Kitaabka Quraanka oo mar kale lagu gubay Denmark

Xigashada Sawirka, Reuters
- Author, Ahmed Cadceed
- Role, Freelance Journalist at BBC Somali
Laba qof oo mudaaharaadayaal ah ayaa horraantii Isniinta ee maanta safaaradda Ciraaq ee caasimadda dalka Denmark ku hor gubay nuqul ka mid ah kitaabka Quraanka Kariimka, tan oo sii xumeyn karta xiriirka u dhexeeya labada dal.
Labadan shakhsi ayaa ka socday koox isku magacawday “Wadaniyiinta Denmark”, kuwaas oo sameeyay mudaharaad kan la mid ah toddobaadkii hore, isla markaana si toos ah falalkooda uga tabinayey Facebook-ga.
Qabanqaabiyaha banaanbaxa maanta ka dhacay magaalada Copenhagen ayaa ku tumanayey kitaabka qur’aanka kariimka ah dabna qabadsiiyey, wuxuuna sidoo kale goobta ku gibay calanka Ciraaq.
Ciraaq oo ka hadashay
Wakaaladda wararka ee Ciraaq (INA) oo soo xiganaysa wasaarada arimaha dibada dalka Ciraaq ayaa sheegtay in dowlada Ciraaq ay cambaareysay talaabadii Quraan gubista ee Isniinta ka dhacday safaarada ay Ciraaq ku leedahay dalka Denmark.
Wasaaraddu waxay ugu baaqday mas'uuliyiinta dalalka Midowga Yurub inay "si dhakhso ah dib u eegis ku sameeyaan waxa ay ugu yeeraan xorriyadda hadalka iyo xuquuqda banaanbaxa," wakaaladda wararka INA ayaa sidaasi sheegtay.
Mudaaharaadyo ayaa ka dhacay guud ahaan Iiraan iyo Ciraaq kadib markii Denmark iyo Sweden ay oggolaadeen in la gubo Qur’aanka kariimka ah iyagoo raacaya xeerar dhowraya xorriyatul qawlka.
Mudaaharaadayaal ka socda dalka Ciraaq ayaa Khamiistii dab qabadsiiyay safaaradda Sweden ee Baqdaad.

Xigashada Sawirka, Reuters
Dhacdooyinkii u dambeeyay ee la xiriira gubista Quraanka
Dhowr kun oo Ciraaqiyiin ah ayaa sidoo kale Sabtidii Baqdaad ka dhigay bannaanbax ay kaga cabanayaan gubista Quraanka ee ka dhacday labada dal ee Waqooyiga Yurub, isu imaatin ay ku baaqeen xisbiyada Ciraaq ee talada haya iyo kooxo hubaysan oo badankoodu xiriir dhow la leh Iran.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ciidamada ammaanka Ciraaq ayey sabtidii iska horyimaadeen boqolaal taageerayaasha wadaadka Shiicada ah ee Muqtada Al-Sadr, kuwaas oo isku dayay in ay xoog ku galaan aagga cagaaran oo ay ku yaallaan safaaradaha shisheeye iyo xarumaha dawladda ee caasimadda Baqdaad, si ay uga mudaaharaadaan qur’aanka lagu gubay afaafka hore ee safaaradda Ciraaq ee Denmark.
Mudaaharaadyadan ayaa jawaab u ah waxyaabo ay Facebook-ga soo dhigeen Jimcihii, koox xagjir ah oo kasoo jeeda Denmark, kuwaas oo lagu magacaabo Dansik Patriot, oo ay ka mid ahaayeen muuqaal nin gubaya wax u muuqday Qur'aanka isla markaana ku tumanaya calanka Ciraaq.
Taliye ku xigeenka bilayska magaalada Copenhagen, Trine Fisker, ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegtay in "tiro yar" oo dibadbaxayaal ah ay Jimcihii isugu soo baxeen kasoo horjeedka safaaradda Ciraaq.
"Waxaan sidoo kale xaqiijin karaa in mudaaharaadayaashu ay gubeen buug. Laakiin ma garanayno buug uu yahay," ayey tiri Fisker. Waxay intaas ku dartay in mudaaharaadku "gebi ahaanba ahaa mid nabdoon."
Dibad baxayaasha Ciraaq oo da’ yar u badnaa ayaa ku dhawaaqayey “haa, haa Quraanka” iyo erayo kale, waxayna ciidamada Ciraaq ka hor tageen in ay dibad baxayaashu gudaha u galaan aagga cagaaran ee aadka loo ilaaliyo. Waxay jareen laba buundo oo soo gasha aagga.
Booliska ayaa muujiyey in ay dibadbaxayaashu isku dayayeen in ay galaan safaaradda Denmarka ee Baqdaad.

Xigashada Sawirka, Reuters
Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan
Dhanka kale hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee Iran, Ayatollah Cali Khamenei, ayaa Sabtidii sheegay in loo baahan yahay in dadka Quraanka kariimka ah xumeeya ay la kulmaan “ciqaabta ugu daran”isagoo ka dalbaday Sweden inay u soo gacan geliso dadkaas si loogu maxkamadeeyo dalalka Islaamka, sida ay ku warrantay warbaahinta dawladda Iran.
"Dhammaan culumada Islaamka waxay isku raaceen in kuwa qur'aanka xumeeya ay mudan yihiin ciqaabta ugu daran... Waajibka dowladdaas (Sweden) waa inay u gacangeliso dambiilaha nidaamka garsoorka dalalka Islaamka," ayuu Khamenei ku yiri hadal ay baahisay warbaahinta dowladda Iran.
Ururrada Islaamka caalamka

Xigashada Sawirka, MWL
Urur Islaami ah oo caalami ah ayaa Axaddii shalay cambaareeyay falka lagu ceebeeyey qur’aanka kariimka ah ee ka dhacya dalka Denmark.
Ururka aan dowliga ahayn ee fadhigoodu yahay magaalada Maka ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri "Ururka Musliminta Adduunka waxay si adag u cambaareynayaan dembiga lagu xumeeyay nuqul ka mid ah Qur'aanka Kariimka ah, ee laga geystay magaalada Copenhagen ee dalka Denmark, oo uu ku kacay nin xag-jir ah oo ku sugan magaalada Copenhagen.
Xoghayaha guud ee ururka, Mohammed bin Abdulkarim Al-Issa, ayaa sheegay in "falalka aan macquul ahayn iyo kuwa foosha xun" ay xadgudub ku yihiin dhammaan qawaaniinta iyo mabaadi'da diinta iyo aadanaha.
Al-Ciise waxa uu sheegay in falalkan ka soo horjeeda qiyamka beesha caalamka ay yihiin kuwa muujinaya “Islaam nacayb”, kicinta iyo nacaybka ka dhanka ah Islaamka iyo Muslimiinta.
Waxa uu ka digay khatarta ka iman karta dhaqamada kicinaya nacaybka iyo dareenka diineed maadaama ay kaliya u adeegaan ajandayaasha xagjirnimada iyagoo marmarsiinyo ka dhiganaya xoriyatul qawlka.
"Fikraddan xagjirka ah ee xorriyadda waxay hoy u noqonaysaa kuwa kicinaya nacaybka iyo isku dhac diimeed iyo mid caqliyeed," ayuu raaciyay.
Tan ayaa kusoo aadeysa iyadoo Ururka Iskaashiga Islaamka uu dhawaan soo saaray go'aanno looga hor tagayo in mar dambe Quraanka la gubo.










