You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Toddobo arrimood oo dhici kara haddii uu Maraykanku weeraro Iiraan
Mareykanka wuxuu u muuqdaa inuu isu diyaarinayo in uu weerar ku qaado Iiraan saacadaha soo socda.
Inkasta oo qorshaha Trump uu ahaa in cadaadis lagu saaro Iiraan si loogu qasbo in ay oggolaato heshiis, haddana natiijadu sidaas ma noqon karto.
Sidaas awgeed, haddii Iiraan aysan muujin rabitaan ah inay heshiis qaadato ilaa daqiiqadda ugu dambeysa, sida uu ku dhawaaqay Madaxweyne Donald Trump waxa uu amar ku bixin doonaa in ciidammada Mareykanka ay qaadaan weerar, maxay noqon karaan waxyaabaha dhici kara?
1. Weerarka waxaa lagu bartilmaameedsan karaa goob muhiim ah iyo dad gaar ah
Ciidamada cirka iyo kuwa badda ee Mareykanka ayaa fulin kara weerarro xaddidan oo si gaar ah loogu bartilmaameedsanayo meelo gaar ah.
Weerarradan waxay ku wajahnaan karaan saldhigyo ciidan oo ay leeyihiin qaar ka mid ah Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC), xoogagga taageera ee Basij, goobaha lagu rido laguna kaydiyo gantaallada balistikada, iyo sidoo kale xarumaha barnaamijka horumarinta nukliyeerka ee Iiraan.
Ujeeddadu waxay noqon kartaa in la rido dowladda Iiraan oo iminka cadaadis xooggan ku jirta, si dalkaasi dib ugu soo laabto nabad uu kula noolaado bulshada caalamka.
2. Wax ka beddellagu sameeyo nidaamka-siyaasadeed ee Iiraan
Tani waxay noqon kartaa wax u eg "qaabkii Venezuela oo kale", taas oo micnaheedu yahay in haddii Mareykanku qaado tallaabo degdeg ah oo awood badan leh oo aan si toos ah u ridayn nidaamka, in uu taasi beddelkeeda ku qasbanaan karo in uu wax ka qabto siyaasaddiisa.
Arrintaasi waxay ka dhigan tahay in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay sii jiri doonto. Inkastoo xaaladdan aanay ku qanacsanayn muwaadiniin badan oo Iiraaniyiin ah, haddana waxay ku qasbi kartaa dowladda Iiraan inay yareyso taageerada ay siiso maleeshiyaadka awoodda leh ee Bariga Dhexe, in ay joojiso ama hoos u dhigto barnaamijyadeeda nukliyeerka iyo gantaalaha balistikada ee gudaha, isla markaana ay xaddido tallaabooyinka cabburinta mucaaradka.
3. Nidaamku oo burbura iyo xukun millitari oo lagu beddelo
Falanqeeyayaal badan oo caalamka ah ayaa ka fikiraya dhammaan waxyaabaha dhici kara.
Inkasta oo nidaamka uusan ka helin taageero ballaaran dad badan, isla markaana mudaharaadyo soo noqnoqda ay wiiqeen, haddana hay'adaha amniga ee leh awoodda xooggan ayaa weli gacanta ku haya xaaladda.
Ilaa hadda, sababaha ugu waaweyn ee mudaharaadyada shacabka ugu guuldarreysteen inay ridaan dowladda waxaa ka mid ah in uusan jirin jab militari oo weyn oo soo gaaray taliska, halka kuwa talada haya ay adeegsadaan xoog iyo gacan qalafsan.
Sidoo kale, waxaa si weyn loo hadal hayaa in qalalaase ka dhasha weerar Mareykanku qaado uu sababi karo in Iiraan ay gasho xukun militari oo adag, kaas oo ay hoggaaminayaan Ciidamada Ilaalada Kacaanka (IRGC).
4. Iiraan waxay weerar ku qaadi kartaa ciidamada Mareykanka iyo dalalka deriska ah si ay aargoosi u sameyso
Iiraan waxay ku dhawaaqday inay ka aargoosan doonto weerar kasta oo Mareykanku ku qaado. Saraakiisha dalkaas ayaa sheegay in ay diyaarsan yihiin, isla markaana ay si buuxda u feejigan yihiin, taas oo micnaheedu yahay in ay sidoo kale weerari karto dalalka deriska la ah.
Way caddahay in awoodda badda iyo cirka ee Iiraan aysan la mid ahayn tan Mareykanka. Si kastaba ha ahaatee, weli waxay haysataa xulashooyin adag. Waxay leedahay tiro badan oo gantaallo balistik ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn, kuwaas oo qaarkood lagu qariyay godad, saldhigyo dhulka hoostiisa ah iyo goobo buuraley fogfog ah, taas oo u sahlaysa in ay weerarro qaaddo.
5. Iiraan waxay xidhi kartaa marinnada saliidda iyo shidaalka ee gacanka
Iiraan inay jarto dhoofinta saliidda iyo inay carqaladayso maraakiibta ganacsiga ee mara Gacanka muddo dheer ayaa loo arkaa khatar weyn oo saameyn culus ku yeelan karta sahayda shidaalka caalamka.
Intii lagu jiray dagaalkii Iiraan iyo Ciraaq (1980–1988), Iiraan waxay bartilmaameedsatay marinnada maraakiibta saliidda, taas oo markii dambe walaac weyn ka dhalisay isu socodka saliidda iyo caalamka iyo dhaqaalaha.
Iiraan hore ayay u sameysay tababaro militari oo muujinaya inay awood u leedahay inay xirto marinkan. Haddii ay sidaas sameyso, ganacsiga caalamiga waxa ku iman doona carqalad, waxaana hubaal ah in qiimaha shidaalku si weyn u kici doono.
6. Iiraan waxay weerar ku qaadi kartaa maraakiibta dagaal oo Mareykanka
Sarkaal ka tirsanaa ciidanka badda Mareykanka ayaa mar sheegay in mid ka mid ah khataraha ugu weyn ee laga cabsado dhanka Iiraan uu yahay "weerar ballaaran oo isku mar ah". Hadalkan wuxuu jeediyay isagoo markab dagaal kaga howlgallayay Gacanka.
Weerarka noocaas ah wuxuu dhici karaa marka Iiraan hal mar wada adeegsato diyaarado qarxa oo aan duuliye lahayn iyo tiro badan oo doomaha torpedo-ga ah ee xawaaraha sare leh.
Haddii Iiraan ay waxyeello gaarsiiso markab dagaal oo Mareykan ah isla markaana ay qabato shaqaale, taasi waxay Mareykanka u noqon lahayd argagax iyo ceeb weyn.
Sannadkii 2000, markabka dagaalka ee Mareykanka ee USS Cole, oo qiimihiisu gaarayay balaayiin doolar, ayaa si xun loo waxyeelleeyay kadib markii Al-Qaacida ay ku qarxisay dekedda Cadan. Weerarkaas waxaa ku dhintay 17 askari oo Mareykan ah.
7.Nidaamku wuu burburi karaa, waxaana sii socon kara qalalaase iyo fowdo.
Tani waa khatar weyn oo walaac gelinaysa dalalka deriska la ah Iiraan, gaar ahaan Qadar iyo Sacuudi Carabiya.
Haddii dowladda Iiraan ay burburto, waxaa suuragal ah in dalka uu galo xaalad dagaal sokeeye ah, taas oo la mid noqon karta waxa ka dhacay Suuriya, Yaman, iyo Liibiya.
Xaaladda noocaas ah, khilaafaadka qowmiyadeed ayaa noqon kara mid faafa oo keena qalalaase guud.