Qaar ka mid ah sheekooyinka argagaxa leh ee Qaza "Lafaha gabadhayda waxay ku kala firirsan yihiin dhulka"

Lina Daba ayaa tusaysa sawirka gabadheeda Aya

Wax walba way isku qasan yihiin. Shandad caruur midab leh, Kabo, Dheri bir ah oo jeexjeexan alaab badan ayaa dhulka daadsan. Qaybaha sariir, kursi, shoolad, muraayadaha daaqada, iyo Dhar jeexjeexan ayaa dhulka wada daadsan.

Walxahaan jajaban ee boorka leh waxaa loo isticmaali karaa calaamado wax lagu aqoonsan karo. Waxay qeyb ka yihiin meydadka weli ku hoos aasan burburka.

Haitham al-Hummus, oo ah agaasimaha gurmadka degdega ah iyo ambalaasta ee Ururka Difaaca Madaniga ah ee Rafah, oo ku taal barta koonfureed ee marinka Qaza, ayaa yiri: "Tan iyo markii ciidamada Israa'iil ay ka baxeen Rafax, waxaan helnay ilaa 150 wicitaan oo muwaadiniin ah oo ku saabsan meydadka eheladooda oo laga helay burburka guryahooda."

Saraakiisha caafimaadka Falastiin waxay qiyaaseen in ilaa 10,000 oo qof la la' yahay.Waxaa jira xaalado ay calaamado muuqdaan, sida dharka, oo la arki karo burburka dushiisa, kooxaha baarayaashu waxay ku tiirsan yihiin macluumaadka qaraabada iyo deriska ama waxay raacaan ur ka soo baxaya burburka hoostiisa.

Dowladda Israa'iil ayaa ka mamnuucday BBC-da iyo xarumaha kale ee wararka caalamiga ah inay galaan Gaza oo ay si madax bannaan wax uga soo tabiyaan. Waxaan ku tiirsannahay saxafiyiinta maxalliga ah ee lagu kalsoon yahay si ay u soo tebiyaan sheekooyinka kuwa raadinaya dadka maqan.

Dhamaadka maalin kasta, Mr. Homs wuxuu dib u cusbooneysiiyaa liiska dadka la helay. Xubnaha kooxdiisu waxay si taxadar leh u shaandheeyaan burburka, iyagoo og inay raadinayaan haraaga bani'aadam jirkiisu dhulka ku baa'ba'ay.

Haitham Homs, Agaasimaha Adeegyada Degdegga ah iyo Ambalaaska ee Rafah

Badanaa waxa la helo waa wax yar oo aan ka badanayn tiro lafo ah. Bambooyinka Israa'iil oo aad u xooggan ayaa burburiyay oo jarjaray meydad badan. Lafaha iyo qaybo ka mid ah dharka ayaa lagu dhejiyaa bacaha cad cad, Mr. Homs wuxuu ku qoray ereyga Carabiga "majhool" oo macnaheedu yahay "aan la garanayn".

Cusama Saleh, oo degan Rafah, ayaa ku laabtay gurigiisa kadib xabad joojinta, waxaana uu halkaasi ka helay qalfoof bini'aadan. lafuhu way burbureen. Sida laga soo xigtay Mr. Saalax, maydku waxa ay u badan tahay in uu yaalay afar ilaa shan bilood. "Waxaan nahay bini'aadam dareemayaal leh ... Kuguma sheegi karo si qoto dheer masiibadan xanuunka badan," ayuu yiri.

In maalin walba ay kugu hareereysan yihiin urta meydka qurmay waa waayo-aragnimo aad u xun, waxaana inta badan marag madoonta ah kuwa goob joogga u ahaa dhibaatada ka dhalatay dhimashada tirada badan.

"Meydku waa argagax. Waxaan aragnaa argagaxa. Waxaan ku dhaaranayaa inay tahay dareen xanuun badan; marar badan ayaan ooyay," Osama Saleh ayaa sidaas yiri.

Qoysasku sidoo kale waxay aadayaan isbitaallada si ay u raadiyaan haraaga. Barxadda isbitaalka Yurub ee koonfurta Qaza, ayaa lafo iyo dhar ku jira baco lagu fidiyay.

Hadhaaga lafaha ayaa ku jira burburka Rafah
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Abdul Salam Al-Mugheer, oo 19 jir ah, kana yimid Rafah, ayaa lagu waayay deegaanka Shaboura. Sida laga soo xigtay adeerkiis, Zaki, Shaboura waxay ahayd aag haddii aad halkaas tagto inta lagu jiro dagaalka, aadan soo laaban lahayn. "Taasi waa sababta aan halkaas u tegin si aan u baaro. Waxaa laga yaabaa inaanan soo laaban lahayn. "

Zaki waxa uu aaminsan yahay ururinta lafaha iyo dharka hortiisa yaala in uu leeyahay abtigiis maqan, Abdul Salam. Wuxuu ag taagan yahay Jihad Abu Khreis, oo ah xubin ka tirsan shaqaalaha isbitaalka, isagoo sugaya walaalkii Cabdul Salaam inuu yimaado.

"Waxaa jirta boqolkiiba 99 fursad ah in jirkan uu isagu yahay, laakiin waxaan uga baahanahay xaqiijinta ugu dambeysa ee walaalkiis si aan u hubinno in surwaalka iyo kabaha uu isagu leeyahay," ayuu yiri Mr. Abu Khreis.

Wax yar ka dib, Abdeslam walaalkiis wuxuu ka yimid xerada qaxootiga ee Mawaasi ee koonfurta Gaza. Waxa uu haystay sawirka Abdeslam taleefankiisa gacanta. Waxa kale oo uu lahaa sawirka kabahii uu sitay.

Bacdii uu meydka ku jiray ayuu hor jilba jabsaday oo dahaadhkii dib u soo celiyay. wuxuu taabtay lafihii iyo dharkii. Wuxuu arkay kabaha. Ilin ayaa indhihiisa ka soo qubanaysay. Meydka ayaa lagu magacaabi jiray Abdeslam.

Usama Saleh ayaa helay qalfoof bini'aadmi markii uu ku laabtay guriga.

Qoys kale ayaa ka gudbay safkii bacaha meydadka. Waxaa ka mid ahaa ayeeyo, wiilkeeda, , iyo cunug yar, Cunuga waxa lagu hayay dhabarka , islaantii da'da ah iyo wiilkeedana waxa ay indhaha ku hayaan bacaha meydka ku jiro. Dhawr ilbiriqsi ayay ku dheygageen, ka dibna way isku duubteen murugo darteed.

Aqoonsiga ka dib, qoyska, oo kaashanaya shaqaalaha isbitaalka, ayaa qaaday haraagii meyka, Wayna ooyeen.

Ayya ​​Daba waxay jirtay 13 sano waxayna la noolayd qoyskeeda iyo boqolaal kale oo barakacayaal ah iskuul ku yaal Tel al-Hawa, waqooyiga magaalada Gaza. Waxay ka mid ahayd sagaal carruur ah.

Bilowgii dagaalka, Ayah waxa ay aaday musqusha sare ee dugsiga maalin maalmaha ka mid ah, waxaana xabadka kaga dhuftay xabad nin Israa'iili ah oo toogtey, qoyskeeda ayaa sidaas sheegay. Milateriga Israa'iil ayaa sheegay in aysan bartilmaameedsanin dadka rayidka ah, waxaana ay Xamaas ku haystaan ​​mas'uuliyadda weerarada lala beegsado dadka rayidka.

Intii uu dagaalku socday, Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu sheegay in "duqeymo culus oo ay ciidamada Israa'iil ka geysteen goobaha dadku ku badan yahiin ay sababtay dilal muuqda oo sharci darro ah, oo ay ku jiraan dad rayid ah oo aan waxba galabsan."

Qoyska Aye waxay ku aaseen dugsiga agtiisa, hooyadeed, Lina Daba, oo 43 jir ah, waxay ku duuduubtay buste si meydka Aye "uu uga ilaaliyo roobka iyo qorraxda" haddii qabriga ay waxyeello soo gaarto.

Cabdus Salaam oo da'yar ah oo maqan walaalkii ayaa baaray dharka iyo lafaha

Markii ciidamada Israa'iil ay la wareegeen dugsiga, Lina waxay u carartay koonfurta. Waxay raacday afar carruur ah oo kale - laba gabdhood iyo laba wiil - si ay ugu biiraan ninkeeda, oo hore uga soo tagay carruurtoodii kale. Lina ma haysan wax kale oo aan ka ahayn inay ka tagto meydka gabadheeda halka lagu aasay, iyadoo rajeynaysa inay soo noqoto ka dib markii uu dagaalku dhammaaday oo ay soo qaadato haraageeda si loogu aaso.

"Ayeh waxay ahayd gabadh naxariis badan, qof walbana wuu jeclaa iyada," ayay tiri Lina. "Waxay jeclayd qof kasta, waxay jeclayd macalimiinteeda iyo casharadeeda, aad ayayna ugu guulaysatay dugsiga. Waxay u rajaysay dadka oo dhan wanaag." Xabad joojinta ka dib, Lina waxay ka codsatay qaraabada weli ku nool waqooyiga inay eegaan qabriga Ayeh. Warku wuxuu ahaa mid naxdin leh.

"Waxaa naloo sheegay in madaxiisu meel yaal, lugihiisuna meel kale ay yaaleen, feerihiisuna meel kale uu yaallay ," ayuu yiri. "Qofkii u tagay inuu soo kormeero ayaa argagaxay, wuxuuna noo soo diray sawirada."

Xubnaha qoyska ee badbaaday waxay eegaan sawirada Ayyah

"Markii aan arkay sawirada, ma fahmi karin sida inanteyda laga soo saaray qabrigeeda iyo sida ay eeyadu u cuneen, ma qaadan karo mar dambe".

Ehelladoodu waxay soo ururiyeen lafihii, dhawaana Lina iyo qoyskeedu waxay u safri doonaan woqooyi si ay u aasaan haraagii Ayeh oo qabri sax ah loogu duugo. Lina, waxaa jirta murugo aan dhammaanayn iyo su'aal aan laga jawaabin - isla su'aasha ay wajahayaan waalidiin badan oo carruur ku waayay Gaza. Marka la eego duruufaha dagaalka, maxaa kale oo ay sameyn kareen?

"Meel kale ugama qaadi karo meeshii lagu aasay," Lina ayaa tiri. Dabadeed waxay u weyddiisa si aan cidi waxba u tarayn, "Xaggee kale oo u qaadi karaa ?"