You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Khilaafka qarsoon ee Imaaraadka iyo Sucuudiga: ma noqon doonaa dhammaadka saaxiibtinnimadooda?
Sanadihii u dambeeyay, jawiga gobolka Bariga dhexe waxa ahaa mid muujinayey khilaaf iyo kala duwanaasho mowqifyada iyo siyaasadaha Boqortooyada Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta, kaddib muddo dheer oo ay xulufo ahaayeen iskuna fahmsanaayeen arrimo badan oo dhankooda ay u akrayeen in ay dani ugu wadajirto.
Khilaafkan ayaa si cad u soo ifbaxay waxii ka dambeeyey markii uu dhacay dagaalkii Yaman ee u dhexeeyey dowladda uu caalamka taageero iyo xoogagga Koofurta oo Imaaraadka si gaar ah u taageerayey. Waxa ay soo bandhigeen labada dal tartan dhaqaale, siyaasadeed, istaraatiiji iyo mid militari. Inkasta oo uusan horseedin kala tagis buuxa oo u dhexeeya labada dal, hadana waxa uu ka tarjumayaa isbeddel ku yimid xiriirkii ay lahaayeen Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.
Waa arrin caadi ah inuu tartan ka dhex dhasho, maaddaama Sucuudiga iyo Imaaraadku yihiin labada dal ee ugu waaweyn Golaha Iskaashiga Khaliijka marka la eego awoodda dhaqaalaha iyo tirada dadka. Sidoo kale, waxaa xusid mudan in labada dal ay hogaaminayaan jiil cusub oo dhaxal sugayaal ah, kuwaas oo leh yoolal, hammi iyo aragtiyo mararka qaarkood iska hor iman kara.
Maalmihii u dambeeyay, warbaahinta Sucuudiga ayaa Imaaraadka Carabta si cad ugu eedeeneysay "in Sacuudiga ay khiyaanayso" iyaga oo adeegsanaya hadallo kulkul oo colaad abuuri kara, taas oo aan waayadaan laga arkin khaliijka, tan iyo markii ay xiriirka u jareen dalka Qadar sanadkii 2017, taas oo dhalisay cabsi ah in gobolka laga fisho qalalaase.
Arrintan waxay ay salka ku haysaa isku dhacyadii u dambeeyay ee ka dhacay Yaman, halkaas oo Riyadh iyo Abuu Dabi ay kala taageersanaayeen dhinacyada iska soo horjeeda, kaddib markii Sacuudi Carabiya ay u dhaqaaqday inay taageerto dowladda Yaman ee caalamku aqoonsan yahay, iyada oo ka soo horjeeda kooxda dooneysa gooni isku-taagga ee ay taageerto Abuu Dabi.
Dagaalladaas ayaa keenay in Imaaraadka Carabtu ku dhawaaqo in ciidamadiisa ku haray Yaman uu kala baxayo, iyaga oo sabab uga dhigayey in ay dib u qiimeenayaan kaalintooda taageero ee Yaman. Sacuudi Carabiya waa ay dhoweysay ka bixitaankaas, waxa ayna ay carrabka ku adkaysay muhiimadda ay leedahay in laga hortago taageero militari la siiyo dhinac kasta oo Yaman jooga, iyada oo aan lala kaashan isbahaysiga.
Khilaafkan kuma koobna oo keliya dhinacyada militari, balse waxa uu sameeyey tartan ballaaran oo ku saabsan saamaynta istiraatiijiyadeed ee koonfurta iyo bariga Yaman ay ku leeyihiin dalalkaan, gaar ahaan gobollada hodanka ku ah kheyraadka ee Hadramowt iyo Al-Mahra, taas oo keentay in isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudi Carabiya uu ka digtoonaado faragelin militari oo toos ah inuu kula kaco Imaaraadka Carabta.
"Khilaaf mise kala tag"
Toddobaadyo kadib, aamusnaanta labada dal waa ay sii kordheesaa, iyadoo ay jiraan weerarro joogto ah oo ka imanaya warbaahinta Sacuudiga iyo baraha bulshada, kuwaas oo lagu weerarayay Imaaraadka Carabta, waxaana lagu eedeenayey xadgudubyo xuquuqda aadanaha ah iyo xitaa "khiyaano" iyo "in ay kicinayaan fowdo."
Dhanka kale, Imaaraadka Carabta waxa uu marar badan caddeeyey, sida ay uga go'an tahay iskaashiga istaraatiijiyadeed ee ay la leeyihiin Sacuudiga iyo isbahaysiga Khaliijka, iyaga oo carrabka ku adkeeyey in kala duwanaanshaha aragtiyeed ee ku saabsan arrimo gaar ah aysan ka tarjumayn khilaaf wayn ama isku-dhac siyaadeed.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa bayaan ay soo saartay 31-kii Diseembar ku sheegtay in wada-xaajoodka iyo isku-duwidda ay la leeyihiin Riyaad ay weli ka socdaan, sida dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda, isla markaana tallaabo kasta oo militari ama diblomaasiyadeed oo gobolka laga qaado lagu fuliyo nidaamkii ay ku heshiiyeen ee isbahaysiga, taas oo muujinaysa dadaalka labada dal ee ku aaddan xasilloonida Khaliijka iyo horumarinta danaha guud.
Khaliijku ma uusan arag hadallo sidan oo kale ah oo "colaad ku dhisan" tan iyo markii Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, gaar ahaan, ay 2017 saareen Qatar go'doomin diblomaasiyadeed iyo mid ganacsi sababo la xiriira khilaafaad siyaasadeed, kala fogaansho socday in ka badan saddex sano iyo bar.
Qoraa iyo saxafi Daawuud Al-Sharyaan ayaa bartiisa X ku sheegay in farriimaha ay labada dal isku marinayaan warbaahinta ay "muujinayaan kala duwanaansho, ma aha kala go'," isla markaana kala aragti duwanaanshahoodu "lagu xakamayn karo gudaha qaab-dhismeedka iskaashiga labada dal ee walaalaha ah."
Saameynta gobolka
Warbixin ay daabacday Xarunta Carab Washington DC ee Daraasaadka iyo Siyaasadda ayaa tilmaamtay in khilaafku uu muujinayo kala fogaansho muuqda oo isbahaysiga dhexdiisa ah, taas oo ka dhalatay arrimaha istaraatiijiyadeed ee mudnaanta u kala leh labada dal, dal walbana waxa uu raadinayaa in uu ballaariyo saameyntiisa meelaha muhiimka ah ee la xiriira marin-biyoodyada gobolka iyo marinada caalamiga ah ee biyaha.
Falanqeeyayaal horey ula hadlay BBC-da ayaa sheegay in marinada ganacsiga iyo dekedaha ku yaalla Yaman, Suudaan iyo Badda Cas ay yihiin xuddunta ugu weyn ee tartan goboleedka u dhexeeya Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, hase yeeshee isla mar ahaantaas ay yihiin goob kulmisa danaha labada dal.
Falanqeeyayaashu waxay carrabka ku adkeeyeen in danaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ee Badda Cas ay yihiin kuwo "is-dhammaystiraya isla markaana isu adeegaya," inkastoo ay jiraan goobo ay ku tuhmayaan dhaqaale; sida dekedaha iyo maalgashiyada.
Waxay sidoo kale adkeeyeen in "mashruuca Imaaraadka ee gobolka uusan ahayn mid khilaaf abuuri kara, balse uu ujeedkiisu yahay xasillooni, oo ay ku jirto ilaalinta marin-biyoodka, la dagaallanka burcad-badeedda iyo tahriibka, iyo in laga shaqeeyo xasilloonida badda," iyagoo raaciyay in "Abuu Dabi aysan dooneyn badda ay kaligeed isticmaasho, balse ay doonayso baddo ay isticmaalaan dadka oo dhan.
Tartanka u dhexeeya labada dal ayaa sidoo kale si cad uga muuqda meelo ka baxsan Yaman sida, Geeska Afrika, iyo Suudaan, halkaas oo danahooda is diidan ay saameeyn ku yeesheen dhinacyada isku haya dalalkaas.
Suudaan oo hadda xiisad ka aloosan tahay, Sacuudiga iyo Maraykanka ayaa soo jeediyay hindise xabbad-joojin cusub oo loo gudbiyay ciidanka Suudaan, sida uu AFP u sheegay ilo ka tirsan dowladda Suudaan. Hindisahaasi ma ku jirto Imaaraadka Carabta, inkastoo ay hore uga qeyb qaadatay dadaallo dhexdhexaadin caalami ah.
Imaaraadka Carabta muddo dheer ayaa lagu eedeynayay inay taageerto Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF) ee ka soo horjeeda ciidanka Suudaan, eedeyntaas Imaaraadka waa uu beeniyey.
6-da Maay, 2025, Golaha Difaaca iyo Amniga Suudaan ayaa ku dhawaaqay in Suudaan ay jartay xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la lahayd Imaaraadka Carabta, sababo la xiriira taageerada ay siiso Ciidamada Taageerada Degdegga ah ee dagaalka ka socda dalkaas.
Makawi Malik oo ah Qoraa iyo falanqeeye Suudaani ayaa ku tilmaamay kulamadii u dambeeyay ee Sacuudi iyo Suudaan ee masraxa siyaasadda inay yihiin "dhammaadka ciyaarta daaha gadaashiis.
Wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay qoraal uu ku daabacay barta X, isagoo sheegay in wixii ka dambeeya Riyaad ay ka dhigan yihiin "dhammaadka xilligii Suudaan lagu maamuli jiray wakiillo iyo bilowga waddo ay hoggaaminayso dawladdu, taasoo Suudaan dib ugu soo celinaysa kaalinteedii gobolka, isla markaana dib u habaynaysa isku xirka Badda Cas iyo Geeska Afrika iyada oo ku salaysan aragti Sacuudi ah oo cad oo abuureysa Xasillooni.
Maxay ku kala duwan yihiin siyaasad, dhaqaale iyo istaraatiijiyad ahaan Sacuudi iyo Imaaraadka?
Dadalka Khaliijka markasta waxaa muhiim u ah in ay ku naaloodaan nabad iyo xasillooni, kadiba jiho wanaagsan ay ku dhaqaajiyaan dhaqaalahooda oo si wayn ugu tiirsan shidaalka iyo saliidda, taas oo ay doonayaan in ay abuuraan ilo kale oo dhaqaale kuwaas oo ka iman kata ganacsiga iyo dalxiiska
Sidaa awgeedna, khilaafkoodan waxa laga dareemayaa dhanka hormarinta gobolka iyo wax ka beddelka istaraatiijiyadda oo durbada la arkayo taratanno ay isku diyaarinayaan labadooda.
Waxa uu Sacuudigu u dhaqaaqayaa xoojinta kaalintiisa ah inuu furo maalgeshiyada caalamiga ah si uu uga baxo ku-tiirsanaanta shidaalka, iyada oo loo marayo Himilada 2030. Imaaraadka Carabta waxa uu muddo tobannaan sano ah diiradda saarayay xoojinta maalgeshiga caalamiga ah iyo ganacsiyada, isaga oo ku tiirsan dekedo, dalxiis iyo adeegyo maaliyadeed.
Tartankani wuxuu sidoo kale ku fidayaa soo jiidashada shirkadaha caalamiga ah iyo qabanqaabinta munaasabadaha caalamiga ah ee dhinacyada tiknoolajiyadda iyo dalxiiska, taas oo ka dhigaysa xiriirka labada dal mid ah iskaashi dheellitiran oo leh dhinac tartan oo la taaban karo.
Waxaa kale oo ay ku kala duwan yihiin siyaasadaha soo saarista tamarta iyo shidaalka, iyadoo Abu Dhabi iyo Riyaad mararka qaar ku kala aragti duwan yihiin heerka wax-soo-saarka shidaalka iyo qiimeynta qiimaha shidaalka. si lamid waxaa kale ay ku kala duwan yihiin mudnaanta ay siiyaan maalgashiga meelo ka baxsan dalalkooda.
Imaaraadka Carabta wuxuu diiradda saaraa Afrika, Yaman iyo Geeska Afrika, halka Sacuudigu uu xoogga saaro mashaariicda kaabayaasha iyo warshadaha ee dunida Carabta.
Faysal Al-Shehri oo u dhashay Sacuudiga ayaa bartiisa X ku qoray tartanka u dhexeeya Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta uusan ku koobnayn siyaasadda oo keliya, balse uu noqday "khilaaf dhaqaale iyo saameyn istaraatiijiyadeed oo si toos ah ugu xiran waxa ka socda adduunka."
Waxa uu sheegay in "Imaaraadka Carabta uu noqday dalka ugu guulaha badan Bariga Dhexe dhanka ee soo jiidashada maalgashiga shisheeye, dhismaha nidaam saadka caalami ah iyo xakameynta isku-xirnaanta Bariga iyo waddamada reer galbeed, iyada oo loo marayo dekedo, garoomo diyaaradeed iyo deegaamo nabad ah," halka "Sacuudigu uu bilaabay inuu ka guuro kaalintii dhaqaalaha ee ku salaysnayd tamarta oo keliya una gudbo ciyaaryaha, isaga oo doonaya inuu dib u qaabeeyo booskiisa xiriirka caalamlka si uu soo dabo maalgeshadayaasha, isaga oo xakameenaya waddooyinka loo marayo.
Inkasta oo ay jiraan dhammaan khilaafyadaan iyo kala duwanaanshahan, haddana su'aasha weli taagan waa: ma awoodi doonaa isbahaysiga Sacuudi iyo Imaaraad inuu xakameeyo tartanka dhaqaale iyo kan siyaasadeed ee u dhexeeya labada dal, mise gobolku wuxuu waxa uu geli doonaa xiisad cusub?