Maxaa sababa madax-xanuunka, imisa nooc ayuu se u qeybsamaa, maxaa se lagu daweeyaa?

Madax-xanuunka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Madax xanuunka waa dhibaato caafimaad oo ku dhawaad ​​qof walba uu la kulmo. Marka loo eego tirakoobyada, laba ilaa saddex ka mid ah afartii qofba waxay la kulmaan madax xanuun sannad kasta.

Qiyaastii 30 boqolkiiba dadkan ka mid ah waxay isticmaalaan daawooyinka loogu talagalay madax xanuunka. Bukaannada madax-xanuunku si joogto ah ayaa loogu arkaa qeybaha xaaladaha degdegga ah iyo waaxaha bukaan-socodka ee isbitaallada.

Madax xanuunka inta badan waa laba nooc. Mid waa madax-xanuun asaasi ah kan kalena waa madax-xanuun labaad.

Madax xanuunka asaasiga ah : Madax xanuunka waa dhibaatada ugu weyn ee dad badan haysato . walwalka badan ayaa keenaa boqolkiiba 70 madax xanuunka noocan ah, halka madax xanuunka dhanjafka ay dareemaan dadka 16 boqolkiiba. Labada noocba waxaa loo tixgeliyaa madax-xanuun hoose.

Nooca labaad ee Madax xanuunka ee ay jiraan sababo keena, Taas macnaheedu waa madax xanuunka uu keeno caabuq ama dhaawac iyo jug madaxa kaa gaarta waxayna dhaqaatiirta ugu yeeraan madax-xanuun labaad.

Dhanjafku waa nooc madax xanuun oo qayb ka mid ah madaxa si gaar ah uu qofku u xanuuno, wuxuuna u baahan yahay daweyn gaar ah.

noocyada kala duwan ee madax-xanuunka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Maxay yihiin calaamadaha lagu garto madax-xanuunka?

Waxaa jira nooc madax-xanuun ah oo loo yaqaano Migraine, nooca waxaa uu qofka dareemaa madax-xanuun aad u daran hal dhinac .

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Madax xanuunka waxaa ka horeeya calaamado ay ka mid yihiin lallabbo, matag, shanqarta iyo iftiinka oo qofka dhiba.

Madax-xanuunka noocan ah wuxuu bilaabmaa isla marka aad subaxii soo toosto , xanuunkuna wuxuu kordhiyaa dhowr saacadood gudahood.

Madax xanuunka caadiga ah oo uu madaxa ood han ku xanuunayo waxaa uu qofka ku badan yahay marka uu uu qofka walwal iyo isku-buuq uu hayo, Waxaa qofka uu xanuunka ka dareemaa ilaa jeegada iyo qoorta. Madax xanuunka noocaan ah wuu yaraadaa ka dib markaad hurudo.

Waxaa sidoo kale jira xanuuno kale sida Xanuunka ka yimaadda dhibaatooyinka dhanka indhaha waxaana inta badan xanuunkan uu yimaada xilliyadda galinka dambe iyo habeenkii.

Calaamadaha lagu aqoonsan karo xanuunka noocaan ah waa qofka oo dareema tabar-daro iyo in uu si sax ah u arki waayo xarfaha meel ku qoran ama shay fog. in qofka uu xirto muraayadaha indhaha ayaa si fudud u xallin karta dhibaatadan.

Madax xanuunka Sinus, waxaa uuna dadka aad u dareemaan marka ay subaxii hurdada ka soo kacaan . Xanuunku wuxuu ka sii daraa marka qofka uu foorarsado oo uu bukaanku moodo in uu madaxa soo dhacayo.

Dhiigbaxa madaxa ama dhibaato kasta oo xididdada dhiigga la xiriirta, waxay keeni kartaa madax-xanuun daran oo degdeg ah. Xaaladaas, waa qofka uu si degdeg ah uu isbitaalka u aadaa.

Haddii uu madax-xanuunka uu si tartiib tartiib ah u kordho waxyaabaha looga shakin karo waxaa ka mid ah Burada maskaxda , aragga qofka oo tartiib tartiib u yaarda, matag aan kala joogsi lahayn, ama calaamado kale oo si muddo dhowr maalmood ah. Bukaanno badan oo leh calaamadahan ayaa waxaa mararka qaar ay halis ugu jiraan suuxdin.

Marka laga soo tago waxyaabaha aan kor ku soo xusnay, mararka qaar waxaa madx-xanuunka keena sonkorta dhiigga oo hoos u dhacda ama qofka oo saacdo badan fadhiya kombuyuutarka .

Haddii madax-xanunyada noocan ah aad isla markiiba aqoonsato, waxaad si dhakhso ah uga takhalusi kartaa xanuunkaasi.

Xanuunka dhanjafka ilaa iyo hadda wax dawo ah looma helin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Gambaleelka digniinta

La tasho dhakhtar haddii aad isku aragto mid ka mid ah calaamadaha soo socda

  • Haddii madax-xanuunku uu bato xilliga hurdada
  • Haddii madax-xanuunku kugu badan yahay subaxdii
  • Haddii inta jeer ee maalinkii madax-xanuun aad dareento uu kordho.
  • Haddii uu jiro dhaqdhaqaaq madax iyo culeys aad dareemeyso
  • Qandho badan iyo madax xanuun aan luqunta dhaqaajin karin
  • Matagid
  • Haddii aad miir daboolanto, ama aad dareemto caajis,
  • Haddii madax-xanuunku ka sii daro ka dib dhaawac madaxa kaa soo gaarya
  • Haddi aad dareento in araggagu laciifayo

Baaritaanada

Waxaan sameyn kartaa Dhammaan baaritaanada sida BP iyo baaritaanka sonkorta, waxaa sidoo kale aad sameyn kartaa baaritaano dhanka indhaha ah iyo raajada sanbabada.

Madax xanuunka uu keeno infekshanka, baaritaanka dhiigga iyo, haddii loo baahdo, baaritaanka dareeraha laf dhabarta ayaa la sameeyaa. Taas oo la sameeyo waxay xalin kartaa dhibaatada xanuunka madaxa.

Waxaa Dhibaatooyin badan oo dhanka madax-xanuunka ah lagu ogaan karaa sawir laga qaado maskaxda iyada oo la adeegsanayo mashiinta MRI. Mararka qaarkood baaritaanno sida MRA iyo MRV ayaa laga yaabaa in la sameeyo si loo eego xididdada dhiigga.

Dhibaatooyin aad u badan ayaa lagu ogaan karaa sawirka maskaxda ee MRI. Mararka qaarkood baaritaanno sida MRA iyo MRV ayaa laga yaabaa in la sameeyo si loo eego xididdada dhiigga.

Daweynta madx-xanuunka

Daawaynta waxay ku xiran tahay sababta iyo nooca madax xanuunka. Waxaa jira dawooyiin kala duwan oo loogu talagalay madax-xanuunnada marka qofak isku buuqsan yahay iyo madax xanuunka halka dhinac ah ee loo yaqaano migraines.

Qofka uu madaxa-xanuunayo waa in uu qaataa oo kali ah dawooyiinka uu dhakhtarka u qoro.

Dhanjafyada soo noqnoqda, oo macnaheedu yahay afar ama in ka badan oo dhanjaf bishii, waa inay qaataan kaniiniga muddo saddex toddobaad ah. Sidoo kale raadi sababta xanuunkan oo yaree haddii wakhtiga shaashada Kombutarka aad isticmaasho uu aad u badan yahay.

Daawaynta madax-xanuunka nooca sinusesku waa qofka ku dadaalaa in sankiisu qalalnaadaa islsmarkana uu qofka cabbaa biyaha kulul, uumiga ayaa sidoo kale waxtar u leh.

Ma habboona in la isticmaalo antibiyootiga mar kasta, waa muhiim inaad iska ilaaliso hargabka soo noqnoqda. Tani waxay ka dhigan tahay ka fogaanshaha cuntooyinka qabow, boorka iyo meelaha wasakhda.

Haddii calaamadaha madax-xanuunka uu noqdo mid aad u daran , waa inaad si dhaqso ah u booqataa dhaakhtar, baarisna samaysaa oo aad hesho daawayn ku habboon xanuunka ku haya.