Dalalka ay saaran tahay xayiraad la mid ah tan hubka ee Soomaaliya

Xayiraadda hubka
Qoraalka sawirka, Xayiraadda hubka

Dalka Maraykanka waxaa ku sugan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo doonaya in golaha amaanka ee Qaramada Midoobay uu dalka ka qaado xayiradda hubka ee saaran si ay xukuumadiisa ugu guulaysato dagaalka ay kula jirto Al Shabaab.

Tan iyo 1992 ayey cunaqabataynta hubka saarnayd Soomaaliya waxaana keenay bacdamaa xilligaas aysan jirin dawlad hubka xakamaysa, dagaallo sokeeyena ay socdeen. Waxaa kale oo xilligaas jiray xaalad bani’aadminimo oo aad u ba’an.

Tan iyo wakhtigaas sannad kasta mar ayuu goluhu dib u eegis ku samaynayey, dibna u cusboonaysiinayey.

Markii ugu dambeysay ee cunaqabataynta la cusboonaysiiyey waxay ahayd bishii November ee sannadkii hore, markaasoo xubnaha golaha amaanka ay u codeeyeen in sannad kale la sii kordhiyo cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya, ayadoo 11 xubnood ay u codeeyeen cunaqabataynta, halka 4na ay ka aamuseen.

Soomaaliya kaliya ma aha dalalka ay cunaqabataynta hubka ee muddada dheer saaran tahay. Qormadan waxaan ku eeegeynaa dalalka ay cunaqabataynta hubka saaran tahay, cidda saartay iyo xilligii cunaqabataynta lagu soo rogay.

Xayiraadda Hubka

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Xayiraadda Hubka

Ciraaq

Dalka Ciraaq waxaa cunaqabataynta hubka lagu soo rogay 1990kii.

Waxaa isku mar cunaqabataynta saaray Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub, ka dib markii u dalkaas ku duulay dalka Kuwait.

2003 ayaa Midowga Yurub wuxuu yara khafiifiyey xayiraadaas si xukuumadda Ciraaq ay u hesho qalabka milateri ee ay u baahan tahay.

Laakinse xayiraadda Qaramada Midoobay ayaa weli saaran, waana dalka labaad ee muddada ugu dheer ay saaran tahay cunaqabataynta hubka.

Myanmar

Myanmar (oo la oran jiray Burma) waxay xayiraadda hubka ee Midowga Yurub saaran tahay tan iyo 1990. Xayiraadaha saaran waxay isugu jiraan hubka, rasaasta, qalabka iyo gaadiidka ciidanka, iyo dayactirka iyo tiknoloojiyada milateriga.

Xayiraadaha ayaa markii dambe 2013 la qaaday marka laga reebo tan hubka, waxayna arrintaas jawaab u ahayd horumarka siyaasadeed ee ka hana qaaday Burma.

Cunaqabataynta hubka ee hadda saaran waxba lagama beddelin tan iy 2015.

Xayiraadda Hubka

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Xayiraadda Hubka

Nagorno-Karabakh

Ururka amniga iyo iskaashiga Yurub (OSCE) ayaa cunaqabatayn xagga hubka hubka ku soo rogay, gobolkaas oo ay ku dagaallameen Armenia iyo Azerbaijan, taasoo saarnayd tan iyo 1992.

Cunaqabatayntaas weli way jiurtaa waxayna khusaysaa hubka iyo rasaasta.

Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay midkoodna labadaas dal ee dagallamay xayiraad ma saarin.

Liberia

Dalka Liberia waxaa laga soo bilaabo 1992 ilaa maanta saaran cunaqabatayn ay ku soo rogeen Qaramada midoobay iyo Midowga Yurub.

Cunaqabataynta ay Qaramada midoobay ku soo rogtay waxay jawaab u ahayd dagaalkii sokeeye ee dalkaas ka dhacay 1992kii.

Laakinse xayiraadda hubka waxaa la joojiyey 2001, waxaana beddeshay xayiraad kale oo marba qaraar cusub lagu cusboonaysiinayey.

Inkastoo nidaamka xayiraadda dhowr goor wax laga beddelay misna weli way jirtaa oo dalkaas way saaran tahay.

Xayiraadda Hubka

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Xayiraadda Hubka

Congo

April 1993 ayaa Jamhuuriyadda Dimoqaraadiga Koongo (oo hore loo oran jiray Za’ire) waxaa la saaray cunaqabatayn xagga hubka ah oo midowga Yurub uu ku soo rogay.

Dhowr goor ayaa tan iyo markaas wax laga beddelay, lana sii dheereeyey.

Waxaa kale oo Qaramada Midoobay ay xayiraad hubka ah ay saartay kooxaha hubaysan ee Congo iyo miliishiyooyinka dalkaas ka jira.

Cunaqabataynta waxay wiiqaysaa qaybinta, iibka, iyo wareejinta hubka iyo qalabka milateri, iyo caawinta tababarrada miliishiyooyinka.

Suudaan

Dalka Suudaan waxay cunaqabataynta hubka ee Midowga Yurub saaran tahay tan iyo 1994 ilaa hadda, waxaana lagu soo rogay markii uu dhacay dagaalkii sokeeye ee labaad ee dalkaas ka dhacay.

Hase yeeshee waxaa cunaqabatayntaas wax laga beddelay 2004, waxaana ayadoo qaraar lagu soo saaray ay socotaa ilaa hadda.

Qaramada ayaa iyadana mamnuucday in hubka uu gacanta u galo shaqsiyaad iyo hay’ado, gobolka Darfur bishii Luulyo 2004.

Markii dalka South Sudan uu madax banaanidiisa qaatay ayaa midowga Yurub wuxuu wax ka beddelay cunaqabataynta, waxaana la wada saaray labada dal sannadkii 2011.

Zimbabwe

Midowga Yurub wuxuu cunaqabatayn xagga hubka ah ku soo rogay Zimbabwe Febraayo 2002, taasoo ilaa maanta saaran.

Cunaqabatayntaas waxaa looga jawaabayey wax midowga Yurub uu ku tilmaamay "xadgudubyo ba’an oo xuquuqda aadanaha ah" oo dalkaas ka dhacay.

Cunaqabatayntaas waxay khusaysaa iibka, bixinta iyo wareejinta taakulaynta farsamo ee la xiriirta qalabka milateri.

Waxaa kale oo midowga Yurub uu dalkaas saaray xayiraado la xiriira safarka iyo maaliyadda.

Ivory Coast

Dalkaas ku yaalla galbeedka Afrika waxaa xayiraadda hubka lagu soo rogay Nofembar 2004, waxaana ku soo rogay Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay.

Galaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dalkaas ka cunaqabateeyey isticmaalka hubka iyo wixii hub la xiriira.

Xayiraadda Midowga Yurub waxay si rasmi ah u dhaqan gashay Disembar 2004.

Qaramada Midoobay ayaa xayiraadda ay Ivory Coast saartay waxaa wax laga beddelay lana dheereeyey dhowr goor.

Waxaa kale oo jira dalal ay saaran yihiin cunaqabataynno xagga hubka ah, waxaana ka mid ah Jamhuuriyadda Afrikada dhexe, Eritrea, Haiti, Iran, Sierra Leone, Yemen, Afghanistan, Libya iyo qaar kale.