You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Tobanka lacagood ee ugu qiimaha liita adduunka sannadkan 2026
- Author, Abdalla Seif Dzungu
- Role, BBC Swahili
- Reporting from, Nairobi Kenya
Doollarka Mareykanku waa lacagta ugu badan ee adduunka wax lagu kala iibsado, inkasta oo aysan ahayn lacagta ugu qiimaha badan adduunka (lacagta qiimaha sare leh hadda waa Diinaarka Kuweyt).
Laakiin dhinaca kale, lacagaha ugu qiimaha liita adduunka ayaa ah qiimo aad u hooseeya marka loo eego doolarka Mareykanka.
Sida lagu sheegay joornaalka Forbes, qaar ka mid ah lacagahaasi waxay u dhigmaan kumannaan kun si loogu sarrifo hal doollar.
1. Pauni ya Lebanon (LBP)
Lacagta pound-ka ee Lubnaan ayaa ka mid ah lacagaha ugu liita adduunka marka loo eego doolarka Mareykanka. Hal pound oo lacagtaas ah waxa lagu sarrifaa $0.000011. Si kale haddii loo dhigo, $1 wuxuu u dhigmaa 89,556.36 lacagta Lubnaan.
Lubnaan waxay xuduud la leedahay Badda Mediterranean-ka, waxayna deris la tahay Israel iyo Suuriya oo ku yaalla Bariga Dhexe. Dalkaasi wuxuu dhaqaale ahaan ku tiirsan yahay adeeg-bixinta, sidoo kalena wuxuu dhoofiyaa dahab, bir, kiimikooyin, cunto iyo cabitaanno.
2. Riyaalka Iiraan (IRR)
Sida lagu sheegay warbixin ay daabacday Forbes, halka riyaal ee Iran ah wuxuu hadda qiimo ahaan u dhigmaa $0.000024, taasi oo micnaheedu yahay in $1 lagu sarrifi karo 42,112.50 rial oo Iiraan ah.
Riyaalka Iiraan waxaa markii ugu horreysay la aasaasay dhammaadkii 1700-kii. Lacagtan ayaa muddo sannado ah ku jirtay heerkaas marka loo eego doolarka Mareykanka.
Iran waxay ku taallaa Gacanka Faaris ee u dhexeeya Ciraaq iyo Afghanistan. Waxay ka mid tahay dalalka ugu waaweyn ee dhoofiya saliidda iyo gaaska dabiiciga ah, laakiin cunaqabataynta dhaqaale ayaa cadaadis xooggan ku keentay.
3. Dong Vietinam (VND)
Sida lagu sheegay Forbes, Dong-ga Vietnam waxuu ku jiraa kaalinta saddexaad ee liiska lacagaha ugu liita adduunka, halkii xabbo waxa lagu iibsadaa $0.000038. Taas macnaheedu waa in $1 uu u dhigmo 26,345 dong oo Vietnam ah.
Vietnam waxay xuduud la leedahay Badda Koonfureed ee Shiinaha, waxayna deris la tahay Shiinaha, Laos, iyo Cambodia. Adeegyada ayaa kaalin weyn ka ciyaara dhaqaalaha dalka, waxaana soo raaca warshadaha sida korontada, tamarta, iyo dharka.
Lacagta dalkan ayaa cadaadis kala kulmaysa cunaqabataynta dhoofinta iyo hoos u dhaca dhoofka, iyo sidoo kale kororka joogtada ah ee heerarka dulsaarka ee Mareykanka.
4. Laotian kip (LAK)
Laotian Kip, ama Lao Kip, waxaa la aasaasay sanadihii 1950-meeyadii, waxaana lagu qiimeeyaa in ay tahay lacagta afraad ee ugu liidata qiime ahaan adduunka iyadoo hal kip uu u dhigmo $0.000046. Taas macnaheedu waa in $1 uu u dhigma 21,663.26 kip.
Laos waa dal aan lahayn bad, wuxuuna xuduud la leeyahay Vietnam, Thailand, Cambodia, iyo Shiinaha. Dalkaasi wuxuu si weyn ugu tiirsan yahay dhoofinta, sida naxaasta, dahabka, iyo alwaaxda.
5. Lacagta Rubbiga ee Indonesia (IDR)
Lacagta qaranka ee Indonesia waxaa la aasaasay sanadkii 1946. Hal rupiah hadda waxay qiimo ahaan u dhigantaa $0.000059, taasoo micnaheedu yahay in $1 uu u dhigmo 16,849.37 rupiah.
Indonesia waxay ka kooban tahay in ka badan 17,000 jasiiradood oo ku yaalla Badweynta Baasifigga, oo ay ku jiraan Java, Sumatra, iyo qaybo ka mid ah Borneo iyo New Guinea.
Marka la eego wax-soo-saarka guud ee dalka (GDP), Indonesia waa dalka ugu weyn Koonfur-bari Aasiya, gaar ahaan sababtoo ah qaybta adeegyada.
Indonesia sidoo kale waxay hodan ku tahay kheyraadka dabiiciga ah, hase yeeshee lacagteeda qaranka ayaa hoos u dhacay marka loo eego lacagaha kale, sababtuna waa sicir-bararka iyo hoos u dhaca dhaqaalaha.
6. Lacagta som ee Uzbekistan (UZS)
Som ayaa la aasaasay sannadkii 1993, waxaana halkii som oo lacagta qaranka ee Uzbekistan uu hadda u dhigmaa $0.00008. Si kale haddii loo dhigo, $1 wuxuu u dhigmaa 11,861.84 som.
Uzbekistan waa dal ku yaalla bartamaha Aasiya, wuxuuna ka mid ahaa jamhuuriyadii hore ee Midowgii Soofiyeeti. Waa mid ka mid ah dalalka ugu waaweyn ee dhoofiya suufka adduunka, sidoo kalena wuxuu leeyahay kayd weyn oo macdan, saliid iyo gaas ah.
Sida lagu sheegay Forbes, dalkaasi wuxuu sameeyay isbeddelo dhaqaale, hase yeeshee weli wuxuu la tacaalayaa koror hooseeya oodhinaca dhaqaalaha ah, sicir barar xooggan, shaqo la'aan iyo musuqmaasuq.
7. Lacagta Faranka ee Guinea (GNF)
Faranka Guinea waxaa la sameeyay sannadkii 1959-kii, waxaana hal faran oo Guinea ah qiimo ahaan uu u dhigmaa $0.000115. Taas macnaheedu waa in $1 uu u dhigmo 8,658.25 faran oo Guinea ah.
Guinea oo uu Faransiisku gumaystay waxay ku taallaa Galbeedka Afrika, gobolka la yidhaahdo Saaxil (Sahara). Waxay hodan ku tahay kheyraad dabiici ah sida dahabka iyo dheemmanta, laakiin waxay la tacaalaysaa sicir-barar sarreeya, qalalaase millitari, iyo qulqulka qaxootiga ka imanaya dalalka deriska ah sida Liberia iyo Sierra Leone.
8. Faranka Burundi (BIF)
Jamhuuriyadda Burundi waa dal aan lahayn bad oo ku yaalla Bariga Afrika. Hal faran oo Burundi ah ayaa hadda qiimo ahaan u dhigma $0.00011, taasoo micnaheedu yahay in hal doollar ($1) uu u dhigmo 8,754.96 faran oo Burundi ah.
Dalka waxaa ku nool in ka badan 14 milyan oo qof, wuxuuna xuduud la leeyahay Rwanda dhinaca waqooyi, Tanzania dhinaca bari/koofur-bari, iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo dhinaca galbeed.
9. Lacagta Ariari ee Madagascar (MGA)
Sida Forbes sheegtay, Ariary-ga ayaa la sameeyay sannadkii 1961-kii, waxaana si rasmi ah u bedelay faranka Madagascar sannadkii 2005-tii. Hal ariary ayaa hadda qiimo ahaan u dhigma $0.00021, taasoo ka dhigan in hal doollar ($1) uu u dhigmo 4,637.73 ariary.
Madagascar waa jasiirad ku taalla xeebta koonfur-bari ee Afrika. Beeraha, macdanta, kalluumeysiga iyo kaymaha ayaa ah qaybaha ugu waaweyn ee dhaqaalaha dalka. Dhoofinta dalka waxaa ka mid ah birta.
10. Lacagta Guarani ee Paraguay (PYG)
Guarani-ga Paraguay waxaa markii ugu horreysay la aasaasay sannadkii 1952. Hal guarani hadda wuxuu qiimo ahaan u dhigmaa $0.00015, taasoo micnaheedu yahay in $1 uu u dhigmo 6,619.11 guarani.
Paraguay waa dal aan lahayn bad, wuxuuna xuduud la leeyahay Brazil, Argentina, iyo Bolivia. Dalka ayaa hormuud u ah soo saarista sonkorta, hilibka lo'da, iyo galleyda.
Lacagta Paraguay ayaa ku jirtay cadaadis sababtuna tahay sicir-barar, musuqmaasuq, iyo lacagaha faalsada ama been abuurka ah.