Sidee loo soo qabtaa boqoradda shinnida

Helitaanka adeeg muhim u ah aadanaha waa sababta ugu badan ee loo aqoonsado in koox ama noole kale u leeyahay aadanaha dunida ku nool.

Faa’iidada iyo khasaaraha labaduba waxay la socdaan samayskeeda, isku dheelitirkuse waa mid u baahan dhinacyo kala duwan

Shinnidu waxay ka kooban tahay saddex nooc ama ka badan kuwa ugu caansan-se waa boqoradda oo ah bu'dda, shaqaalaha iyo sahamiyeyaasha.

Qabashada boqoradda Shinnida

Boqoraddu waa ka muuq duwan tahay shinnida inteeda kale waxayna leedahay calaamado muujinaysa boqoradnimadeeda.

Waa ka weyn tahay shinnida kale waxayna leedahay ilaalo adag oo ku gaaf wareegta iyada mee lkasta oo ay joogto.

Inta aan la qaban shinnida, dadka yaqaanna waxay eegaan halka ay boqoraddu ku jirto. Waxay kaloo eegaan in boqoraddu gabowday iyo in ay dhallinyaro tahay.

Mif ka mid ah dadka yaqaanna sida loo soo qabto boqoradda ayaa ka sheekeeyey isagoo dul taagan Kabar ay shinni malab ku samaysay.

“Waxaan calaamadinayaa boqoradda aan soo qabtay si aan u ogaado inay tahay tii hore u joogtay ee gabowday iyo in kale” ayuu yiri ninkaas oo Youtube soo galiyey filim kooban oo ka hadlaya sida loo soo qabto shinnida. Qalin rinji leh ayuu mariyey, ka dibna wuu sii daayey.

Haddii Boqorad kale la arko ayaa labadooda la isku eegaa, si loo kala garto tan gabowday.

Qabashada boqoradda xiliyada ay malabka samaynayaan shinnida kale ama lagu guda jiro howlgalkaas, waa adag tahay in loo dhawaado ama la qabto sababtoo ah waxay inta badan ku sugan aaggeeda kuwa qabta shaqada ilaalada.

Mararka qaar waxaa ka dhasha khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo gaara dadka dhaqda shinnida ama dadka kale ee ku sugan meelaha lagu dhaqo marka ay saluugaan sida loola dhaqmay iyagoo bilaaba weerar xoog leh.

Marka la soo qabto boqoradda, shinnida kale oo dhan maadaama ay shaqaale yihiin waxay soo daba galaan cidda boqoradda haysa, mana qaniinaan, waayo waxay ka baqayaan in waxyeello loo gaysto boqoraddooda.

Waxaa loo keenaa ciddii loo waday oo sii diyaarsatay meeshii lagu hayn lahaa, iyo xaaladaha saamaxaya in shinnidu ay halkaa ku noolaato.

Shaqada boqoradda iyo hab maamulkeeda

Boqoraddu dhinac waa mida hogaamisa oo u talisa shinnida kale laakiin la’aanteed howsha wax soo saarka leh iyo tarankeedu ma ahan mid sii socon lahaa.

Waxay masuul ka tahay ugxanta iyo hubinta taranka, doorkeeda asaasiga waa inay ilaaliso wadajirka shinnida.

Boqorada shinnidu waxay soo bandhigtaa dhaqamo gaar ah oo ka sooca shinnida kale.

Dhigista ukunta, shinidu waxay leedahay awood cajiiba oo ay ku dhaliso kumanaan ukun ah inta ay nooshahay iyadoo si taxadar leh u wada howshaas.

Boqaraddu waxa kale oo ay leedahay awood isgaarsiineed oo ay adeegsato, waxayna awood u leedahay inay la xiriirto shinnida kale iyadoo ilaalinaysa wada noolasha iyo isku wadiddeeda.

Inta badan boqoraddu waxay ku sugnaataa degsiimada ay ku samaynayo malabka oo waxay kaliya bixisaa awaamiirta shaqada la qabanayo iyo kormeerida howlahaas oo dhan.

Sida saynisyahandu sheegeen cimriga boqorada shinidu waa ka gaaban yahay kuwa kale.

Saadaam Axmed Caadle oo dhaqda shinnida kuna sugan Jowhar ayaa sheegay in ay u baahan yahay dhaqashada shinida xirfad iyo aqoon gooni ah.

La yaab malaha in qof dhaqanayey shinjida ay gaarsiiyo dhaawacyo daran ama ay xoolo ku dagto iyadoo caraysan shinidu

Dhaqashada Soomaalida ee Shinnida

Deegaano badan oo dhulka Soomaalida ayaa si weyn loogu baraarugay sanadihii u danbeeyey dhaqashada shinnida.

Saadaam Axmed Caadle oo ka mid ah dhalinyarada ku dhaqda Jowhar shinnida ayaa sheegay inay aqoon u baahan tahay in la dhaqdo shinnida.

Mararka qaar ayuu sheegay in ay sababi karto dhimasho dadka dhaqanaya hadaan la helin aqoonteeda gaarka iyo xilliyada kala duwan ee lala falgali karo.

Sida ay diinta islaamku sheegtay, "caloosheeda waxaa ka soo baxaya shay la cuno, oo midabadiisu is waydaarsan yihiin taas oo caafimaad ugu sugan yahay dadka.waxaana ku sugan aayad kuwiina fekeraya”.

Malabka ayaa ah maxsuulka ugu weyn ee ka soo baxa shaqada ay shinnidu qabato ee aadanuhu u baahan yahay qarniyaa ilaa maanta, kaas oo laga helo Fitamiinno gaar ah oo ku jira malabka, jirkuna u baahan yahay.