Madaxweyne ku xigeenka Kenya: Isma casilayo waana dagaallamayaa ilaa dhammaadka

Kenya

Xigashada Sawirka, Reuters

"Kuma talo jiro inaan iska casilo xilkeyga waana dagaallami doonaa illaa dhammaadka."

Waa mid ka mid ah erayada madaxweyne ku xigeenka Kenya, Rigathi Gachagua, mar uu ahaa ka jawaabayay 11 dalab oo shalay loo diray kuna aaddan in xilka laga qaado isagoo ka khudbeynayay telefishin.

Rigathi ayaa wacad ku maray inuu maanta kasoo muuqan doono baarlamaanka Kenya abbaaro 5:00 PM si uu uga soo horjeesto 11-ka sabab ee uu xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Kibwezi West ee Mwengi Mutuse soo gudbiyay 26-kii September 26.

Kala aragti duwanaanshaha Gachagua iyo Madaxweyne William Ruto ayaa u muuqda kuwo sii kordhaya waxayna gaareen heer looga doodo baarlamaanka dhexdiisa.

Gachagua ayaa hore u sheegay in doodaha noocan oo kale ah aan baarlamaanka la geyn karin iyadoo aan oggolaansho laga heysan William Ruto shalay ayuuna arrintan xaqiijiyay.

Inkastoo uu raalli-gelin siiyay Madaxweyne Ruto , madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in falkii Axaddii uu sameeyay aysan ka dhigneyn inuu khalad leeyahay, gaar ahaanna kuwa la xiriira sababaha loo kaashaday xil ka qaadistiisa.

Maxaa maanta ka dhici doona baarlamaanka Kenya?

Baarlamaanka ayaa maanta ka doodi doona mooshinka haddii la helo taageerada saddex meelood ka labo (233) ka mid ah 349-ka xildhibaan ee baarlamaanka Kenya ka kooban yahay, mooshinka ayaa loo gudbin doonaa Aqalka Sare.

Si kastaba, haddii ay 117 xildhibaan diidaan, madaxweyne ku xigeenka ayaa xilka sii heyn doona.

Baarlamaanka ayaa saakay ka shiray mooshinka iyagoo siiyay madaxweyne ku xigeenka fursadda uu isku difaaco, galabta ayaana loo qaadi doonaa codka xil ka qaadista.

Baarlamaanka ayaa sidoo kale mas'uul ka ah in Gachagua uu siiyo xaqa ah in caddaalad loo sameeyo lana dhegeysto.

Kenya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Kulanka maanta madaxweyne ku xigeenka Rigathi Gachagua iyo qareennadiisa ayaa baarlamaanka imaan doona abbaaro 5:00 pm si uu isku difaaco.

Gachagua ayaa shalay sheegay in eedeymaha ka dhanka ah aysan sal lahayn amaba aan caddeyn loo heyn waxaana xildhibaan Mwengi Mutuse laga doonayaa inuu keeno caddeymo ka dhan ah madaxweyne ku xigeenka.

Gachagua ayaa iska indha tiray dhammaanba sababaha ku xusan mooshinka xildhibaanka, waxaana ka mid ah in madaxweyne ku xigeenku leeyahay hanti aad u badan oo uu sheegay inuu leeyahay walaalkiis geeriyooday, oo hore barasaab uga ahaa deegaanka Nyeri ee Nderitu Gachagua.

Wuxuu sheegay in tallaabada isaga xilka looga qaadayo ay tahay shirqool siyaasadeed taasoo ay wadaan dad uu sheegay inaysan isaga jecleyn.

Waa maxay tallaabada xigta?

Kenya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Kadib markii mooshin xil ka qaadis loo gudbiyo Aqalka Sare, cod saddex meelood ka labo ayaa ku filnaan doono in xilka looga qaado madaxweyne ku xigeenka, marka la eego hannaanka xil ka qaadista oo ku xusan Qodobka 150 ee dastuurka.

Balse madaxweyne ku xigeenka ayaa xilka sii heyn doona haddii mooshinka ay diideen saddex meel ka hal senatarrada amaba haddii Aqalka Sare ay dhisaan guddi soo ogaada in mooshinku uusan sal iyo raad lahayn.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale xaq u yeelan doona inuu kasoo hor muuqdo guddiga gaarka ah inta lagu guda jiro baaritaanka isaga ka dhanka ah.

Guddiga gaarka ah ayaa dhegeysan kara doodaha baarlamaanka gaar ahaan xubnaha soo gudbiyay doodda mooshinka.

Aqalka Sare ayaa u codeyn doona 'haa' ama 'maya' eed walba oo ka dhan ah.

Haddii saddex meelood ka labo ay u codeeyaan mooshinka, waxaa lagu qasbi doonaa inuu is casilo.

Haddii aan la xaqiijin, madaxweyne ku xigeenka ayaa xilka sii wadan doona.