Imaaraadka oo dillaalay qorshe mabaaxiis isdhaafi oo dhex maray Ruushka iyo Ukraine

.

Xigashada Sawirka, ukranian goverment

Dowladaha Ruushka iyo Ukraine ayaa is weydaarsaday 206 maxbuus oo dagaaka ay ku kala qabsadeen, kadib heshiis ay gadhwadeen ka aheyd dowladda Imaaraadka Carabta.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in 103-ka askari ee la sii daayay ay ka mid ahaayeen kuwii lagu qabtay duulaanka Kursk.

Iyaga oo dhajiyay sawirada qaar ka mid ah kuwa la sii daayay Sabtidii, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky wuxuu warbaahinta u sheegay : "dadkayagii waxay soo gaadheen hoygoodii".

Bishii la soo dhaafay, ciidamada Ukraine ayaa weerar kedis ah ku qaaday xuduudka Ruushka, iyagoo ku sii siqaya ilaa 30km (18 mayl) gobolka Kursk.

Zelensky waxa uu sheegay in dadka Yukreeniyaanka ah ee la sii daayay ay ku jiraan sarkaal oo ka tirsan ciidamada qalabka sida, ilaalada qaranka, ilaalada xuduudaha, iyo booliiska.

Waxa uu sheegay in la qabtay iyaga oo difaacaya gobollada Kyiv, Donetsk, Mariupol, Azovstal, Luhansk, Zaporizhzhia, iyo Kharkiv.

Ruushka ayaa sheegay in askartooda la sii daayay ay ku sugnaayeen Belarus lana siin doono "caawinta nafsaaniga ah ee lagama maarmaanka u ah" waxaana loo ogolaan doonaa inay la xidhiidhaan qaraabadooda ka hor inta aan lagu celin Ruushka.

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Imaaraatka oo si weyn dhex dhexaad uga ahaa khilaafkaas, ayaa dhexdhexaadiye ka noqday maxaabiis is dhaafsi hore.

Bishii Agoosto, ka dib duulaankii Kursk, isweydaarsigii ugu horreeyay ayaa la dhammaystiray oo ay ku lug lahaayeen 230 maxbuus guud ahaan.

Duulaanka Ukraine ee Kursk ayaa qayb ka mid ah loogu talagalay in laga saaro ciidamada Ruushka ee hawlgallada bariga Ukraine.

Isweydaarsigan ugu dambeeyay ayaa imaanaya iyada oo Ruushka uu sheegay inay dib u qabsadeen tuulo ku taal bariga Ukraine, halkaasoo ay dhowr horumar ka sameeyeen toddobaadyadii la soo dhaafay.

Sabtidii, wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay qabsadeen tuulada Zhelanne Pershe ee degmada Pokrovsk.

Waxay wax ka yar 30km (19 mayl) u jirtaa magaalada Pokrovsk, taasoo ku taal xarun tareen oo muhiim ah, waxayna dhacdaa isgoysyada dhowr waddo oo muhiim ah.

Magaaladu waxay door muhiim ah ka ciyaartaa gaadhsiinta iyo xudunta saadka ee ciidamada Ukraine ee ku sugan gobolka bari ee Donbas, waxayna muddo bilo ah bartilmaameed muhiim ah u ahayd ciidamada Ruushka.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa duullaan militari ku qaaday Ukraine bishii February 24, 2022. Kumannaan qof oo labada dhinac ah ayaa ku dhintay dagaalkaas laba sano ka hor bilaabmay

Ukraine iyo Ruushka ayaa sida oo kale waxaa soo gaadhay waxyeello ba’an. Balse, weli dagaalkan ma uusan dhammaan.