You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
'Aqoonsigii waa diyaar, markii la i yidhi kabo la'aan baan ku soo orday' Muuse Biixi
Tan iyo maalintii shalay waxaa iskasoo dabadhacayey wararka ku aaddan aqoonsiga Isreal ay siisay Soomaalilaan. Falcelinno ka yimi dalal, urur goboleed iyo shakhsiyaad saamayn leh ayaa illa shalay socotay.
Madaxweynihii hore ee Soomaalilaan Muuse Biixi Cabdi ayaa ka mid ah dadka ka falceliyey xaalka aqoonsiga Soomaalilaan. Isaga oo ka sheekeeyey halkii u ku sugnaa markii uu soo gaadhayey warka ku saabsan aqoonsigu.
"Madaxweynuhu waxa uu igu yidhi Ictiraafkii baa diyaar ah ee soo orod, oo kabo la'aan ayaaban ku soo orday' ayuu yidhi Madaxweyne Muuse, isaga sheegaya in xilligaas uu war uga yimi Madaxweynaha hadda xilka haya ee Soomaalilaan oo xaaladdan darted ula soo hadlay.
Ka hor shalay abbaaro casarkii intii aan Israel iyo Somaliland ku dhawaaqin go'aankooda isaqoonsi, madaxweyne Cirro ayaa madaxtooyada Somaliland ugu yeedhay madaxdii hore ee Somaaliland iyo qaybo ka mid ah haldoorka bulshada.
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka mid ahaa dadkii xilligaas madaxtooyada Somaliland tegay.
Muuse Biixi ayaa soo dhaweeyey aqoonsigan isaga oo dhanka kalena ka digay in aanay fidmo 'gudaha' ah abuurin. Waxaana u uku baaqay in la sameeyo wacyigelin badan.
"Waxaannu Ilaahay ka baryaynaa in aanay fidmo gudaheenna ka abuurin, dadka caadifadda bandanna, waa in la wacyigeliyo, oo la ogaysiiyo inta dal ee muslim ah ee Israel xidhiidh la leh"
Dhanka kale Muuse ayaa sheegay in 'albaabkaa furmay' laga midho dhaliyo, isaga siyaasiinta Somaliland-na ugu baaqay 'wadajir'.
Aqoonsiga Israel ay siisay Somaliland ayaa durba abuuray diidmo xoog leh oo ka bilaabatay Dawladda Federaalka Soomaaliya, ilaa heer gobol na gaaadhsiisan.
Dawladda Soomaaliya ayaa si adag uga hor timid aqoonsiga ay Israa'iil aqoonsatay.
Warsaxaafadeed laga soo saaray kulan degdeg ah oo uu yeeshay golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in "midnimada iyo madax banaanida dhuleed" aan gorgortan laga geli karin.
Xukuumadda federaalka ee Soomaaliya waxay "si cad oo aan leexleexad lahayn ugu gacan sayraysaa weerarka ulakaca ah ee lagu soo qaaday madax-banaanideeda iyo talaabada sharci darrada ah ee Israa'iil ay si la soo dhoodhoobay ugu aqoonsanayso gobolka waqooyi ee Soomaaliya" ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Waxaa kale oo si adag uga fal celiyey xoghayaha guud ee jaamacadda Carabta Axmed Abul Gheit, wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga, iyo xukuumadda Sacuudiga. Intoodaba waxay sheegeen inay sharci darro tahay in loo aqoonsado Somaliland dal madax banaan.
Midowga Afrika ayaa isna qoraal uu soo saaray kaga hadlay walaaca uu aqoonsigaas ka qabo.
Madaxweyne Xasan Shiikh ayaana bilaabay dedaallo diblomaasiyadeed oo Soomaaliya taageero ugu raadinayo midnimadeeda, isaga xidhiidho dhanka taleefanka ah la sameeyey madaxweynayaal Badan.
Halka dhanka kale magaalooyinka Somaliland ay dabbaaldegyo waaweyni ka dhaceen, kuwo kalena qorshaysan yihiin.
Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa tan iyo 1991 waxay raadinaysay aqoonsi caalami ah, kaddib burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya, markaas oo ay ku dhawaaqeen in ay goonni isu taageen.
Hase ahaatee, tan iyo markaas helidda aqoonsi rasmi ah uma suurtogalin marka laga reebo dalal siyaabo gooni gooni ah u aqoonsaday oo sida kan Israel aan rasmi u ahayn.
Waxaana Israel ay noqonaysaa dalkii ugu horreeyey ee si rasmi ah u aqoonsada Madaxbannaanida Soomaalilaan.