You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Iiraan oo sheegtay in ay diyaar u tahay inay ka jawaabto “si degdeg ah oo awood leh” weerar kasta oo lagu soo qaado.

Wasiirka Arrimaha dibadda Iiraan ayaa ka jawaabay warkii Trump ee ahaa in Iiraan ay ku wajahanyihiin ciidamo ka awood badan kuwii Venezuela weeraray dhawaan.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Maxkamadda Gobolka Banaadir oo baabi'isay waarankii soo qabashada ee madaxwaynaha Jubaland

    Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo saartay go'aan meesha looga saarayay islamarkana lagu baabi'inayay waarankii soo qabashada ahaa oo ay horay ugu jartay Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)

    Hoos ka akhriso go'aanka

  2. Maxay yihiin gantaalaha Iran ee ay tahay inay ka fikirta cid kasta oo weerari rabta?

    Iiraan iyo Israa'iil ayaa is-weydaarsaday duqeymo cirka ah bishii October 2024, iyadoo qalabka bixiya codka digniinaha ee weerarka cirka laga maqlay Tel Aviv iyo Jerusalem, sidoo kale qaraxyo laga maqlay Tehran.

    Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa sheegay inay xilligaasi gantaallo ballistic ah ku rideen Israa'iil — halka milatariga Israa'iil (IDF) ay sheegeen inay qaar ka mid ah gantaalladaas soo rideen — iyadoo hoggaamiyaha sare ee Iiraan uu ballan qaaday inuu "dhirbaaxooyin culus" kaga jawaaabayo weerarradii Israa'iil ee maalintii ka horreysay.

  3. Xiriirka Kubbadda Cagta Afrika oo ganaax adag ku riday Morocco iyo Senegal

    Xiriirka Kubbadda Cagta Afrika (CAF) ayaa shaaciyay ciqaabaha uu ku riday Morocco iyo Senegal kaddib rabshadihii ka dhacay ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Qaramada Afrika 2026 (AFCON).

    Taageerayaal badan oo kubbadda cagta ah ayaa si weyn u sugayay go’aannada ay qaadan doonto CAF, iyadoo dhinac walba uu aaminsanaa in kan kale uu khaladka lahaa isla markaana u qalmo ciqaab ka culus.

    CAF ayaa mamnuucday tababaraha Senegal, Pape Thiaw, shan kulan, isla markaana ku ganaaxday $100,000, kaddib markii lagu helay anshax-xumo, maadaama uu amar ku bixiyay in ciyaartoydiisu ka baxaan garoonka intii lagu jiray final-kii Nations Cup ee ay la ciyaarayeen Morocco.

    Sidoo kale, CAF ayaa Xiriirka Kubbadda Cagta Senegal ku ganaaxday $615,000 sababo la xiriira dhaqanka kooxda iyo taageerayaasheeda, halka ciyaartoyda Iliman Ndiaye iyo Ismaila Sarr laga reebay laba kulan oo CAF ah, kaddib markii lagu helay ixtiraam-darro ay u muujiyeen garsooraha.

    Si kastaba ha ahaatee, codsigii Morocco ee ahaa in la baabi’iyo natiijada ciyaarta—kaas oo ku salaysnaa in ciyaartoyda Senegal ay garoonka ka baxeen taasoo keentay dib u dhac 14 daqiiqo ah—ayaa la diiday kadib go’aan ka soo baxay Guddiga Anshaxa ee CAF.

    Dalka martida loo ahaa ee Morocco ayaa isna lagu ganaaxay $315,000 guud ahaan, taasoo la xiriirtay dhaqanka carruurta kubbad-qaadayaasha, hab-dhaqanka ciyaartoyda iyo shaqaalaha ee aagga VAR, iyo sidoo kale isticmaalka iftiinnada leysarka ee taageerayaasha.

    Kabtanka Morocco Achraf Hakimi (laba kulan oo CAF ah, mid ka mid ahna hal sano ayaa laga joojiyay) iyo Ismael Saibari (saddex kulan oo CAF ah) ayaa llag ahoristagay, kaddib markii lagu helay anshax-xumo ay sameeyeen markii ay isku dayeen in ay ka qaadaan shukumaan goolhayaha Senegal Edouard Mendy .

    Tababaraha Senegal, Thiaw, ayaa amar ku bixiyay in ciyaartoydiisu ay garoonka ka baxaan dhammaadka ciyaarta kaddib markii gool ay dhaliyeen la diiday, wax yar kaddibna Morocco ayaa loo dhigay rigooro, taas oo Brahim Diaz ugu dambayn qasaariyay.

  4. Iran oo shaacisay meelaha ay bartilmaameedsan doonto haddii Mareykanku soo weeraro

    Cali Shamkhani, oo ah la-taliye sare oo u dhow Hoggaamiyaha Sare Ayatollah Cali Khamenei, ayaa digniin u diray isagoo ku qoray barta X, in tallaabo kasta oo militari ah oo Mareykanku qaado—heer kasta ha noqotee—loo arki doono “ku dhawaaqid dagaal” isla markaana si degdeg ah looga jawaabi doono.

    Shamkhani waxa uu intaa ku daray in “weerar xaddidan uu yahay khiyaali,” isagoo carrabka ku adkeeyay in jawaabta Iiraan ay noqon doonto “mid dhamaystiran oo aan hore loo arag,” isla markaana lagu beegsan doono “cidda gardarrada wadda iyo bartamaha Tel Aviv.”

    Afhayeenka Ilaalada Kacaanka Iiraan, Cali Maxamed Naeini, ayaa uga digay Mareykanka xilli ay ciidammada badda ee Mareykanku u soo dhaqaaqayeen Gacanka Faaris, isagoo carrabka ku adkeeyay in Iiraan ay diyaar u tahay “dhammaan xaaladaha cadowga.”

  5. Somaliland oo sheegtay in 3 ka mid maamul goboleedyada Soomalaiya uusan dagaal kaga socon

    Wasiirka madaxtooyada ee SomalIland Khadar Xuseen Cabdi.ayaa sheegay in dagaal uusan kala dhexeyn saddex ka mid ah maamul goboleedyada soomaaliya .

    Wasiirka ayaa farta ku fiiqay in maamulada Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed usan daga;l kaga socon.Mr Khadar ayaa yiri "reer Somaliand shacbigooda waxaan u sheegayaa Kismaayo dagaal kalama socdo Garawe dagaal kagama socdo Beydhabo dagaal kagama socdo Waxaa ayaan daro ah mushkiladda iyo xanaanunkan gaar ah ee dadka Muqdisho kiu dhacay".

  6. Somaliland oo sheegtay in ay ogtahay danta Jabuuti ugu jirta in aan la aqoonsan Somaliland

    Wasiirka Arimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanideeda ee Somaliland C/raxmaan Daahir Aadan ayaa sheegay in markii Israa’iil siisay aqoonsiga Somaliland ay soo baxeen dalal badan oo cadow ku ah Somaliland.

    Dalalka uu soo hadal qaaday waxaa ka mid ah Jabuuti oo uu sheegay in haddii ay Soomali isku keenayso ay ahayd in markii ay xorriyadda qaadanayeen ay ku biiraan Soomaaliya, isagoo intaa raaciyay in ay fursad haysteen xilligaas.

    C/raxmaan Daahir Aadan wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa intaasi ku daray in “Jabuuti aaney ka shaqeynin isu keenidda Soomaali iyo midnimo, hase-yeeshee ay dhibta Somaliland iyo in aysan aqoonsi helin ay danteeda ka dhex aragto”.

    Hadalkaan ayaa imaanaya xilli Jabuuti iyo Somaliland uu ka dhaxeeyo khilaaf ka abuurmay aqoonsigii Israa’iil siisay Somaliland.

    Jabuuti waxey ka mid tahay dalalka ka horyimid tallaabadaas isla markaana Soomaaliya ku garab istaagay in la ilaaliyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

  7. Iiraan oo mar kale hadashay sheegtayna hadal ka duwan kii hore

    Maxamed Baqer Qalibaf, Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan, ayaa wareysi uu siiyay CNN ku sheegay in “Tehran ay diyaar u tahay inay la xaajooto Maraykanka, balse kaliya haddii wada-hadalladu noqdaan kuwo daacad ah oo dhab ah.”

    Wuxuu yiri: “Inkasta oo Tehran ay diyaar u tahay wada-xaajood, ma u maleynayo in taasi ay tahay nooca wada-hadal ee madaxweynaha Maraykanku raadinayo; isaga wuxuu kaliya doonayaa inuu ku khasbo rabitaankiisa.”

    Wareysigan, guddoomiyaha baarlamaanka Iiraan wuxuu ku eedeeyay “quwado shisheeye” cadaadiskii xooganaa ee lagu sameeyay mudaaharaadyadii dhawaan dhacay, isagoo sheegay in “qorshahan” laga soo maleegay dibadda.

    Mudane Qalibaf, isagoo aan xusin tirada muwaadiniinta ku dhimatay mudaaharaadyada, ayaa u sheegay telefishankan Maraykanka ah in dowladda Iiraan “aysan marna ka tanaasuli doonin aargudashada dhiigga” ku dhowaad 300 oo ka tirsan ciidamada ammaanka oo uu sheegay inay ku shahiideen rabshadaha.

  8. Hoggaamiyaha fallaagada Congo oo ka horyimid heshiis lala galay dowladda Mareykanka

    Hoggaamiyaha isbahaysiga fallaagada Congo ee ay ku jirto kooxda M23, Corneille Nangaa, ayaa sheegay in heshiiska u dhexeeya Kinshasa iyo Washington ee ku saabsan macdanta muhiimka ah ee gobolka colaadaha ragaadiyeen uu sharci ahaan ansax ahayn, isla markaana uu leeyahay cillado waaweyn, tallaabadaasna ay shaki gelinayso hirgelintiisa.

    Nangaa, oo ah madaxa Alliance Fleuve Congo (AFC), ayaa tixraacayay heshiis iskaashi istaraatiiji ah oo lagu saxiixay Washington 4-tii Diseembar, kaas oo siinaya Maraykanka helitaan ballaaran oo ku saabsan macdanta muhiimka ah ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, beddelkeedana ay jiri doonto maalgashi iyo iskaashi dhinaca amniga ah.

    Wareysi uu Reuters ku siiyay magaalada Goma Isniintii, Nangaa wuxuu sheegay in qorshuhu ka maqan yahay daahfurnaan isla markaana uu leeyahay cillado sharciyeed, isagoo xusay waxa uu ku tilmaamay “daahfurnaan la’aan ka jirta wada-xaajoodyada” iyo “cillado hannaanka loo maray, gaar ahaan ku xadgudubka Dastuurka iyo sharciga.”

    Dhaliisha Nangaa waxay sii kordhinaysaa su’aalaha ku saabsan suurtagalnimada maalgashiga Maraykanka ee bariga Congo, oo ah gobol dagaallo saameeyeen, sanad kadib markii M23 ay si lama filaan ah u qabsadeen Goma, oo ah magaalada ugu weyn gobolka.

    Inta badan macdanta muhiimka ah ee bariga Congo, oo ay ku jirto koltaan, waxaa laga soo saaraa dhul ay hadda gacanta ku hayso M23, taas oo la wareegtay goobo macdan qodis oo muhiim ah sida Rubaya ee North Kivu.

    Nangaa wuxuu sheegay in goobaha macdan qodista ee loo oggolaaday Washington ay mustaqbalka noqon karaan il khilaaf, maadaama laga yaabo in horey loogu qoondeeyay saaxiibbada Congo.

    “Maraykanku way saxiixi karaan heshiiska, balse waa inay ogaadaan inay la saxiixdeen nidaam sharci-darro ah, isla markaana musuqmaasuq ah,” ayuu yiri.

    Dhanka kale, Madaxtooyada Congo ayaa beenisay eedeymaha Nangaa, iyagoo sheegtay in iskaashiga uu “ku jiro awoodda dastuuriga ah” ee madaxweynaha iyo dowladda la doortay.

    Aqalka Cad ayaa sheegay in cabsi laga qabo isku dhacyo lala galo hay’adihii hore ee qandaraasyada haystay kuwaas oo lagu tilmaamay “mala-awaal kaliya,” isla markaana iskaashi kasta uu raaci doono qandaraasyo sharci ah iyo xeerarka macdanta ee Congo.

    Dowladda Congo ayaa sheegtay in iskaashigan loo gudbin doono baarlamaanka si loo ansixiyo bisha Maarso.

  9. War deg deg ah, Degdeg: Golaha wasiirrada Soomaaliya oo xilkii qaaday taliyihii milatariga Soomaaliya

    Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa shaqada ka cayriyay taliyaha Milatariga Janaraal Odowaa Yuusuf Raage sida ay BBC-da u xaqiijiyeen illo wareedyo ka tirsan dawladda.

    Sarkaal lagu magacaabo Ibraahim Maxamed oo darajadiisu tahay Gaanshaanle Sare ayaa loo magacaabay xilka taliyaha milatariga.

    Janaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa xilka taliyaha Milatariga loo magacaabay labo jeer oo hore oo kala ahayd 2019 iyo 10 November 2024.

  10. War deg deg ah, Degdeg: Duulimaadyadii Ethiopian Airlines ay ku tagi jirtay gobolka Tegrey oo la baajiyay iyo faah-faahin ka soo baxaysa

    Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa joojisay duullimaadyadii ay ku tagi jirtay garoomo dhowr ah oo ku yaalla gobolka Tegrey, kaddib markii ay sii kordheen xiisadaha iyo cabsi laga qabo in dib colaadi uga dhex qaraxdo dowladda federaalka iyo TPLF. BBC ayaa xaqiijisay in duullimaadyadii u kala gooshi jiray Addis Ababa iyo Tegrey la hakiyay, iyadoo rakaabka lagu wargeliyay farriimo qoraal ah oo lagu sheegay in ay dhaceen “duruufo lama filaan ah.”

    Duullimaadyadii maanta loo qorsheeyay inay ka baxaan Addis Ababa kuna wajahnaa Mekelle, Humera, Shire, iyo Aksum ayaa la baajiyay. Wariye BBC Tigrinya ah oo ku sugan Mekelle ayaa xaqiijiyay baajintaas kaddib booqasho uu ku tagay xafiiska tigidhada ee shirkadda. Shaqaalaha shirkadda diyaaradaha iyo garoonka Mekelle ayaa sidoo kale lagu amray inaysan shaqo iman Khamiista maanta ah. Ilaa hadda, Ethiopian Airlines iyo dowladda midkoodna kama hadlin arrintan, halka Horn of Africa Services ay weli sugayso jawaab ka timaadda shirkadda.

    Dhanka kale, warar ka imanaya waqooyi-galbeed Itoobiya ayaa sheegaya iska-horimaadyo u dhexeeya ciidanka federaalka iyo dagaalyahannada Tegrey oo ka dhacay Mai Degusha, oo ah deegaan muran ka taagan yahay kana tirsan Degmada Tselemti, ayna ku muransanyihiin gobollada Amhara iyo Tegrey. Ilo wareedyo ayaa sidoo kale sheegaya dhaqdhaqaaqyo ciidan oo cusub oo ka socda koonfurta Tegrey, taasoo sii xoojinaysa walaaca laga qabo in colaad dib u qaraxdo. Ilaa hadda, wax xaqiijin rasmi ah kama soo bixin dowladda federaalka Itoobiya ama maamulka Tegrey.

  11. Shiinaha oo in ka badan 10 xubnood oo hal qoys ahaa dil ku fuliyay

    Shiinaha ayaa dil ku fuliyay 11 xubnood oo ka tirsan qoys caan ku ahaa khiyaanada, kuwaas oo maamuli jiray xarumo khiyaano oo ku yaalla Myanmar, sida laga soo xigtay warbaahinta dowladda.

    Maxkamad gobolka Zhejiang ayaa xubnaha qoyska Ming ku xukuntay bishii Sebtember ee sanadkii hore dambiyo culus oo ay ka mid yihiin dil, xirid sharci darro ah, khiyaano, iyo ka shaqeynta guryaha sharci-darrada ah ee khamaarka.

    Qoyska Ming wuxuu ka mid ahaa dhowr qoys oo maamuli jiray magaalada Laukkaing, oo ku dhow xadka Shiinaha uu la wadaago Myanmar.

    Iyada oo ay maamulayeen, magaalada mar ahayd mid sabool ah oo aan la garanayn ayaa waxaa laga dhigay xarun khamaar, guryo madadaalo, iyo dambiyo maaliyadeed.

    Boqortooyadooda khiyaanada ayaa burburtay sanadkii 2023 ka dib markii xubnahooda la qabtay lana geeyay Shiinaha, iyada oo kooxo hubeysan oo qowmiyadeed ay gacanta ku dhigeen magaalada Laukkaing xilli dagaal sokeeye uu ka socda Myanmar.

    Sanadkii hore, baraha bulshada ee Shiinaha waxaa ku jiray warka ku saabsan jilaa dhallinyaro ah oo u safrey Thailand si uu shaqo u helo, laakiin markii dambe lagu qasbay in la geeyo xarun dadka lagu xiro oo ku taal Myanmar.

    Kiisaskan oo kale ayaa kiciyay caro dadweyne oo Shiinaha ka jirta, maadaama Beijing muddo dheer ay cadaadis ku saarayey dowladda millatariga ee Myanmar si ay u xakameyso kooxaha khiyaanada.

    Sida laga soo xigtay Maxkamadda Sare ee Shiinaha, hawlgallada khiyaanada iyo khamaarka ee Ming Gang ayaa laga sameyay in ka badan 10 bilyan yuan taasoo u dhiganta 1.4 bilyan oo doollar intii u dhexeysay 2015 ilaa 2023.

    Maxkamaddu waxay diidday racfaanadooda bishii Nufeembar. Maxkamaddu waxay sheegtay in dambiyada kooxdu ay keeneen dhimashada 14 muwaadin oo Shiinaha u dhashay, halka kuwo kale ay ku dhaawacmeen.

  12. Maxaad kala socotaa ninka Somaliga ee arrintiisu hadal haynta ka dhalisay Kenya?

    Dalka Kenya dood xooggan ayaa ka taagan hadal ay sheegtay gabar uu dhalay hoggaamiyihii mucaaradka Kenya ee geeriyooday dhawaan Raila Odinga.

    Winnie Odinga oo waraysi siisay Telefishin maxalli ah ayaa sheegtay in Oketch Saalax oo ah ganacsade Soomaali Kenyan ah in ay la kulantay hase-yeshee aanu jirin qof si qoto dheer u garanaya.

    Waxey intaa ku dartay in uu been ka sheegay geeridii aabbaheed oo uu Saalax horey u sheegay in uu la joogay markii uu dhimanayay amba daqiiqadihii ugu dambeyay.

    Sidoo kale gabadhan ayaa muujisay in Saalax sidoo kale uu sheegay waxyaabo aan dhicin.

    Saalax oo qoraal bartiisa Facebook ku baahiyay ayaa isna ka falceliyay waraysiga gabdha iyo sida ay isaga uga hadashay.

    “Waxaan daawaday wareysigii xalay ee Winnie oo iga hadashay.

    Ixtiraamka aan u hayo Marwo, Mama Ida Min Piny,waxaan doortay inaan aamuso. Taasi waxay ahayd go'aan ula kac ah oo shaqsiyeed.

    Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah waxa la sheegay waxay u baahan yihiin caddayn.

    Waxaan ku taaganahay wax kasta oo aan ka sheegay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee aan la qaatay Baba oo ula jeedo Raila Odinga.

    “Waqtiyadaasi waxay ahaayeen kuwo dhab ah, xanuun badan” ayuu Saalax ku yiri qoraalkiisa.

    Saalax waxey aad isugu dhawaayeen Raila Odiinga iyadoo wararka qaar sheegayaan in Saalax uu soo korsaday hoggaamiyihii mucaaradka Kenya Raila Odinga, iyadoo qoyska Raila xubno ka mid ah ay mararka qaar ka sheegeen fagaarayaal in Saalax yahay nin ka mid ah qoyskooda.

  13. Ilhaan Cumar oo Trump ku tilmaantay nin xanuunka "ilowshiyaha qaba"

    Ilhaan Cumar oo ah xildhibaanad ka tirsan aqalka wakiillada Mareykanka ayaa sheegtay in gacanteedu gaari laheed ninkii dhawaan ku weeraray waxyaabo dareero ah xilli ay khudbad jeedinaysay, haddii aaney ilaaladeedu goobta joogi laheyn.

    “Soomaalida itaaqanna way ogyihiin in dagaalka aan ku fiicanahay,” ayay tiri iyadoo la hadlaysay Soomaalida ku dhaqan magaalada Minneapolis.

    Ilhaan ayaa sidoo kale u jawaabtay madaxweyne Trump oo weerarkeeda shaki galiyay isla markaana sheegay in iyadu is buufisay.

    Waxey sheegtay in Trump daqiiqado ka hor weerarkeeda uu iyada ka hadlayay hase-yeeshee, markii weerarka wax laga waydiyay uu inkiray oo uu yiri “ma xasuusto iyada”.

    Ilhaan ayaa is waydiisay in Trump qabo xanuunka ilowshaha iyo in kale maadama marna uu iyada ka hadlay marna yiri kama fikarayo iyo ma xasuusto.

  14. Trump oo farriin u diray shacabka Iiraan iyo cabsi sii kordhaysa

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa farriin u diray dibadbaxayaasha wax yar kadib markii ay bilaabmeen mudaharaadyadii u dambeeyay ee ka dhacay Iiraan, isagoo u sheegay in “gargaar uu soo socdo.”

    Tan iyo markaas, waxaan aragnay xiisadda oo tartiib ah, joogto ah, isla markaana soo badinaysa joogitaanka iyo awoodda ciidamada milatariga Maraykanka ee gobolka.

    Maraykanka, oo leh ciidanka milatari ee ugu awoodda badan dunida, ayaa horay u muujiyay awooddiisa ah inuu weeraro Iiraan. Hawlgalkii loo bixiyay Operation Midnight Hammer ayaa bartilmaameedsaday xarumaha nukliyeerka ee Iiraan bishii Juun ee sannadkii hore.

    In ka badan 100 diyaaradood ayaa ka qayb qaatay hawlgalkaas, iyadoo diyaaradaha qarsoodiga ah ee B-2 ay ka soo duuleen dhulka Maraykanka si ay u ridaan bambooyin si sax ah loo hago oo loo yaqaan bunker busters kuwaas oo lagu beegsaday xarumaha nukliyeerka ee Iiraan. Hawlgalku wuxuu ku dhammaaday iyadoo aysan jirin wax khasaaro ah oo soo gaaray ciidamada Maraykanka.

  15. Israa'iil oo erayo ku qoran calanka Xuutiyiinta la dhex tagtay shirka Golaha Ammaanka

    Danjiraha Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa kulan Golaha Ammaanku yeeshay ku soo bandhigay calan uu sheegay in ay Xuutiyiinta Yemen leeyihiin.

    War qoraal ah oo uu ku baahiyay bartiisa X, danjire Danny Danon waxaa uu ku sheegay in ujeedka Xuutiyiinta uusan ahayn dagaal ku saleysan dhul iyo xuduud toona ee uu yahay dagaal ku wajahan dalal. “Waxaan si cad ugu sheegay Golaha Ammaanka: Xuutiyiintu uma dagaallamayaan dhul ama xuduudo. Calankoodu ayaa wax walba caddeynaya: Waxaana ku qoran “Geeri ha u sugnaato Maraykanka, geeri ha u sugnaato Israa’iil, naclad ha ku dhacdo Yuhuudda.”

    „Tani ma aha iska-caabin; waa nacayb saafi ah”.

    Qoraalka ayaa intaasi ku daraya hoggaanka Iiraan uu maalgaliyo argagixisada. Xamaas, Xisbullah, iyo Xuutiyiintu waa natiijo toos ah oo ka dhalatay buu yiri siyaasaddaas rabshadaha ku dhisan. „Waa isla nidaamkaas, isla qaabkaas, isla dhoofinta nacaybka iyo rabshadaha,”

  16. Kumanaan askarta Venezuela ka mid ah oo markaan muujinaya arrin cidda ay daacadda u yihiin

    Kumannaan askar oo isugu jira booliis iyo milatari oo ku sugan Venezuela ayaa ka qayb qaatay xaflad ay ku muujiyeen daacadnimadooda madaxweynaha ku-meelgaarka ah, Delcy Rodriguez, oo hoggaanka la wareegtay horraantii Janaayo kadib markii ciidamada Maraykanku ay qabteen hoggaamiyihii ka horreeyay, Nicolas Maduro.

    Munaasabaddan ayaa dhacday wax yar kadib markii Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, ay su’aalo waydiiyeen guddiga Senate-ka ee Washington, kuna saabsanaa siyaasadda maamulka ee Venezuela. Wuxuu sheegay in Maraykanku uusan filayn wax tallaabo militari oo dheeraad ah, balse wuxuu uga digay in ay dan u tahay Venezuela inay la shaqeyso.

    Hoggaamiyaha mucaaradka Venezuela ee qurbaha ku sugan, María Corina Machado, ayaa sheegtay in hoggaamiyaha cusub ee Venezuela aan lagu kalsoonaan karin.

  17. Sharciyo adag oo lagu xakameynayo ciidamad ICE oo la filayo in la hirgaliyo

    Dimuqraadiyiinta ku jira Aqalka Senate-ka Maraykanka ayaa soo saaray liis dalab ah oo loogu talagalay in lagu xakameeyo tallaabooyinka ay qaadaan wakiillada ICE, kuwaas oo ay sheegeen in lagu lifaaqo hindise sharciyeedka maalgelinta Waaxda Amniga Gudaha.

    Dalabyadan waxaa ka mid ah mamnuucid lagu soo rogo wakiillada federaalka ee xirta maaskarada, iyo in la joojiyo kormeerada, iyadoo taa beddelkeeda la farayo in xarig kasta uu ku salaysnaado amar maxkamadeed oo uu bixiyo garsoore.

    Tallaabadan ayaa timid kaddib dilalka laba muwaadin oo Maraykan ahaa oo ka dhacay Minneapolis intii lagu jiray howlgalladii adkaa ee ICE.

    Codbixin habraac ah oo ku saabsan hindise-sharciyeedka, oo sidoo kale ka kooban maalgelin loogu talagalay Pentagon-ka, Waaxda Arrimaha Dibadda, iyo Wasaaradda Maaliyadda, ayaa la filayaa in la qabto Khamiista maanta ah , ka hor waqtiga kama dambaysta ah ee laga baqayo xiritaanka dawladda dhammaadka toddobaadkan.

  18. Diyaarad ku burburtay dalka Kolombiya oo dadkii saarnaa oo dhan ay geeriyoodeen

    Diyaarad rakaab ah ayaa ku burburtay waqooyiga dalka Kolombiya, taasoo dishay dhammaan 15-kii qof ee saarnaa, sida ay xaqiijisay shirkadda diyaaradaha ee dowladda, ee Satena.

    Bayaan ay soo saartay shirkaddu ayay ku sheegtay in diyaaraddeeda oo nooceedu ahaa Beechcraft 1900 ay “la kulantay shil dhimasho sababay”, balse faahfaahin dheeraad ah ma aysan bixin.

    Haraaga diyaaradda ayaa hadda laga helay dhul buuraley ah.

    Liiska rasmiga ah ee rakaabka waxaa ku jira xildhibaan Diógenes Quintero Amaya iyo Carlos Salcedo, oo ahaa musharrax ka qeyb galaya doorashooyinka baarlamaanka ee soo socda.

    Markii hore, Satena waxay sheegtay in xiriirkii diyaaradda la waayay 11 daqiiqo ka hor waqtigii ay qorsheysneyd inay ku degto magaalada Ocaña, oo u dhow xadka Venezuela Arbacadii shalay.

    Sida ay shirkaddu sheegtay, duulimaadka NSE 8849 wuxuu ka duulay magaalada Cúcuta, oo qiyaastii 100 kiiloomitir waqooyi-bari kaga beegan Ocaña, iiyadoo siday 13 rakaab ah iyo laba duuliye.

    Hawlgal baadi-goob ah ayaa laga bilaabay dhulka buuraleyda ah, waxaana la sameeyay khad degdeg ah oo ay la xiriiri karaan qaraabada dadka saarnaa diyaaradda.

    Isagoo la hadlayay warbaahinta maxalliga ah ee Semana, guddoomiyaha gobolka Norte de Santander, William Villamizar, ayaa sheegay in la helay toddobo meyd.

    Bayaan lagu xaqiijinayo geerida Quintero ayaa lagu daabacay boggiisa Facebook, iyadoo lagu tilmaamay “nin noloshiisa oo dhan u adeegayay dadka baahida ugu badan qaba”.

    Quintero wuxuu hayay mid ka mid ah 16-ka kursi ee baarlamaanka Kolombiya ee loo qoondeeyay matalaadda dhibbanayaasha colaadda u dhexeysa fallaagada Marxist-ka ah ee FARC iyo dowladda Kolombiya.

  19. Mareykanka oo qiray in Soomaaliya qaadatay mas'uuliyadda bakhaarkii la jabsaday

    War qoraal ah oo ka soo baxay waaxda gargaarka ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Mareykanku qirayo in dowladda federaalka Soomaaliya ay qaadatay mas’uuliyadda tallaabooyinka samaeynta ku yeeshay hawl-galka Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP), oo ay ku jirto kaalmada Maraykanku bixiyo.

    Warku waxaa uu intaa ku darayaa “kadib bayaankan, waxaan dib u bilaabi doona qaybinta cunnada ee WFP, annagoo isla markaas sii wadayna dib-u-eegista guud ee hab-dhaqankeena ku aaddan kaalmada Soomaaliya,”.

    Sidoo kale waxaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Mareykanka: “Maamulka Trump wuxuu ku dhaqmaa siyaasad adag oo dulqaad laheyn marka ay timaaddo khasaarin, xatooyo, ama leexin kaalmada Maraykanka,”.

  20. Midowga Yurub oo Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan ku daraya liiska argagixisada

    Madaxweynaha Baarlamaanka Yurub ayaa tiri: “Toddobaadkan, Yurub waxay haysataa fursad iyo waajibaad taariikhi ah oo ah in ugu dambayn Kooxda Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee iiraan (IRGC) u aqoonsadaan urur argagixiso.”

    Roberta Metsola waxay go’aanka ku tilmaantay “wax ka badan tallaabo astaan ah,” iyadoo adkaysay mas’uuliyadda Yurub ka saaran in ay arrintan ficil ahaan loo muujiyo.

    Waxaan ku baaqayaa “in caddaalad loo sameeyo “kumannaan qof oo lagu dilay waddooyinka,” iyo in “malaayiin Iiraaniyiin ah ay ku noolyihiin cadaadis ayna na sugayaan.”

    Wasiirrada arrimaha dibadda ee waddamada xubnaha ka ah Midowga Yurub ayaa lagu wadaa inay ku dhawaaqaan cunaqabatayn cusub maanta oo Khamiis ah 29-ka Janaayo, kuwaas oo lagu beegsanayo kuwa ku xadgudba xuquuqda aadanaha iyo 10 shirkadood oo ku lug leh soo saarista diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ee Iiraan.

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Talyaaniga ayaa horraantii toddobaadkan sheegay inuu soo jeedin doono in IRGC lagu daro liiska ururrada argagixisada ee Midowga Yurub. Faransiiska, Jarmalka iyo Isbaanishka ayaa sidoo kale sheegay inay ku raacsan yihiin soo jeedintaas.