Diyaarad rakaab ah ayaa ku burburtay waqooyiga dalka
Kolombiya, taasoo dishay dhammaan 15-kii qof ee saarnaa, sida ay xaqiijisay
shirkadda diyaaradaha ee dowladda, ee Satena.
Bayaan ay soo saartay shirkaddu ayay ku sheegtay in
diyaaraddeeda oo nooceedu ahaa Beechcraft 1900 ay “la kulantay shil dhimasho
sababay”, balse faahfaahin dheeraad ah ma aysan bixin.
Haraaga diyaaradda ayaa hadda laga helay dhul buuraley ah.
Liiska rasmiga ah ee rakaabka waxaa ku jira xildhibaan Diógenes
Quintero Amaya iyo Carlos Salcedo, oo ahaa musharrax ka qeyb galaya
doorashooyinka baarlamaanka ee soo socda.
Markii hore, Satena waxay sheegtay in xiriirkii diyaaradda
la waayay 11 daqiiqo ka hor waqtigii ay qorsheysneyd inay ku degto magaalada Ocaña,
oo u dhow xadka Venezuela Arbacadii shalay.
Sida ay shirkaddu sheegtay, duulimaadka NSE 8849 wuxuu ka
duulay magaalada Cúcuta, oo qiyaastii 100 kiiloomitir waqooyi-bari kaga beegan
Ocaña, iiyadoo siday 13 rakaab ah iyo laba duuliye.
Hawlgal baadi-goob ah ayaa laga bilaabay dhulka buuraleyda
ah, waxaana la sameeyay khad degdeg ah oo ay la xiriiri karaan qaraabada dadka
saarnaa diyaaradda.
Isagoo la hadlayay warbaahinta maxalliga ah ee Semana,
guddoomiyaha gobolka Norte de Santander, William Villamizar, ayaa sheegay in la
helay toddobo meyd.
Bayaan lagu xaqiijinayo geerida Quintero ayaa lagu
daabacay boggiisa Facebook, iyadoo lagu tilmaamay “nin noloshiisa oo dhan u
adeegayay dadka baahida ugu badan qaba”.
Quintero wuxuu hayay mid ka mid ah 16-ka kursi ee
baarlamaanka Kolombiya ee loo qoondeeyay matalaadda dhibbanayaasha colaadda u
dhexeysa fallaagada Marxist-ka ah ee FARC iyo dowladda Kolombiya.