Dhageyso: Dhakhtar digniin caafimaad oo adag ka soo saaray isticmaalka baraha bulshada

Xigashada Sawirka, Getty Images
Mid ka mid ah saraakiisha sarsare ee caafimaad ee Mareykanka ayaa dalkaasi ugu baaqay in baraha bulshada ay kusoo rogaan digniinno la mid ah kuwa sigaarka.
Maqaal uu ku qoran wargeyska New York Times, ayaa Vivek Murthy oo ah dhaqtar qalliinka guud ayaa sheegay in baraha bulshada ay kordhiyeen khatarta ah in carruurtu ay isku buuq ka qaadaan waxbaaha ay ka daawadaan, ka dhegeystaan amaba ka aqristaan.
Dhaqtarkan ayaa doonaya in dadka booqanaya baraha bulshada la tuso farriin diginin ah oo u sheegeysa in waxyaabaha ay markaasi daawanayaan ay da’yartu ka dhaxli karaan dhibaatooyin caafimaadka maskaxda ah.
Wuxuu sheegay in digniinta noocan ah ay si joogto ah waalidiinta iyo da’ yarta u xusuusin doonto in baraha bulshada aysan ahayn kuwo badqab leh.
BBC-da ayaa xiriir la sameysay baraha Youtube, TikTok, X iyo Meta, oo maamusha Facebook iyo Instagram, si ay arrintan jawaab uga bixiyaan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Farriimaha digniinta ayaa baakadaha sigaarka lagu lifaaqay markii ugu horreysay gudaha Mareykanka sanadkii 1966, kadib markii Luther L Terry oo markaas ahaa dhaqtar qalliin guud uu qoray warbixin tubaakada la xiriirineysa kansarka sambabbada.
Dalalka kale ayaa kadib tallaabadaasoo kale qaaday, iyadoo dalka UK uu farriin taas la mid ah dalbaday in lagu dhejiyo baakadaha sanadkii 1971.
Mr Murthy ayaa sheegay in caddeymuhu ay muujiyeen in farriimahaas lagu daro baakadaha sigaarka ay kordhiyeen wacyigelinta la xiriirta khataraha la socda sigaar cabidda.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wuxuuna aaminsan yahay in digniinno kuwaas la mid ah oo lagu dabakho baraha bulshada ay waaliddiinta ku dhiirrigelin doonaan inay la socdaan badqabka carruurta ee baraha internet-ka.
Maqaalkaas, ayaa wuxuu sidoo kale ku baaqay in isticmaalka telefoonnada laga mamnuucdo iskuullada, wuxuuna sheegay in waaliddiinta ay tahay inay carruurta ka joojiyaan isticmaalka aaladahan inta cunnada la cunayo iyo xilliga hurdada.
Waxay kusoo aadeysaa kadib markii Mr Murthy oo talo caafimaadka bulshada ah daabacay sanadkii 2023 taasoo lagu ogaaday xiriirka ka dhaxeeya isticmaalka da’yarta ee baraha bulshada iyo caafimaadka maskaxda ee liita.
Balse wuxuu qirsan yahay inaysan jirin daraasad rasmi ah oo laga sameeyay saameynta barahan, wuxuuna ku baaqayaa in baaritaanno badan laga sameeyo.
Gin Lalli, oo ah dhaqtarad carruurta ayaa sidoo kale BBC u sheegtay in farriimahan digniinta ay noqon doonaan tallaabo muhiim ah oo loo qaaday horumarinta caafimaadka maskaxda.
Waxay intaa raacisay in baraha bulshada ay faa’iido lahaan karaan, balse waxaa laga yaabaa sidoo kale inay jiri karaan khatarro sida xadgudubyo internetka ah amaba inay kala kulmaan waxyaabo dhibaato u keeni kara.
Waxaase weli socota dood ku aaddan saameynta baraha bulshada ee da’yarta.
Baaritaannada qaar ayaa helay xiriir ka dhaxeeya isticmaalka saa’idka ah ee baraha bulshada iyo saameynta taban ee caafimaadka maskaxda da’yarta, halka daraasad kalena ay isticmaalka da’yarta ee baraha bulshada la xiriiriyaan qanacsanaanta yar ee ay carruurtu ku qabaan noloshooda.
Balse sanadkii 2023 daraasad la sameeyay ayaan wax caddeyn ah u helin saameyn dhanka maskaxda ah oo ka dhalatay isticmaalka Facebook.
Balse waaliddiinta ay carruurtoodu geeriyoodeen kadib markii ay baraha internet-ka ku arkeen waxyaabo dhiba ayaa doonaya in shuruucdan la meel mariyo.
Hadaba dhibaatadan heerkee ayey gaarsiisan tahay bulshada soomaalida dhexdeeda, ma soo loo baahan yahay in la soo saaro astaamo iyo digniino qeexeya halista caafimaadka maskaxda ee baraha Bulshada . Osman Abdi Hassan ayaa weydiyay Dr. Maxamed Xasan waxa uu ka mid yahay dhakhaatiirta ka shaqeysa UK.
Baaritaannada qaar ayaa helay xiriir ka dhaxeeya isticmaalka saa’idka ah ee baraha bulshada iyo saameynta taban ee caafimaadka maskaxda da’yarta, halka daraasad kalena ay isticmaalka da’yarta ee baraha bulshada la xiriiriyaan qanacsanaanta yar ee ay carruurtu ku qabaan noloshooda.













