Maxaa u qorsheysan macallin dugsigii wasiirka noqday ee dhowaan is casilay?

Wasiir Ilyaas Nuur

Xigashada Sawirka, BBC/Ilyaas Nuur

    • Author, Fardawsa Hanshi
    • Role, Broadcast Journalist

Wasiirkii warfaafinta maamul-goboleedka Koofur Galbeed, ayaa Sabtidii shaaciyay inuu iska casilay xilka.

Ilyaas Cali Nuur ayaa sanadkii 2021 loo magacaabay xilkan. Wuuxu xilligaas BBC-da u sheegay in ka hor inta uusan noqon wasiir uu meelo ay ka mid yihiin Muqdisho iyo London ka soo noqday macallin iyo Imaam.

Bilooyin kahor wuxuu ku biiray barta Tiktok, halkaas oo uu soo dhigi jiray muuqaallo uu muusik ku laran yahay, taasoo hadal heyn badan ka dhalisay baraha bulshada.

Mar uu BBC-da la hadlayay waxa u qorsheysan haatan, maaddaama uu iska casilay xilka, ayaa wuxuu sheegay inuusan siyaasadda ka bixin, balse uu doonayo inuu hiigsado boos ka sii sarreeya kii uu iska casilay.

Sababta ku kaliftay inuu ku biiro TikTok

Ilyaas oo bishii September wareysi gaar ah siiyay BBC Somali ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee ku kalliftay inuu ku biiro barta TikTok ay tahay in dhallinyarada oo halkaas ku badan uu ku soo jiito.

"Baraha bulshada marba dhinac ayaa loo guuraa, waxaan arkay in dhallinyaradii ay u guureen TikTok, sidaa darteed aniga waxaan mar walba jeclahay in dhallinyarada aan soo jiito. Dhallinyaradii Facebook ayaan ka waayay, waxaana ogaaday inay Tiktok u guureen kaddib anigana waan ka daba guuray," ayuu yiri.

Muxuu ka yiri muusigga uu ku laro muuqaalladiisa ee hadal-haynta dhaliyay?

"Annagga haddaan Soomaali nahay aragti dheer ma lihin. Aragtida Soomaalida aad ayay u gaaban tahay, muusigga haddii la yiraahdana maanta boqolkiiba 99 wey dhageystaan, meel walbo aad martana waad maqleysaa. Marka muusigga dad badan oo ay dhallinyaradu u badan tahay ayaa isticmaala, aniga marka aragtideyda way ka duwan tahay. Waxaan fiiriyaa dhallinyarada wax maanta lagu mashquulin karo," ayuu yiri Ilyaas.

Ilyaas Nuur

Xigashada Sawirka, BBC/Ilyaas Nuur

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Markii aan dalka dib ugu soo laabtay oo aan arkay in dalka dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin qabyaaladda iyo xagjirnimada ay aad ugu faafayaan, dhallinyaradana ay u jilicsan yihiin ayaan ogaaday si taas looga hortago in dhallinyarada ay jecel yihiin waxyaabaha muusigga iyo lagu daro. Marka aniga waxaan ka firiyaaa waxyaabaha ay dhallinyaradu jecel yihiin oo lagu kasban karo, si looga hortago inay ku biiraan ururrada argagixisada."

Ka hor inta uusan wasiir noqon kumuu ahaa Ilyaas Cali Nuur Cali?

"Waxaan horay u ahaa macallin dugsi, xaafadda Madiina ee magaalada Muqdisho ayaan si fiican Quraanka ugu bartay, waxaana macallin dugsi ka noqday xaafadda Hodan. Waxaan sidoo kale salaadda taraawiihda ka tujin jiray masaajidka Muusa Boqor, kaddib waxa aan sii aaday Suucuudiga oo aan Imaam Maasijid ka ahaa," ayuu yiri.

Ilyaas oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay kaddib muddo shan sano ah oo uu joogay Sucuudiga inuu u wareegay dalka Ingiriiska, gaar ahaan magaalada London, halkaas oo uu haddana ka billaabay dugsi Quraan ay arday badan ka aflaxeen.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu barnaamijyo diini ah ka tebin jiray telefishinka Universal.

"Bulshada waxyaalo badan ayaan u soo qabtay intaan joogay London, taariikhdaydana waa nin mar walba ka shaqaynaya horumarka, masaajida ayaan ka dhisnay London ilaa hadda masaajid aan ka furnay ayaa weli ka furan."