Hoggaamiyaha isbahaysiga fallaagada Congo ee ay ku jirto
kooxda M23, Corneille Nangaa, ayaa sheegay in heshiiska u dhexeeya Kinshasa iyo
Washington ee ku saabsan macdanta muhiimka ah ee gobolka colaadaha ragaadiyeen uu sharci ahaan
ansax ahayn, isla markaana uu leeyahay cillado waaweyn, tallaabadaasna ay shaki
gelinayso hirgelintiisa.
Nangaa, oo ah madaxa Alliance Fleuve Congo (AFC), ayaa
tixraacayay heshiis iskaashi istaraatiiji ah oo lagu saxiixay Washington 4-tii
Diseembar, kaas oo siinaya Maraykanka helitaan ballaaran oo ku saabsan macdanta
muhiimka ah ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, beddelkeedana ay jiri
doonto maalgashi iyo iskaashi dhinaca amniga ah.
Wareysi uu Reuters ku siiyay magaalada Goma Isniintii,
Nangaa wuxuu sheegay in qorshuhu ka maqan yahay daahfurnaan isla markaana uu
leeyahay cillado sharciyeed, isagoo xusay waxa uu ku tilmaamay “daahfurnaan
la’aan ka jirta wada-xaajoodyada” iyo “cillado hannaanka loo maray, gaar ahaan
ku xadgudubka Dastuurka iyo sharciga.”
Dhaliisha Nangaa waxay sii kordhinaysaa su’aalaha ku
saabsan suurtagalnimada maalgashiga Maraykanka ee bariga Congo, oo ah gobol
dagaallo saameeyeen, sanad kadib markii M23 ay si lama filaan ah u qabsadeen
Goma, oo ah magaalada ugu weyn gobolka.
Inta badan macdanta muhiimka ah ee bariga Congo, oo ay ku
jirto koltaan, waxaa laga soo saaraa dhul ay hadda gacanta ku hayso M23, taas
oo la wareegtay goobo macdan qodis oo muhiim ah sida Rubaya ee North Kivu.
Nangaa wuxuu sheegay in goobaha macdan qodista ee loo
oggolaaday Washington ay mustaqbalka noqon karaan il khilaaf, maadaama laga
yaabo in horey loogu qoondeeyay saaxiibbada Congo.
“Maraykanku way saxiixi karaan heshiiska, balse waa inay
ogaadaan inay la saxiixdeen nidaam sharci-darro ah, isla markaana musuqmaasuq
ah,” ayuu yiri.
Dhanka kale, Madaxtooyada Congo ayaa beenisay eedeymaha
Nangaa, iyagoo sheegtay in iskaashiga uu “ku jiro awoodda dastuuriga ah” ee
madaxweynaha iyo dowladda la doortay.
Aqalka Cad ayaa sheegay in cabsi laga qabo isku dhacyo
lala galo hay’adihii hore ee qandaraasyada haystay kuwaas oo lagu tilmaamay
“mala-awaal kaliya,” isla markaana iskaashi kasta uu raaci doono qandaraasyo
sharci ah iyo xeerarka macdanta ee Congo.
Dowladda Congo ayaa sheegtay in iskaashigan loo gudbin
doono baarlamaanka si loo ansixiyo bisha Maarso.