Sirdoonka Ingiriiska oo xog cusub kasoo saarey dagaalka Ruushku ku hayo Ukraine

Dagaalka Ukraine

Xigashada Sawirka, Reuters

Ruushka ayaa la saadaalinayaa iney ku adkaan doonto inuu sii wado ololihiisa dagaalka, waxaana laga yaabaa in Ukraine ay awood u yeelato iney dib isaga waabiso, ayuu yiri madaxa sirdoonka dibadda ee Britain.

Madaxa hey’adda sirdoonka Ingiriiska ee qeybta dibadda MI6, Richard Moore, ayaa sheegay in Ruushku uu kala kulmay “fashil xun” ujeedooyinkiisii ugu horreeyeyba, ee ahaa inuu xilka ka xayuubiyo Madaxweynaha Ukraine, qabsashada Kyiv iyo in Reer Galbeedka lagu beero kala qeybsanaan. 

Waxa uu ka hadlayey Madasha Amniga ee Aspen, oo ah fagaare si dhif ah loogga soo muuqdo. Wuxuu ugu yeeray duullaanka “fal garro qaawan oo fool xun, kaasoo ka dhacay Yurub tan iyo markii uu dhamaaadey dagaalkii labaad ee adduunka kadib. 

Waxa uu sheegay in guulihii u dambeeyey ee Ruushku gaaray ay ahaayeen kuwo aad u yar, isla markaana Ruushku uu ku dhow yahay inuu ka dhamaado awooddii uu kusii wadi lahaa dagaalka. 

“Qiimeyntayadu waxay tahay in Ruushku ay aad ugu adkaan doonto iney helaan xoog iyo qalab dhowrka toddobaad ee soo socota,” ayuu Moore ka sheegay shirka Colarado.

“Waxay ku qasbanaan doonaan Ruushka inay si uun u hakiyaan, taasina waxey siinaysaa reer Ukraine fursad ay isku abaabulaan.” 

Aragtidaas waxaa loo arki karaa mid rajo leh, awoodda Ukraine ee weerar celinta, ayaa laga yaabaa iney ku xiran tahay hubka ay siinayaan Reer Galbeedka, oo ay saraakiishooda sheegeen in inta badan ay aad gaabis u tahay imaanshaheeda.

Madaxa MI6

Xigashada Sawirka, DANIEL BAYER

Madaxa MI6, ayaa sheegay in nooc kamid ah guusha goobta dagaalka ay u noqon doonto “xusuusin muhiim ah Yurub inteeda kale in kani uu yahay olole lagu guuleysan karo” - gaar ahaan kahor xilliga Jiilaalka, oo ay u badan tahay in la arko culeyska uu keeni karo cadaadiska saaran hannaanka helitaanka Gaaska. 

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

“Waxaan ku jirnaa waqti adag:, ayuu yiri madaxa. Sababta kale ee lagu sii wadi karo taageerada, si loo caawiyo dadka reer Ukraine iney ku guuleystaan dagaalkan, ama “ugu yaraan gorgortan la gaarsiiyo oo heer adag ah,”, ayuu yiri mar kale madaxa MI6, isagoo intaa ku darey in hoggaamiyaha Shiinaha, Xi Jinping, uu u daawanayo dagaalka Ukraine sidii xaabo gubaneysa oo kale. 

“Ma jirto wax caddeynaya in Madaxweyne, Vladamir Putin, uu la il daran yahay cudur, ayuu ku jawaabay mar la weeydiiyey, isagoo ku celceliyey faallooyin kasoo baxay dhiggiisa aggaasimaha hey’adda sirdoonka CIA-da Mareykanka, William Burns, ee shirka madasha ee shaley dhacay. 

Ku dhowaad 400 oo sarkaal oo katirsan sirdoonka Ruushka, oo si qarsoodi ah u shaqeynayey, ayuu sheegay in laga eryey Yurub, taasoo kala bar hoos u dhigtay awoodda Ruushka ee dhanka basaasidda ee qaaradda. 

“Albaabkayagu mar walba waa furan yahay, ayuu yiri markii ay timaado qorista saraakiil Ruush ah, oo soo baxsadey, kuwaasoo basaasayey Ingiriiska.

MI6 oo dadaalka ugu badan ku bixineysa dhanka Shiinaha

Hey’adda MI6 ayaa dadaalka ugu badan ku bixineysa dhanka iyo Shiinaha, isagoo intaa ku darey madaxa in MI6 aysan waligeed wax isku dhac ah uusan dhax marin maamulka Shuuciga ee Shiinaha. 

Wuxuu daaha ka qaaday in MI6 ay hadda dadaal badan oo dheeraad ah galinayso dalka Shiinaha, marka loo eego wax waliboo kale, iyadoo haatan indhaha laga duway dagaalkii lagu hayey argagaxisada, halka loo weeciyey dhanka iyo Shiinaha.

Wuxuu carabka ku dhuftay in xili hore tahay in la saadaaliyo waxa uu ka qaadan karo Shiinuhu, ficilada uu Putin kula kacay dalka Ukraine, laakiin waxaa jira calaamado badan oo mas’uuliyiinta maamulka Beijing kusugan ay si xad dhaaf ah ugu kacayaan, kuwaasoo ay ka dheehdeen dhacdooyinkii u danbeeyey ee caalamka. Mas’uulka MI6, ayaa mar kale ku celiyey iney adag tahay haatan in la saadaaliyo waxa ay damacsan yihiin Shiinaha.

Dhismo burburay

Waxa uu ku nuux nuux sadey iney muhiim tahay in la xasuusiyo hoggaanka Shiinaha sida duullaanka Taiwan uu khalad u noqon karo. Wuxuu intaa ku darey in hoggaanka Shiinuhu ay dhayal sadeen go’aanka iyo awoodda Mareykanka, taasina ay keeni karto iney si aan sax aheyn wax u qiyaasayaan. “Waa qasab in labadda dhinac aaney isku huri doonin dagaalkooda”, ayuu yiri mar la weeydiiyey khilaafka weyn. 

Dhanka Iiraan, ayaa waxa uu sheegay in heshiiska Niyukliyeerka uu gabi ahaanba miiska uu saaran yahay, balse waxa uu shaki ka muujiyey in hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei uu doonayo inuu saxiixo heshiis. 

Dhammaan xaddidaadaha, ayaa wuxuu sheegay in heshiiskii hore uu weli yahay habka ugu wanaaagsan ee la heli karo, si loo xakameeyo barnaamijka niyukliyeerka ee Iiraan. 

Mar la weeydiiyey in ka bixitaankii reer galbeedka ee Afgaanistaan sanadkii hore, ay sii adkeysay wax ka qabashada hanjabaadaha, ayaa waxa uu qiray “in tani noqotay dharbaaxo aad u xun, oo aanan hadda waxba laga qaban Karin. 

Wuxuu sheegay in loo baahan doono in laga fekero habab kale oo lagula tacaalo khatarta argagaxisada kuwa isku sheega Islaamiyiinta, oo ay ku jiraan la macaamilka hey’addo iyo dowladda kala duwan, oo aanay xiriir la laheyn.

Mar wax laga weeydiiyey inuu dib u milicsado xaaladda siyaasadda iyo rabshadaha ee Mareykanka, madaxa MI6, ayaa ka gaabsaday inuu ka jawaabo su’aashaas, laakiin wuxuu ku nuux nuux saday “jaceylka weyn” ee uu u qabo Mareykanka, halkaas oo uu wax kusoo bartay, oo uu ka qabtay shaqadiisii ugu horeysay ee mushaar uu ku qaato markii uu yaraa. 

Wuxuu ka saxay mas’uulka wariyihii wareysiga ka qaadayey in shaqadii ugu horeysay ay aheyd shaqaalaha ilaaliya xeebaha, isagoo markaa door bidayey inuu noqdo kuwa dadka badbaadiya, haddii ay biyaha ku haftaan.