Xaggee laga keenaa kharashka ku baxa dharka ay xirtaan madaxda caalamka iyo xaasaskooda?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sir Keir Starmer iyo xaaskiisa Victoria ayaa aqbalay deeq dhar ah si "lebiskoodu u qurux badnaado" isla markaana ay ugu matalaan UK, David Lammy ayaa sidaa sheegay.
Mar wax laga weydiiyay deeqda, ayaa xogahayaha arrimaha dibadda wuxuu sheegay in dalalka kale ay leeyihiin dakhli ay canshhuur-bixiyeyaashu maalgeliyaan oo loogu talogalay dharka hoggaamiyeyaasha.
Lammy ayaa ka jawaabayay wararka ah in Sir Keir laga yaabo inuujebiyay shuruucda baarlamaaniga ah isagoo ku guul-darreystay inuu sheego dharka uu xaaskiisa u iibiyay Lord Waheed Alli.
Wuxuu barnaamijka Sunday with Laura Kuenssberg u sheegay: “Madaxweyneyaasha Mareykanka iyo marwooyinka koowaad waxay leeyihiin qorshe maaliyadeed ballaaran, oo ay bixiyaan canshuur-bixiyeyaasha, marka aad bey ugu qurux badan yihiin inay matalaan dadka Mareykanka."
Xaqiiqdii, marwada koowaad ee Mareykanka xaq uma laha dakhli dharka oo gaar ah - dad badan ayaana walaac ka muujiyay qiimaha ku baxa lebiska Aqalka Cad.
Gunno madaxweynaha loogu talogalay - balse aysan heleyn marwada koowaad
Dalalka qaar, canshuur-bixiyeyaasha ayaa ku tabarruca kharashaadka nolosha ee hoggaamiyeyaashooda - tan ayaa waxaa ka mid noqon kara dharka.
Madaxweyneyaasha Mareykanka ayaa leh qorshe maaliyadeed dhan $50,000 (£38,000), kaasoo loo isticmaali karo soo iibsashada dhar iyo waxyaabo kale, waxaana dheer mushaar dhan $400,000.
Balse xaaska madaxweynaha Mareykanka - taariikhiyan, mar walba marwada koowaad - ma hesho mushaar amaba kharash go'an oo waxyaabaha ay isticmaasho ah, inkastoo ay leeyihiin shaqaale mushaar qaata iyo xafiis.
Tusaalooyinka la taaban karo waxaa ka mid ah jaakadda Melania Trump ee shirkadda Zara ay naqshadeysay waxaana ku qoran “RUNTII WAXBA IGAMA GELIN, ADIGANA?”, mar ay booqasho ku tageysay xarun muhaajiriinta lagu hayo, iyo saakada quruxda badan ee ay sameysay shirkadda Alexander McQueen taasoo ay xiratay Michelle Obama mar ay la kulmeysay madaxweynihii hore ee Shiinaha Hu Jintao.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Qaar ka mid ah marwooyinka koowaad ayaa sheegay in guud ahaan, laga filayay inay iyaga iska bixiyaan kharashka dharkooda.
Laura Bush, xaaska George W Bush, ayaa xusuus-qorkeedii 2010 ku sheegtay inay “la yaabtay tirada dharka heerka sare ah ee layga filayay inaan iibsado … si aan uga soo baxo filashada lebiska ee marwada koowaad”.
“Kadib sanadkeennii koowaad ee Aqalka Cad, xisaabiyaheenna ayaa ku yiri George, ‘Wax badan ayaa ku baxa in la noqdo madaxweyne,’wuxuuna kala jeeday inta badan dharkeyga,” ayay tiri Mrs Bush.
Xoghayaha warbaahinta ee Michelle Obama, Joanna Rosholm, ayaa CNBC u sheegtay sanadkii 2014: “Mrs Obama way iska bixisaa kharashka dharkeeda.”
Marwooyinka koowaad ee Mareykanka ayaa sidoo kale aqbali kara in haddiyad ahaan loogu keeno dharka, aalaaba iyagoo matalaya dowladda.
Naqshadeeyeyaasha qaar ee dharka ayaa soo dhoweeya caannimada ay ka helaan in dharkooda ay xirtaan marwooyinka koowaad.
Iyadoo qiimaha dharka tayadoodu sarreyso uu gaarayo tobnaan kun, deeqaha ayaa ah habka keliya ee ay dadka jooga Aqalka Cad ee aan awoodin ku xiran karaan dharka tayadoodu ay sarreyso.
“Marka laga qeyb galayo munaasabado rasmi ah amaba taariikhi ah, sida booqasho dal, dharka marwada koowaad waxaa laga yaabaa in shirkad ay haddiyad ahaan ugu keeno waxaana loo guddoomaa sida inay ku socoto dowladda Mareykanka,” ayay tiri Mrs Rosholm.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dalalka kalena?
Xaasaska hoggaamiyeyaasha caalamka ee meelaha kale ayaa guud ahaan u muuqda kuwo ku tiirsan deeqaha dharka ay xirtaan.
Marwada koowaad ee Faransiiska Brigitte Macron ma laha qorshe-maaliyadeed dharka ah oo dowladdu maalgeliso waxaana la rumeysan yahay in la siiyo dhar ay ku deeqaan shirkadaha waaweyn sida Louis Vuitton.
Sida ku xusan buugga 2019 soo baxay ee Madame La Présidente, xafiiskeeda ayaa diwaangeliya dharka loogu deeqay iyo kuwa ay iyadu leedahay.
Balse seygeeda, Madaxweyne Emmanuel Macron, ayaa lagu cambaareeyay kharashka badan ee ka baxa. Sanadkan, wargeys ayaa shaaciyay in xafiiskiisa uu tikidh business class ah u qabtay duullimaad ka baxayay Paris oo u socday Brazil si keliya loogu soo qaado labo ka mid ah suudadkiisa, iyadoo ay ku baxday lacag ku dhow €4,000 (£3,380).
Jarmalka, wasiirrada ayaa lagu cambaareeyay inay €450,000 ku bixiyeen koofeerrada, make up-ka, iyo sawir qaadeyaasha lixdii bilood ee ugu horreysay 2023, inkastoo aysan jirin lacag gaar ah oo ku baxday dharka.
Mar wax laga weydiiyay hadalka Lammy, ayaa afhayeen u hadlay Xafiiska Arrimaha Dibadda wuxuu diiday inuu jawaab ka bixiyo.













