Waayihii Saxaafadda ee wariye Cabdullaahi Xaaji

Wariye Cabdulaahi Xaaji

Buug ka hadlaya waayihii saxaafada ee wariye Cabdullaahi Xaaji ayaa magaalada London lagu soo bandhigay. Buugga ayaa si faahfaahsan uga hadlay muddadii uu saxaafada ku jiray rug-caddaagan sida weyn looga dhageysan jiray BBC-da.

Cabdulaahi Xaaji Cabdi waxa uu ku dhashay magaalada Wardheer sanadkii 1939-kii. Walaashiis Aamina Xaaji Cabdi ayaa isagoo lix jir ah ka codsatay aabihiis in ay geyso magaalada Dhagaxbuur si halkaasi uu iskuul uga dhigto. Walaashii waxay ka geysay dugsiga Qur'aanka ee Sheekh Suufi.

Toddobo bilood kadib walaashiis waxay u kaxeysay magaalda Harar, waxayna u geysay adeerkiis Xaaji Faarax Xayd. Adeerkii waxa uu ahaa ganacsade maalqabeen ahaa.

Sida uu buuga ku qoray Cabdullaahi Xaaji, afka Axmaariga ayuu bartay intii uu la joogay adeerkiis.

Waxyaabaha soo maray ka hor inta uusan saxaafadda soo gelin waxaa ka mid ahaa sida uu buugga lagu qoray in Cabdullaahi uu ku biiray in loo tababaro duuliyenimo.

"Dhowr sano kaddib, koox ka tirsaneyd ciidmada cirka ayaa booqan jirtay iskuulka si ay halkaas arday uga xushaan. Waxay ka yimaadeen saldhigga militeriga ee Bishoftu. Waxaan codsaday in aan ku biiro tababarka duuliyenimada".

Cabdulaahi Xaaji uma suuragalin in uu sii wato duuliyenimada. Waxa uu ku biiray kulliyada beeraha Ambo oo ku taalay waqooyiga Addis Ababa. Labo sano ayuu halkaas dhiganayay.

Adeerkiis ayaa mar dambe geeyay wasaarada warfaafinta Itoobiya halkaas ayuuna ka bilaabay shaqada saxaafada. Wuxuu ka shaqeeyay Radio Addis Ababa.

Bishii Nofembar sanadkii 1969-kii ayuu ku soo biiray laanta Afka-Soomaaliaga BBC ka dib markii uu soo dhameystay tababar ay dowladda Itoobiya ugu dirtay Jarmalka.

Sanadkii 1972-dii ayey BBC-da u dirtay Cabdulaahi Xaaji magaaladaMuqdisho si halkaas uu uga soo sameeyo barnaamijyo. Xiligaas waxaa wadanka ka talinayay militeriga oo xukunka hayay muddo 2 sano ah. Cabdulaahi waxa uu Muqdisho wareysi kula yeeshay madaxweyne Maxamed Siyaad Bare.

"Markii aan BBC-da ku soo biirayay waxay hawada ku jiri jirtay sodon daqiiqo oo kaliya, sideetamaadkii iyo sagaashamaadkii BBC-du waxay gaartay halka ugu sareysay oo aysan idaacad Soomaali ah gaarin".

Cabdullaahi Xaaji
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Maxamed Cabdullaahi oo ahaa tafaftirihii hore ee laanta Soomaaliga BBC ayaa sheegay in dadka dhaliili jiray Cabdulaahi Xaaji ay jeclaayeen in uu isaga wareysiga ka qaado marka ay idaacada doonayaan in ay ka hadlaan.

"Toddobaadka kasta wuxuu ii diri jiray in aan warbixino u sameeyo laanta BBC Somali, isaga ayaa dusha igala socon jiray arrimaha tifaftirka" ayuu yiri madaxii hore laanta afka-Soomaaliga BBC Maxamed Cabdullaahi.

Cabdulaahi Xaaji oo ka mid ahaa wariyayaasha soo maray BBC-da kuwooda loogu jeclaa ayaa hadal uu ka jeediyay xafladii lagu soo bandhigay buugiisa waxa uu sheegay in uu dalkan UK uu joogay markii ugu horeysay uu hawada soo galay talefishinka midabka leh ee BBC-da.

"BBC-da telefishinka kalarka waxaa la bilaabay 1976-dii, anigoo hakan jooga ayaa la bilaabay" ayuu yiri.

Cabdulaahi wuxuu ahaa nin jecel in uusan culeys saarin dadka ku hareereysan. Wuxuu ahaa qof doonaya in la sahlo nolosha.

"Waxaan ahaa madaxii laanta Soomaaliga maalintii u danbeysay uu shaqada, si tartiib ah ayuu kaga tagay 30-kii sano ee uu shaqeynayay iyadoon wax xaflad ah loo qaban, wuxuu hore u sii qaatay warqado, cajalado iyo wargeyso ka yaalay xafiiska" ayuu yiri Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo isna laanta muddo dheer madax ka ahaa markii dambena siyaasada galay oo Soomaaliya ka qabtay xilal kala duwan sida wasiirka arrimaha dibadda.

Dadkii la soo shaqeeyay iyo intii taqaanay Cabdullaahi Xaaji waxay isku raaceen in uu ahaa qof howlkar ah oo deeqsi ah sida ay lagu qoray buugga. Muddadii uu BBC-da ka shaqeyanay afar maalmood oo kaliya ayuu fasax caafimaad uga maqnaa.

"Waxaan ka hadli jirnay arrimaha dhaqaalaha, arrimaha bulshada, arrimaha cilmi seyniska, marka meelo uu ku faahfaahsan yahay af-Soomaaliga waa jiraan, meelo uu ku gaaban yahayna waa jiraan oo aadan erayada aad dooneyso u heleynin, waxaa qasab nagu noqotay in aan dhinaceena ku dadaalno in aan erayo Soomaali ah soo saarno oo aan idaacada kaga hadalno" ayuu yiri Cabdulaahi Xaaji oo sheegay in erayga Barwaaqo sooran uu isagu sameeyay, halka saaxiibadii BBC-da kala shaqeyneysay ay erayo ku soo kordhiyeen af-Soomaaliga sida erayga Gacan-ka-hadal oo ah eray uu sameeyay Maxamuud sh. Axmed Dalmar iyo eragay Xagjir oo uu sameeyay wariye Siciid Faarax Maxamuud.