Gabadhii uu jeclaaday taliyaha naxariista daran ee sababtay in laga guuro magaaladaan

Laba boqol oo sano ka hor, tuulada Kaldhara ee dalka India, ayaa laga tagay si loo badbaadiyo gabar. Magaalada Jaisalmer, oo ku taal bannaan bacaad ah, waxa ku hareeraysan dhagaxaan iyo buuro.
Kaldhara, ayaa ah meel aan la degganayn labadii qarni ee la soo dhaafay. Dadkii deegaanku waxay ka tageen mugdigii habeenimo, dibna ugama soo noqon.
Maanta, tuulada Kaldhara waxaa loo maamulaa sidii goob qadiimi ah iyo taallo. Waxay mar ahayd tuulada ugu farxadda iyo barwaaqada badan gobolka, oo caan ku ahayd carwooyinka, muusiga dhaqanka, iyo xafladaha qoob ka ciyaarka. Tuuladu waxay ahayd magaaladii uu ku dhashay Paliwal Brahmins.
In laga guuro Kaldhara ayaa waxaa sabab u ah qiso jacayl oo dhexmartay gabar qurux badan oo ka timid tuulada iyo taliye naxariis daran oo lagu magacaabi jiray Salim Singh. Inkastoo uu ku caan baxay naxariis darrada, Salim Singh ayaa gabadha jeclaaday, wuxuuna dalbaday in loo keeno. Si kastaba ha ahaatee, dadka tuulada ayaa diiday, iyagoo u baqaya ammaankooda iyo sharaftooda.
Reer Kaldhara si ay u badbaadiyaan inantooda iyo tuulada ayaa shir ay yeesheen waxa ay ku go’aansadeen in ay gabi ahaanba ka baxaan tuulada.
Habeen qudha ayay iyaga iyo alaabtoodii, xoolihii iyo cuntadoodiiba soo wada gureen, iyagoo kusii jeeda goob aan la ogeyn.
Waa goob loo soo dal xiis tago

Maanta, burburka Kaldhara ayaa muujinaya taariikh hore. Guryihii dhagaxa ahaa waa ay libdheen muddo ka dib, laakiin hadhaagii dadkii hore u deggenaa ayaa weli lagu arkayaa balbalooyinka, qolalka fadhiga, madbakhyada, iyo goobaha aroosyada. Darbiyadu waxay hayaan murugada kuwii horay ugu noolaan jiray.
Halyeeyada maxalliga ah waxay ka hadlaan joogitaanka ruuxaanta dadka degganaan jiray tuulada Kaldhara.
Maamulka gobolka Rajasthan oo ay tuuladan hoostimaado ayaa dib u soo celiyay qaybo ka mid ah tuulada sababo la xiriira xiisaha dadka dal xiisayaasha ay u qabaan goobtan. Macbadka tuulada ayaa wali taagan.

Sannad kasta, kumanaan dalxiisayaal ah ayaa booqda tuulada Kaldhara si ay usoo arkaan waxna uga ogaadaan taariikhdeeda.
Dadka deegaanka ayaa tuuladan aad u ixtiraama, waxaana la aaminsan yahay in aan dib loo dhisin madam Laba boqol oo sano ay ka soo wareegay markii laga tagey Kaldhara, haddana aya weli taagan tahay.













