Ma waxaa soo noqoneysa cabsidii ay gabdhuhu ka qabi jireen baahinta sawiradooda?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Magaalo ku taalla wuqooyiga Spain oo lagu magacaabo Almendralejo ayaa waxaa la yaab ku aabuuray dadka daggan sawiro gabdho aan qaangaarin oo qaawan kuwaas oo lagu sameeya barnaamijka gaaradka macmalka ah oo ku baahay baraha bulshada iyaga oo aan fasax laga qaadan gabdhaha.
Sawirada qaawan ayaa waxaa lagu sameeyay barnaamijka garaadka macmalka ah iyada oo la adeegsaanayo sawiro laga qaaday gabdhaha oo dhar wata.
Inta badan sawiradaan ayaa lagala dagay oo bogaga baraha bulshada ee gabdhaha, kadibna barnaamijka ayaa dhisay jirkooda oo qaawan.
Ila aiyo hadda 20 gabdhood oo u dhaxeeya da’aadda 11 ilaa iyo 17 ayaa ayaa la sheegay inay dhibanayaal u yihiin dhacdadaan laga soo tabiyay magaalada Almendralejo eek u taalla ismaamulka Badajoz ee waddanka Spain.
Maria Blanco Rayo, oo ah hooyada gabar 14 jir ah ayaa tiri: “Gabadheyda ayaa maalin iskuulka ka timid, waxayna ii sheegtay in sawiradeeda oo qaawan ay dhex wareegayaal baraha bulshada.”
Maria ayaa sheegtay inay gabadheeda waydiisay hadii ay iska qaaday sawiro qaawani ah iyo in kale, balse gabadha ayaa ku war celisay: “Sawiradu waa kuwa been abuur ah. Gabdho kale oo aan isku fasal nahay xitaa waa laga baahiyay”.
Sida ay sheegtay Maria, waalidiinta dhawr iyo labaatan gabdhood oo dhibanayaal ah ayaa is u bahaysta inay is caawiyaan gudaha magaaladaan.

Xigashada Sawirka, Maria Blanako
Sida ay sheegayaan xogo la baahiyay, booliska ayaa baaritaan ku bilaabay arrintaan iyaga oo aqoonsaday ilaa iyo know iyo toban wiil oo da’yar oo ku lug leh arrintaan sameynta sawirada qaawan ah, iyaga oo ku baahiyay baraha bulshada sida, WhatsApp iyo Telegram.
Waxyaabaha ay baarayaasu ku daba jiraan ayaa waxaa kamid ah in sawiradaan ay wiilashu u abuureen si ay gabdhaha u rikaateeyaan iyo in kale.
Sawirada qaawanida ah ee lagu baahiyay baraha bulshada ayaa saameyn kala duwan ku yeelatay gabdhaha.
Hooyo lagu magacaabo Blanco Rayo ayaa sheegtay in gabahdeedu ay isku dayday inay xaalka la qabsato. Balse waxay sheegtay in inta badan gabdhihii kale lagu qasbay inay guryahooda isaga tagaan.
Arrintaan ayaa banaanka timid kadib markii ay ogaatay mid kamid hooyooyinka gabdhaha.
Kadib markii fariin aybaraheeda bulshada ku baahisay hooyadaan, ayay arrintaani isku badashay wax laga hadalhayo gudaha Spain.

Xigashada Sawirka, .
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Muuqaal ay ku baahisay baraha bulshada sia y u wargeliso hooyooyina gabdhaha laga sameeyay sawirada been abuurka ah ayay ku tiri: “Inkasta oo sawirada la dusiyay ee garaadka macmalka ah lagu sameeyay ay yihiin kuwa la been abuuray xagaagii, hadana arrintu maalmahaan ayay aad u baahday”.
“Ma ogin inta gabadhood ee arrintaan ku dhacday. Sidoo kale ma ogin in sawirada lagu baahiyay mareegaha filimaanta qaawinada laga daawado. Walwalkaas oo dhan ayaa nagu jira,” ayay tiri hooyadu.
Dhalinyarada looga shakisan yahay arrintaan ayaa u dhaxeeyda da’aada 12 ilaa iyo 14 jiro.
Inaksta oo sharciga Spain uusan qeexeynin arrin la xariirta sameynta sawiro qaaani ah, ayaa hadana arrintaan waxaa laga yaabaa in lala xariiriyo muuqaalada galmo oo caruur laga sameeyay. Sidoo kale wuxuu noqon karaa kiis la xariira ku xadgudubka xuquuqda dhawrsan ee dadka.
Gudaha Spain xadgudubyada nuucaan ah ayaa qofka lagu dacwayn karaa marka uu gaaro da’da 14 jirka.
Arrintaan ayaa walaac ka abuurtay gudaha magaaladaan maadaama ay gabdho kale qabsan karto.
Almendralejo waa magaalo qurux badan oo ku taalla Spain oo ay ku nool yihiin in ka badan 30,000 oo ruux.
Waxay caan ku tahay Olive ka iyo qamriga wine ka oo ay soo saarto. Laakiin dhacdadaa ayaa qabsatay ciwaanada warbaahinta gudaha.













