenka guddiga bulshada rayidka ah “Waxaan nahay Isbaheysiga Jilayaasha Dawlad-goboleedka Soomaaliyeed”, waxaa ka mid ah ciladaha nidaamka federaalka “faragelin” ay arki jireen dowladihii hore.

Fakradda ay badi ka soo qayb-galayaashu qaateen ayaa ah “in aan la taaban federaalaynta qaranka”. "Inta badan waxay yiraahdeen, 'nidaamka kaliya ee aan ku aamini karno waa federaal qaran oo run ah'".

Wakiilku waxa uu ku macneeyey in ka-qaybgalayaasha madasha ay sheegeen in xaqa aayo-ka-tashigooda ee ku xusan qodobka 39-aad ee dastuurka uu yahay mid aan lagu xad-gudbin karin.

Itoobiya

Xigashada Sawirka, Ethiopian National Dialogue Commission

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Mukhtaar oo ku hadlayay magaca hay’adaha bulshada rayidka ah ayaa sidoo kale BBC-da u sheegay in qodobka 39-aad uu ka mid yahay qodobbadii ay ka soo qeyb galayaasha shirka soo bandhigeen oo ahaa “arrimaha aan la taaban karin haddii dastuurka wax laga beddelo.

Arrin kale oo ay ka soo qeyb galayaasha ay sheegeen ayaa ah in ajandayaasha la xiriira nidaamka federaalka ay tahay afka shaqo ee dowladda federaalka. Labada wakiil ayaa sheegay in ka qeyb galayaasha madasha shirka ajandayaasha ay isla soo qaadeen fikradda ah in afka shaqo ee dowladda federaalka “uu noqdo mid la jaanqaada dhammaan”.

Sida ay BBC-da u sheegeen ka qeyb galayaasha madashan, waxaa jira laba arrimood oo kala duwan oo ku saabsan luuqadda shaqada ee dowladda federaalka. Ka qaybgalayaashu waxay sheegeen in doorashada labaad ay tahay in "Luqadda Ingiriisiga" laga dhigo luqadda shaqada ee dowladda federaalka.

Mukhtaar waxa uu ku macneeyay in luuqadda Ingiriiska loo bixiyay ikhtiyaar ahaan sababtoo ah waa luuqad caalami ah iyo "waa loo siman yahay dhammaan".

Dhinaca kale ka soo qeyb galayaasha shirka oo ka hadlay culimaa’udiinka ayaa waxa ay sheegeen in wakiiladii codsaday in calanka la bedelo ay dood ka keeneen.

Arrinta kale ee lagu sheegay in ajandaha ay soo jeedinayaan wakiillada gobolka ayaa la xiriira diyaarinta taariikhda. Xubnihii ka soo qayb galay oo aqoonyahanka u hadlay ayaa sheegay in doodda lagu soo qaaday dhaleecayn uu sheegay in taariikhyahanka Itoobiya uu “mudnaan gaar ah siiyo waqooyiga dalka”.