Diimada looga soo horjeedo dagaalka bariga dhexe maxay u dhimi kartaa Starbucks?

Qaxwa

Xigashada Sawirka, getty

Andrew Buckley, oo ka mid ahaa macaamiisha qaxwada iyo cabitaanada kale ee Starbucks, ayaa dhawaan joojiyay sida joogtada uu u aadi jiray kaddib markii uu dareemay in ay qiimahu kordhay.

50 jirkan ka shaqeeya tiknolojyada waxa uu ahaa macaamiil daacad u ah shirkadda muddo tobanaan sano. Joogta ayuu uga cabi jiray cabitaanka shukulaatada laga sameeyo ee mocha.

Markii shirkadda ay kordhisay qiimaha, waxa uu ku qasbanaaday cabitaankii uu daalka shaqada kaga nasan jiray in uu joojiyo.

“Qiimaha kordhay iyo sicir bararka jira waxay iga dhigeen in aan dhaho waa iga intaas, ma sii wado karo” ayuu yiri Mr Buckley ka hor inta uusan u caban shirkadda kaddibna waxa uu tagay baraha bulshada. Wuxuu yiri, “ Ma doonayo in aan dib ugu laabto”

Shirkadda waxaa haysta caqabado badan oo ay ku jiraan macaamiisha oo aan ku qanacsaneyn qiimaha la kordhiyay, dagaal gudaha oo ku saabsan ururka shaqaalaha iyo dibadbaxyo siyaasadeed oo dibadda ah. Dhammaantood waxay keeneen baaqyo ah in la qaadaco shirkadda iyo in la dhaawaco sumcadeeda.

Andrew Buckley

Xigashada Sawirka, Andrew Buckley

Qoraalka sawirka, Andrew Buckley

Iibka shirkadda ayaa hoos u dhacay 1.8% adduunka oo dhan bilowgii sanadkan 2024ka.

Mareykanka oo ah suqa ugu weyn ee shirkadda ayaa hoos u dhacay sanadkii la soo dhaafay 3%. Waa hoos u dhicii ugu weynaa dhawaan marka laga soo tago aafadii Corona.

Hoos u dhaca ugu weyn waxa uu ka yimid macaamiisha xubnaha joogtada ka ahaa shirkadda. Waxay hoos u dhaceen 4%.

David White oo ka mid ahaa macaamiishaa ayaa joojiyay wixii uu ka iibsan jiray bilihii dhawaa.

Wuxuu sheegay in qiima kordhay ay ugu darsoontay sida shirkadda ula dhaqantay shaqaalaha doonayay in ay ururada shaqaalaha galaan.

“Qab iyo kalsooni ayaa gashay”, ayuu yiri 65 jir ka soo jeeda Wisconsin dalka Mareykanka, wuxuuna intaas ku daray “Dhiigga shaqaalaha iyo macaamiisha ayey faa’ido ka sameynayaan”. Waa dukaan qaxwada iibiya , “Ma doonayo in aan warkooda ku arko idaacadaha”.

Dibadbax

Xigashada Sawirka, getty

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Madaxa Starbucks, Laxman Narasimhan, waxa uu sheegay in iibka ahaa niyad jab isagoo u sababeeyay taas macaamiil aad u taxadareysa iyo saameyn ka timid xog khaldan oo shirkadda laga faafiyay gaar ahaan bariga dhexe.

Wuxuu difaacay sumcadda shirkadda isagoo sheegay in ay dib u soo celinayaan. Wuxuu sheegay in ay soo kordhiyeen caabitaano kale, cuntooyin, adeeg degdeg ah iyo tartan xooggan.

Rachel Ruggeri oo ah madaxa dhaqaalaha, waxay sheegtay in ay muuqato in shirkadda ay dib u soo kabaneyso. Waxay u sheegtay maalgashatada in caqabada aysan degdeg meesha uga baxeyn.

Dhibaatada Starbucks waxay noqon kartaa digniin goor hore ah oo la xiriirta sida weyn ay macaamiisha wax u iibsanayeen in degdeg hoos ugu dhaceyso.

Sida Starbucks shirkadaha kale ee cuntooyinka fudud McDonald's, Wendy's iyo Burger King waxaa hoos u dhacay iibka, waxayna sameeyeen qiimo dhimis si ay u soo jiitaan macaamiisha.

Dad badan oo dhaqaalaha ka faalooda ayaa aaminsan in hoos u dhaca iibka uusan la xiriirin dhaqaalaha guud ee adduunka balse uu yahay mid ka tarjumaya shirkadda

Shirkadda waxaa hore u haystay caqabado la xirira shaqaalaha oo doonayay in ay ku biiraan ururada shaqaalaha, waxayna keentay walaac ku saabsan mushaaraadka iyo xaaladaha shaqada taaas oo dhaawacday sumcadda shirkadda.

Dhammaadkii bishii Oktoobar shirkadda waxay dacweysay Ururka shaqaalaha oo baraha bulshada soo dhigay qoraal lagu taageerayay Falastin. Dood ayaa ka dhalatay taas. Ugu dambeyn waxaa bilowday baaqyo lagu qaadacayo shirkadda.

Starbucks oo kaliya ma ahan shirkadaha la kulmay qaadacadda, waxaa jira kuwa kale.

Starbucks waxa uu ka mid yahay meel ay in badan doortaan. Waxaa jira caqabado waaweyn iyo ra’yiga macaamiisha oo wareegay. Sidoo kale waxaa jira qiima kororka iyo dhaqankii macaamiisha oo isbeddelay ilaa aafadii Karoonaha kaddib.

Waxaan oo dhan waxay muujinayaan in Starbucks looga baahan yahay in ay wax ka qabtaan arrimahan si ay u ilaaliyaan ganacsigooda ku tiirsan macaamiisha iyo sumcadooda.