Side ayey halis u tahay sunta raha ee la sheegay in loo adeegsaday dilka Navalny?

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Britain iyo xulafadeeda Yurub ayaa ku andacoonaya in hogaamiyihii mucaaradka Ruushka Alexei Navalny lagu dilay sun laga soo saaray nooc ka mid ah raha.
Laba sano ka dib markii Navalny uu ku dhintay xabsi ciqaabeed oo ku yaal Siberiya, Britain iyo xulafadeeda waxay ku eedeeyeen Kremlin-ka iyadoo la eegayo tijaabo shaybaar oo laga soo qaaday jirkiisa.
Isagoo ka hadlayay shirka amniga ee Munich, xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain, Yvette Cooper, ayaa sheegtay in "Dawladda Ruushka oo keliya ay haysatay habka, ujeeddada iyo fursadda" inay suntan u adeegsato Navalny oo xiran.
Ku dhawaaqida Cooper oo ay weheliyaan, Britain, Sweden, France, Germany iyo Netherlands ayaa soo saaray bayaan wadajir ah.
Cooper ayaa sidoo kale shirka toddobaadkan kula kulantay Yulia Navalny , xaaska Navalny.
"Ruushka waxa uu Navalny u arkayey khatar. Isticmaalka suntan noocaan ah, dawladda Ruushku waxa ay muujisay sida xun ee ay u adeegsan karto iyo cabsida ay ka qabto mucaaradka siyaasadeed," ayeey Cooper tiri.
Alexei Navalny ayaa lagu xiray Siberiya?

Xigashada Sawirka, Getty Images
War qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen xulafada ayaa waxa ay ku yiraahdeen "Dawlada Ruushka oo kaliya ayaa heysatay habka, ujeedka iyo fursada ay ugu adeegsan karto suntan dilaaga ah si ay u beegsato Navalny intii uu ku xirnaa xabsiga Siberian, waxaanan u haysanaa in ay mas'uul ka tahay dhimashadiisa".
"Sunta Epibatidin waa mid dabiici ah oo looga hela raha duurjoogta ah ee Koonfurta Ameerika. Raha Dart ee lagu quudiyo xeryaha lagu hayo ma soo saaraan suntan, si dabiici ahna lagama helo Ruushka," ayaa lagu yiri bayaanka.
Isaga oo amaanaya geesinimada aan caadiga ahayn ee Navalny, Ra'iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer ayaa sheegay in go'aankiisa ah in uu runta soo bandhigo ay ka tagtay dhaxal waara.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska Jean-Noël Barrois ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu uu xushmad u hayo Navalny, oo uu sheegay in la dilay isagoo u dagaallamaya xorriyadda iyo dimuquraadiyadda Ruushka.
Navalny, oo u ololeeynayey la dagaalanka musuqmaasuqa, ahaana hoggaamiyaha mucaaradka Ruushka, ayaa si lama filaan ah ugu dhintay xabsiga February 16, 2024, isagoo 47 jir ah.
Waxaa lagu sumeeyay sunta neerfaha ee Novichok sanadkii 2020. Waxa lagu daweeyay Jarmalka, waxaana lagu xiray garoonka diyaaradaha markii uu ku laabtay Ruushka.
Sun dhif iyo naadir ah

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Epibatidin, oo isticmaalkeeda sheegeen Britain iyo xulafadeeda reer Yurub, ayaa markii ugu horreysay laga helay raxan raha oo sun ah oo ka yimid waqooyiga Koonfurta Ameerika.
Inkasta oo epibatidine hore loogu baaray xanuunka dhimista iyo daweynta xaaladaha bararka sambabada, waxaa loo tixgeliyey inay aad u sun ugu tahay isticmaalka caafimaadka.
Iyadoo la hadlaysay BBC-da qeybta Ruushka, khabiir ku takhasusay sunta Jill Johnson ayaa sheegtay inay "200 jeer ka awood badan tahay morphine".
Waxa uu sheegay in ay saamaynayso neefsahada habka dhexe ee neerfayaasha, ayna keeni karto "gariir murqaha iyo curyaanimo, qalal, gaabis dhanka garaaca wadnaha, neefsashada oo xumaata iyo ugu dambeyntii dhimasho".
Waxa uu BBC-da u sheegay in suntan naadirka ah ee neerfaha laga helo tiro aad u yar oo keliya hal nooc oo raha duurjoogta ah, waxaana lasoo saaraa kaliya marka rahu cuno cunto gaar ah.
Cilmi-baarayaashu waxay rumaysan yihiin in raha ay ka helaan cuntooyinkooda sababtoo ah heerarka sunta ayaa la ogaaday inay ku kala duwan yihiin xayawaanka ku nool meelo kala duwan, oo ay ka maqan tahay raha la haysto.
Johnson waxa uu ku tilmaamay "hab aad dhif u ah oo qofka lagu sumeeyo."
"In la helo rah duurjoogta ah goobta saxda ah oo cunaya cunto sax ah si loo soo saaro suntan alkaloids ee saxda ah waa wax aan macquul ahayn," ayuu yiri.

Xigashada Sawirka, German Federal Foreign Office via Getty Image
Ka hor inta aan lagu dhawaaqin Sabtidii, xaaska Navalny, Yulia Navalnaya, waxay si joogta ah ugu adkeysanaysay in ninkeeda la dilay 2024 isagoo xukunkiisa ku gudanaya xabsiga ciqaabta Arctic.
Bishii Sebtembar ee sannadkii hore, Navalnaya ayaa sheegtay in falanqaynta shaybaarka bayo'olojiga ee si qarsoodi ah loogu tahriibiyay shaybaarada laba waddan ay muujisay in ninkeeda "la dilay."
Ma aysan bixin tafaasiil ku saabsan sunta lagu eedeeyay, shaybaarada ama taxliilka sunta, laakiin waxa ay ku cadaadisay labada shaybaar inay soo bandhigaan natiijooyinkooda.
Iyada oo ka falcelinaysay ku dhawaaqista, Navalnaya waxa ay sheegtay, "Laga bilaabo maalintii koowaad waxaan ku qancay in ninkeyga la sumeeyay, laakiin hadda waxa jira caddayn.
"Waxa aan uga mahadcelinayaa waddamada Yurub sida taxadarka leh ee ay u shaqeynayeen muddo laba sano ah iyo sida ay u soo bandhigeen xaqiiqda."
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, oo ka fogaaday inuu sheego magaca Navalny isagoo nool, ayaa si kooban u sheegay bil ka dib dhimashadiisa in dhimashada qofku ay tahay "mar walba dhacdo murugo leh."
Waqtiga dhimashadiisa, Navalny wuxuu ku jiray xabsiga muddo saddex sano ah. Waxa lagu helay eedeymo been abuur ah, waxaana loo gudbiyay goob ciqaabeed.
Sida laga soo xigtay dhinaca Ruushka, Navalny oo 47 jir ah ayaa dareemay xaalad caafimaad darro ka dib markii uu socod gaaban ku dhex maray goob ciqaabeed oo ku taal Siberiya, ka dibna wuu dhacay dibna umasoo toosin.













