Maxay Itoobiya ka tiri sababta aysan arday badan ugu baasin imtixaanka dugsiyada sare, kaalinteese ardayda DDS kaga jiraan

Wasiirka waxbarashada Itoobiya

Xigashada Sawirka, EBC

Natiijada imtixaanada dugsiyada sare ee Itoobiya oo soo baxday ayaa la sheegayaa in tirada baastay sanadkan ay tahay 8.4 boqolkiiba, sidaasina waxaa sheegay wasaarada waxbarashada Itoobiya.

Natiijada imtixaanka fasalka 12-aad oo ah kan ugu dambeeyay dugsiga sare ayaa soo baxday maalintii Sabtiga.

Wasiirka waxbarashada ee Itoobiya, Prof. Birhanu Nagga ayaa u sheegay wariyayaasha sabtigii gelinka dambe in 8.4 boqolkiiba ardayda ay keeneen 50 boqolkiiba ama wax ka badan.

Natiijadan ayaa aheyd tii ugu wanaagsaneyd ee la diwaangeliyay sanadihii la soo dhaafay sida uu sheegay Prof. Birhanu. Ardayda ayaa bilaabay in ay hubiyaan natiijada ay heleen laga bilaabo lixdii aroornimo ee Axada.

Tirada guud ee sanadkan ku baastay imtixaanka dalka oo dhan ayuu sheegay wasiirka in ay gaareyso 48,920 oo arday. BBC ayaa ogaatay in tiro ka badan 500,000 oo arday imtixaanka u fariisteen.

5.2 boqolkiiba ardayda barata cilmiga bulshada iyo 11.4 boqolkiiba ardyada barata seyniska dabiiciga ayaa helay 50 boqolkiiba ama wax ka badan. Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in tani ay tahay natiijada ugu sarreysay ee la diwaangeliyo.

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyey ayaa tirada ardayda ka gudubta imtixaanka kama dambaysta ah ay aad u yarayd, ayadoo qiyaast ahaan lagu sheegay in muddo afar sano ah aysan baasin wax ka yar 90%.

Marka la fiiriyo ardayda inta wiilal ah iyo tirada gabdhaha ee ku baasay imtixaanka, waxaa wiilal ah 30,451 halka gabdhahana ay gaarayaan 18,478. Tirada guud oo korortay waxay muujineysaa in horumar laga sameeyay sida ardayda wax loo baro iyo sida imtixaanada loogu diyaar garoobo dalka oo dhan.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Tirada guud ee internet-ka imtixaanka ku gashay waxay gaareysaa 134,609 sida ay sheegtay wasaarada waxbarashada. 29,233 oo ka mid ah ardaydaas ayaa imtixaanka ku baastay. Wasiirka waxa uu sheegay in tiradan ay ka wanaagsan tahay kuwa ku galay waraaqaha. 2,384 oo arday ayaa helay buundooyin ka badan 500.

Magaalooyinka Addis Ababa, Harar iyo kuwa gobolka Axmaarada ayaa celcelis ahaan helay natiijada ugu badan. Iskuulo tiradoodu ay tahay 1,249 ayeysan ardayda gudbin.

Sida uu sheegay wasiirka waxbarashada, 120 arday ayaa lagu qabtay iyagoo qashaya imtixaanka, waxaana la joojiyay oo eber laga soo qaaday natiijooyinkooda.

Wasiirka wuxuu kaloo sheegay in farqi aad u weyn uu u dhexeeyay heerka waxbarasho ee iskuulada. 1,249 oo iskuul hal arday kama baasin imtixaanka halka 50 iskuul uu heerka baasida ay gaartay boqolkiiba boqol.

114 iskuul ayaa muujiyay in sanadba sanadka ka dambeeya ay sare u sii kacayeen. Farqiga u dhexeeya dugsiyada heerka sare jooga iyo kuwa halka hoose jooga ayaa muujineysaa in ay tahay sinnaan la'aan dhinaca heerka waxbarida, kaabayaasha iyo qoondada la siiyay.

Tacliinta Itoobiya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Imtixaannada DDS iyo heerka baasitaanka

Ardayda gobolka DDS ee Itoobiya ee gashay itmtixaanka ayaa la sheegay in ay gaarayaan 22 kun waxaana baasay wax ka yar shan boqol.

Shukri Cabdi Muxumad waxa uu ka mid yahay ardayda sanadkan imtixaan galay ee ka gudbay. Waxa uu BBC-da la wadaagay dareenkiisa.

"Sanadihii u dambeeyay ardayda deegaanka aad ayey u dhacayeen aniga iyo qoyskeyga aad ayaan u faraxsanahay".

Shukri wuxuu noo sheegay in la doonayay 600 natiijo ah balse isaga uu keenay 395 oo ah wax ka badan 50 boqolkiiba.

Shukri wuxuu kaloo sheegay in uu qabay qabay dareen isku dhaf ah oo isugu jiray welwel iyo rajo balse uu qabay rajo fiican.

Mar uu ka hadlayay sida uu ugu diyaar garoobay imtixaankan oo ka koobnaa fasalka 9 ilaa iyo 11, waxa uu sheegay in waqti badan uu geliyay.

"Waxaan sameyay in aan afarta fasal xifdino oo habeen iyo maalin wax aqrino" ayuu yiri Shukri oo sheegay in waqti dheeri ah ay wax baranayeen oo labada gelin ay casharo qaadanayeen.

Waxyaabaha kale oo BBC-d uu la wadaagay Shurki waxaa ka mid ah in ay sii dhigteen casharada ka hor waqtigooda.

Ugu dambeyn, shukri wuxuu kula taliyay ardayda in ay dadaalaan oo waqti badan ay geliyaan tacliinta.

"Waxaan talo ku siinayaa in ay aad ugu dadaalaan aqrinta casharada walow ay naga nasiib badan yihiin oo manhajka cusub ay wax ku dhigteen badankood".

Waxaa la sheegay in waxbarashada dalka ay gashay waa cusub oo la abaalmarinayo kuwa guuleysta balse waxay u baahan tahay diyaargarow xooggan iyo tayo si loo xaqiijiyo in dhammaan ardayda ay helaan fursado cadaalad ah oo ay ku guuleystaan.