YouTuber-ka IShowSpeed oo la siinayo baasaaboorka Ghana

    • Author, Paul Njie
    • Role, BBC Africa

IShowSpeed oo ka mid ah hal-abuurrada ee ugu caansan dunida, ayaa lagu wadaa in uu helo baasaboor ka helo dalka Ghana kaddib safarkiisii aadka loo sugayay ee uu ku tagay dalkaasi.

Ghana ayaa noqotay meeshii labaad ee ugu dambeysay ee safarkiisa Afrika ee uu si toos ah u baahinayay, kaas oo uu ku maray 20 dal, safarkaasi oo soo dhammaaday Talaadadii.

Kaddib booqashadii IShowSpeed, wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Ghana ayaa ku dhawaaqay in xafiiskiisu oggolaaday in baasaboorka la siiyo YouTuber-ka, isagoo ku tilmaamay "safiir mudan".

Safarka loo bixiyay "Speed Does Africa" waxaa daawaday dadyow kala duwan dunida oo dhan, waxaana si weyn loogu ammaanay jabinta fikradaha qaldan ee laga haysto Afrika, islamarkaana waxa uu dunida tusay dhaqammo kala duwan oo Afrikaan ah.

IShowSpeed oo 21 jir ah, magaciisana dhabta ah yahay Darren Watkins Jr, ayaa leh in ka badan 50 milyan oo dad ah oo kaga xidhan barta YouTube, waxaana kobaca madalkiisa si weyn uga qayb qaatay safarkiisii Afrika.

Baasaboorkiisa Ghana ayaa la ansixiyay kaddib "xaqiijinta xiriirka adag ee aan la dafiri karin ee ka dhexeeya IShowSpeed iyo Ghana", sida uu baraha bulshada ku qoray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ghana, Samuel Okudzeto Ablakwa.

Intii uu si tooska ah uga baahinayay safarkiisa Ghana, YouTuber-ku wuxuu u sheegay daawadayaashiisa in hooyadii ay kasoo jeeddo Galbeedka Afrika.

Qoraalkiisa, Ablakwa wuxuu IShowSpeed ku boorriyay in uu "sii wado ka dhigista dalkeenna weyn ee Ghana, iyo qaaraddeenna qaaliga ah ee Afrika, kuwo lagu faano," isagoo intaas ku daray: "Ghana way kula dabaaldegaysaa."

Sannadihii u dambeeyay, Ghana waxa ay dadaal ugu jirtay sidii ay u samayn lahayd xayaysiimo ku wajahan guud ahaan qurba-joogta ballaaran ee Afrika ee ku kala nool dunida.

Sannadkii 2024-kii, dalkan ayaa muwaadinnimo siiyay in ka badan 500 qof oo ka tirsan qurba-joogta. Dadkaas intooda badan waxay ahaayeen Afrikaan Maraykan ah oo ay ka mid ahaayeen fannaaniinta caanka ah ee Maraykanka sida Stevie Wonder.

Dalal kale oo Galbeedka Afrika ah ayaa sidoo kale bixiyay dhalasho ama jinsiyad, iyaga oo siinaya dadka asalkoodu uu Afrikaanka yahay ee loo kaxaystay Ameerikada xilligii ganacsiga addoonsiga.

Intii uu booqashada ku joogay Ghana Isniintii, IShowSpeed wuxuu sheegay in uu dareemayay in uu "dib ugu soo laabtay gurigiisii," wuxuuna maalintaas ku qaatay booqashada goobo caan ah oo dalka ku yaalla.

Wuxuu u safray gobolka bariga Ghana, halkaas oo uu kaga qayb galay xaflad dhaqameed magac-bixin ah. Isagoo xiran dharka caanka ah ee kente, waxaa loo bixiyay magaca Barima Kofi Akuffo.

Intii uu ku jiray safarkiisii 28-ka maalmood qaatay ee Afrika, IShowSpeed waxa uu booqday dalal ay ka mid yihiin Nigeria, Koonfur Afrika, Morocco iyo Ivory Coast.

Wuxuu ka qayb qaatay hawlo kala duwan oo soo jiitay dadweynaha, oo ay ka mid ahaayeen orod uu la galay haramcad iyo qoob-ka-ciyaar uu la sameeyay xubno ka tirsan qowmiyadda Masaai.

IShowSpeed waxa uu u dabaaldegay dhalashadiisa 21-aad isagoo keeg ku jaray magaalada Lagos, oo ah tan ugu weyn dalka Nigeria.

Majalladda Rolling Stone ayaa u magacawday "hal-abuuraha ugu saameynta badan 2025-kii", halka Forbes ay qiyaastay hantidiisa guud inay gaareyso $20 milyan (qiyaastii £14.5 milyan).