Dagaalka Bariga Dhexe: Waji nuucee ah ayuu ku dhammaan doonaa?

Wja

Iyadoo Israa’iil ay wali la daalaa dhacayso weerarkii ugu xumaa ee taariikhdeeda soo mara walina Qaza ay ku socdaan duqeymo baa'biyay , waxa ay u muuqataa isbedel in ay jiraan.

Colaadda Israel iyo Falastiin, oo inta badan ka maqnaa shaashadahayada sannado badan, ayaa mar kale dib u qarxay islamarkana xaqiiqadiisa ay caalamka imika hortaalaa.

Waxay u muuqataa in ay la yaab ku noqotay qof kasta. Lataliyaha Amniga Qaranka ee Maraykanka Jake Sullivan ayaa ku dhawaaqay oraah caan-baxday toddobaad uun ka hor weerarrada: "Gobolka Bariga Dhexe maanta wuu ka xasilloon yahay sidii uu ahaa labaatan sano."

Sannad ka dib, gobolka waa holcayaa.In ka badan 41,000 oo Falastiiniyiin ah ayaa dhintay. Laba milyan oo reer Gazan ah ayaa ku barakacay. Daanta Galbeed, 600 oo kale oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay. Lubnaan, hal milyan oo kale ayaa ku barokacay in ka badan 2,000 oo qofna waa ku dhinteen.

In ka badan 1,200 oo Israa'iiliyiin ah ayaa la dilay maalintii koowaad. Tan iyo markaas, Israa’iil waxay Qaza ku weyday 350 askari oo kale. Laba boqol oo kun oo Israa’iiliyiin ah ayaa lagu qasbay inay ka qaxaan guryahoodii u dhowaa Qaza iyo xuduudka kacsan ee waqooyiga Lubnaan. Ku dhawaad ​​50 qof oo isugu jira askar iyo dad rayid ah ayaa lagu dilay gantaalada ay ku garaaceen Israa'iil ururka Xisbullah.

Bariga Dhexe oo dhan, qaar kale ayaa ku biiray dagaalka. Dedaalladii Mareykanka ee ahaa in laga hortago in xiisadda ay sii kororto, iyo booqashooyiinkii badnaa ee dublamaasiyiinta Mareykanka iyo madaxweynaha, iyo keenista agab ciidan oo aad u badan, dhamaantood waxba ma nooqon. Gantaallo ayaa laga soo ganay meelo fog fog oo Ciraaq iyo Yemen ah.

Iran iyo Israa'iil ayaa dhankooda is waeydaarsaday weeraro iyo gantaalo.Washington marar dhif ah u muuqata galaangalka ay arrintan ku leedahay.

Israa’iiliyiinta ayaa xuseysa sanad guuradii ka soo wareegatay weeraradii 7-dii October

Xigashada Sawirka, Getty Images

Colaadda aya u muuqata mid sii fideysa islamarkana ay waxyeelo geysanayso.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Nolosha dadka reer Qaza , ka hor iyo ka dib Oktoobar 7, ayaa ku dhawaad ​​la ilaaway iyada oo warbaahintu si aan kala joogsi lahayn ay u saadaalisay "dagaal buuxa" oo Bariga Dhexe ka qarxa.

Qaar ka mid ah Israa'iiliyinta oo noloshoodii la rogay maalintaas foosha xun ayaa dareemaya in la dayacay.

"Waxaa nala tuuray dhinac," Yehuda Cohen, oo ah aabaha Nimrod Cohen oo ka mid ah lahaaystayaasha, ayaa u sheegay Israa'iil Kan news toddobaadkii hore. Mr Cohen waxa uu sheegay in uu mas’uul ka yahay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu “dagaal macno darro ah oo naga soo horjeediyay dhammaan cadawga suurtagalka ah”.

"Wuxuu sameynayaa wax walba, isagoo ku guuleystey guul weyn, si uu dhacdadaii 7-da Oktoobar ugu beddelo dhacdo yar," ayuu yiri.

Dhammaan Israa'iiliyinta lama qabaan aragtida gaarka ah ee Mr Cohen. Dad badan ayaa hadda u arka weerarrada Xamaas ee sannad ka hor in ay tahay furitaanka ololaha ballaaran ee cadawga Israa’iil ay ku burburinayaan dawladda Yahuudda.

Xaqiiqda ah in Israa’iil ay dib uga laabatay – iyada oo adeegsanaysa boggaga qaraxyada, dilalka qorsheysan, duqeymaha meelaha fog fog laga fuliyo iyo nooca howlgallada sirta ah ee uu waddanku ku faani jiray – ayaa soo celisay qaar ka mid ah kalsoonida uu waddanku lumay sannad ka hor.

"Ma jirto meel Bariga Dhexe ka tirsan oo Israa'iil aysan gaari karin," ayuu Mr Netanyahu si kalsooni leh ugu dhawaaqay todobaadkii hore.

Qiimaynta ra'yi uruurinta taageerada ra'iisul wasaaraha ayaa hoos u dhacday bilo ka dib Oktoobar 7. Hadda-se mar kale ayay sare u soo kacday taageeradiisa.

Laba milyan oo reer Qaza ah ayaa ku barakacay jawaabta Israel ee weerarkii 7-dii October

Xigashada Sawirka, Getty Images

Laakiin halkee ayay wax u socdaan?

"Mid naga mid ah ma garan karo goorta uu muusikada joogsan doonto iyo meesha uu qof walba joogi doono," Simon Gass, safiirkii hore ee Britain ee Iran, ayaa sidaasi u sheegay BBC's Today Podcast Khamiistii.

Maraykanku weli wuu ku lug leeyahay, xitaa haddii booqashada Israa'iil ee Taliska Dhexe ee Maraykanka (Centcom) Gen. Michael Kurilla uu dareemayo sida maaraynta xasaradaha marka loo eego sahaminta dibloomaasiyadeed.

Xiisadda bariga dhexe ayaa sidoo akle ku soo beegmaysa xilli doorashada madaxtinimo Mareykanka ay hadda ka harsan tahay afar toddobaad oo keliya ah.

Hadda, caqabadda degdegga ah ayaa ah in si fudud looga hortago colaad ballaaran oo gobolka ka qaraxda.

Waxaa jira fikir guud, oo ka dhex jira xulafada ee ah , in Israa'iil ay xaq u leedahay inay ka jawaabto weerarkii gantaallada ballistic-ga ee Iran usbuucii hore.

Ma jirto cid Israa'iili ah oo lagu dilay weerarka, Iran ayaana u muuqatay inay beegsanaysay bartilmaameedyo milateri iyo kuwo sirdoon, balse Mr Netanyahu ayaa si kastaba ha ahaatee ballanqaaday inuu jawaab adag ka bixin doono.

Kadib toddobaadyo guulo xeeladaysan oo cajiib ah, ra'iisul wasaaraha Israa'iil wuxuu u muuqdaa inuu hayo hammi waaweyn.

Isaga oo si toos ah ula hadlaya dadka reer Iran, waxa uu ka dhawaajiyay in isbedel maamul uu ku imanayo Tehran. "Marka Iran ay ugu dambeyntii xor noqoto, taasi oo iman doonto si ka dhaqsiya badan inta ay dadka filayaan, wax walba way ka duwanaan doonaan," ayuu yiri.

Dadka wax indha-indheeya qaarkood, hadalladiisu waxay xambaarsanaayeen dhawaaqyo aan raaxo lahayn oo ku saabsan kiiskii neoconservative-ka Maraykanku sameeyeen intii lagu jiray duullaankii Maraykanku hoggaaminayey ee Ciraaq 2003dii.

Laakin dhammaan khataraha hadda jira, waxaa jira waxyaabo aan la isku haleyn karin oo aan cago adag ku taagneyn.

Maamulka Iran ayaa laga yaabaa inay riyadiisu tahay adduun ay ka maqan tahay Israa’iil, laakiin waxay Tehran og tahay inay aad u tabar daran tahay oo aysan la wareegi karin awoodda gobolka, gaar ahaan waqtiga ay Xisbullah iyo Xamaas – xulafadeeda iyo kuwa raacsan ay ku jiraan waxa loogu yeero “ dhidibka iska caabinta ” - oo waa la burburiyay.

Israa'iil, oo aad u jeclaan lahayd in ay ka takhalusto khatarta Iran, waxay sidoo kale ogtahay in aysan taasi kaligeed samayn karin, inkastoo ay dhowaan ay guulo gaartay.

Isbeddel dhanka nidaamka kuma jiro ajandaha Joe Biden, mana aha kan madaxweyne ku xigeenkiisa, Kamala Harris.

Dhanka Donald Trump, hal mar oo uu u muuqday inuu diyaar u yahay inuu weeraro Iran - ka dib markii Tehran ay soo ridday diyaarad aan duuliye lahayn oo Mareykan ah bishii Juun 2019 - Madaxweynihii hore ayaa ka noqday waqtigii ugu dambeeyay (in kasta oo uu amray dilka Jeneraal sare oo Iran ah, Qaasem Soleimani, todoba bilood ka dib.

In yar ayaa qiyaasi lahayd, sanad ka hor, in Bariga Dhexe uu ku sii socdo waqtigeedii ugu halista badnaa muddo tobanaan sano ah.

Laakin , 12-kii bilood ee la soo dhaafay waxay u muuqdaan in fikir qaldan ay qaateen.

Iyada oo burbur aad u badan uu hadda daadsan yahay dhammaan dariiqyada, iyo dhacdooyinka wali ku socda xawli naxdin leh, siyaasad dejiyayaasha - iyo inteena kale - ayaa la halgamaya sidii ay u sii wadi lahaayeen.

Iyada oo dagaalkii ka qarxay Gaza wuxuu sii socdaa sanadkii labaad, waxaa joogsaday dhammaan hadalladii "maalinlaha ahaa" ee ahaa - sida Gaza loo dayactiri doono oo loo maamuli doono marka dagaalku dhammaado -, waxaana badalay sidii looga hortagai lahaa dagaal ballaaran oo qarxa.

Waqti xaadirkan iyada oo ay Israa'iil dareemeyso inay dhaawac ku filan u geysatay Xamaas iyo Xisbullah, Israa'iil iyo Iran labaduba waxay lahaayeen aragtidooda ah- in tani aysan gobolka gelinayn dhibaato intaas ka sii qoto dheer - oo doorashadii madaxtinimo ee Mareykanka ay dhammaatay, diblumaasiyadda ayaa laga yaabaa inay fursad kale hesho.