Sidii ay ardaydu u afduubteen diblomaasiyiin Maraykanka ah ee mar dambe filinka laga sameeyay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Joe iyo Kathleen Stafford waxay ahaayeen lamaane da'yar oo markaas uun bilaabay inay u adeegaan Maraykanka sannadkii 1979kii.
Lamaanahan waxaa labaray luuqadda Faarisiga ka hor intaysan iman safaaradda Maraykanka ee Iran bishii Sebtembar ee sannadkii 1979. Waxaa jiray shaqo culus oo sugaysay iyaga, 40,000 oo codsadayaasha dal ku galka ah kuwaas oo ku jiray liiska sugitaanka waraysiga.
Si kastaba ha noqotee, wax yar ka dib markay yimaadeen, afartii Noofeembar ee isla sannadkaas, mudaaharaadayaasha ardayda Iran waxay jebiyeen xayndaabka safaaradda Mareykanka waxayna bilaabeen inay afduubtaan shaqaale Mareykan ah.
Dhawrkii maalmood ee ugu horreeyay ka dib la wareegidda safaaradda, Joe iyo Kathleen iyo afar kale oo Maraykan ah ayaa guri guri ugu socday si dhuumasho ah. Waxa ay ka baqayeen in dagaalyahanadu ay ka daba yimaadaan. Diblomaasi Mareykan ah oo lagu magacaabo Bob Anders ayaa wacay dhiggiisa Canada John Sheardown.
Xiisaddii afduubka ee Iran oo dhacday intii u dhaxaysay 1979 ilaa 1981 ayaa ah mid ka mid ah dhacdooyinka dublamaasiyadeed ee ugu naxdinta badnaa taariikhda Mareykanka. Waxaa go'ay xiriirkii rasmiga ahaa ee ka dhexeeyay Maraykanka iyo Iran.
Dad badan oo reer Iran ah oo aan ku qanacsanayn nidaamka musuqmaasuqa ku dhisan Reza Shah Pahlavi, ayaa muwaadiniin badan oo reer Iran ah waxay bilaabeen mudaaharaadyo ka dhan ah dawladda Iran sannadkii 1977. laba sano ka dib oo ah 1979-kii, Shah ayaa laga masaafuriyey Iran waxaanu Ayatollah Ruhollah Khomeini ku guuleystey , Hogaamiyaha Sare ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee cusub.
Madaxweynihii Maraykanka ee xilligaas Carter ayaa u oggolaaday Shah magangelyo iyo daryeel caafimaad oo gudaha Maraykanka laga siiyo. Xubnihii ka cadhooday Kacaanka Iran ayaa dalbaday in uu soo noqdo si ay ugu dacweeyaan uguna ciqaabaan falkii uu sameeyay.
Safaaradda Mareykanka waxaa horay ula wareegay dad mudaaharaadayay bishii Febraayo 1979-kii, laakiin xaaladda si degdeg ah ayaa loo xaliyay. Tani waxay keentay badiba inay dadku rumaystaan in xaaladda afartii Noofembar ee 1979 ay la mid noqon doonto tii dhacday bilowga bishii Febraayo ee isla sannadkaas.
Waxa la filayey in uu noqdo mudaaharaad gaaban waxa uu isu beddelay 444 maalmood oo dhibaato afduub ah oo 52 Maraykan ah lagu haystay. Qalalaasaha ayaa sidoo kale galaafatay nolosha siddeed askari oo Maraykan ah oo dhintay intii lagu jiray isku daygii badbaadinta ee Eagle Claw oo dhacay 24 kii bishii Abriil ee 1980.

Xigashada Sawirka, National Museum of American Diplomacy
Isagoo ka jawaabaya warka, John Sheardown wuxuu yiri, "Waan idinka walwalsanayn. Maxaa sidaas idiinku dib riday? soo gudba.” Kathleen ayaa dib u xasuusanaysa, “Weligay ma ilaawi doono isaga (John) oo taagan halka lagu socdo dhinaceeda oo tuubada biyaha ku dhaqaya gaarashkiisa isla markaana albaabka furay si ay baabuurtu usii galaan annaga oo aan cidina na arag goorta aan soo galayno.”
Joe iyo Kathleen waxay ugu dambeyntii la joogeen Safiirka Kanada Ken Taylor, halka afartii kale ee kooxda ay la noolaayeen Sheardowns. Kooxdan lixda ah waxay marti ku ahaayeen dublamaasiyiinta Kanada ku dhawaad saddex bilood. siddeed iyo labaatankii Jannaayo ee sannadkii 1980, waxaa lagu soo badbaadiyay hawlgal CIA-du qorshaysay, oo uu hoggaaminayay hawl-wadeen Tony Mendez, kaas oo ay kooxdu isu soo ekaysiisay sidii koox kuwa filimada sameeya ah oo u dhashay Kanada isla markaana indha indhaynaya goobo ku yaalla Tehran oo ay filin ku dhigaan.










