Farqi intee le'eg ayaa u dhexeeya ciidanka cirka ee Soomaaliya, Itoobiya iyo dalalka deriska la ah?

Todobaadkaan Itoobiya waxa ay u dabaal degtay xuska sanad guuradii 90aad ee kasoo wareegtay xuska ciidamada cirka dalkaas.

Khudbaddii uu ka jeediyay Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed xafladda ayuu ku sheegay inuu qorsheynayo in awoodda Ciidanka Cirka ee Itoobiya la dhigo jiilka shanaad marka la gaaro sanadka 2030, si la mid ah Midowga Yurub.

Jiilka shanaad waa nidaam casri ah oo leh hub casri ah iyo awoodo dagaal oo horumarsan.

Khudbaddiisa, Ra'iisul Wasaaruhu wuxuu diray farriin digniin ah oo ku socotay xoogagga caqabadda ku ah dalka Itoobiya, isaga oo sharxaya awoodaha casriga ah ee Ciidanka Cirka ee Itoobiya, waxa uuna muujinayay in Itoobiya ay leedahay ciidan cir oo xooggan, una diyaarsan difaaca, madaxbannaanideeda iyo danahaheeda.

Geeska Afrika waxa uu daala dhacayaa colaado ragaadiyey, sida; Suudaan waxaa ka socda dagaal gudahooda ah, koofurta Suudaan dagaallo jabhadeed ayaa ka dhex socda sanadihii u dambeeyey.

Dhanka xiriirka Itoobiya ay la leedahay Eritriya waxa uu ahaa mid sii xumaanaya, waxaana laga baqayaa halista dagaal.

Warbixintan waxay eegaysaa sida ay kala yihiin awoodda ciidanka cirka ee Itoobiya iyo dalalka deriska la ah xilligan, iyadoo lagu saleynayo xog rasmi ah oo caalami ah.

Global Firepower oo isbarbardhig ku sameysa awoodaha militariga dalalka adduunka ayaa qiimeysay ciidammada cirka ee dalalka Geeska Afrika iyadoo ku saleysan qalabka ay haystaan waddamadaas iyo heerka diyaargarowga ay u diyaarsan yihiin difaacooda.

Waxay dalalka siisay dhibco loo yaqaan PowerIndex, kuwaas oo ku saleysan ku dhowaad 60 shuruudood oo loo adeegsado isbarbardhigga awoodda guud ee milatariga dalalka.

Shuruudaha ugu muhiimsan ee la eegayey waxaa ka mid aha heerka ciidan, awoodda dhaqaale ee dalka, saadka iyo qalabka ciidanka

Xogtaan ayaa dib u eegis lagu sameeyey 2026, waxaana waddan kasta laga qiyaas qaadanayey awoodda guud uu haytso oo ay ku jiraan milatariga, ciidanka badda, iyo ciidanka cirka oo ay iskugu jira diyaaraha duuliyaha leh iyo kuwa aan lahayn.

145 dal oo qiimeynta lagu sameeyey, Maraykanka, Ruushka, Shiinaha, Hindiya, iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa kala galay kaalmaha koowaad ilaa shanaad marka la eego awoodda milatari ee caalamka.

Laaybeeriya, Suriname, Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, Belize, iyo Bhutan ayaa galay shanta dal ee ugu hooseeya liiska.

Marka laga hadlayo Geeska Afrika, waxaa liiska kala sarreynta ka soo muuqday Soomaaliya, Itoobiya, Eritrea, Suudaan, Kenya, iyo Koonfurta Suudaan.

Xogta ay ururisay Hay'adda Global Firepower waxa ay ku saleesan tahay xogta la heli karo kuma jiraan xogaha la qariyey iyo waddamada ay qarsoontahay xogtooda ciidan.

Soomaaliya

Soomaaliya oo kor uga soo kacday kaalintii ay hore ugu jiri jirtay, sanadkaan waxa soo gashay kaalinta 137-aad dhanka awoodda milatari, 45 dal ee qiimeynta lagu sameeyey, dhibco ahaan waxa ay heshay dhico gaaraya 3.7393 (PowerIndex). Dhibcaha ugu awoodda badan waa 0.0000; tusaale ahaan Maraykanka oo kaalinta koowaad ku jira wuxuu haystaa 0.0741.

Tirada guud ee diyaaradaha 6-diyaaradood; kuwa diyaarsan 3-diyaaradood kaalinta 107-aad

Ciidamada cirka– 0

Noocyada weerarada cirka– 0

Diyaaradaha kale ee daabula saanadda ciidan iyo kuwa aan duuliyaha lahayn–0

Diyaaradaha weererrada qorsheesan fuliya– 0

Markabka dagaalka – 0

Helikobtarrada – 6 (100%); diyaarsanaanta 3; kaalinta 90-aad

Helikobtarrada weerarka – 0

Itoobiya

Itoobiya waxay kaalinta 47-aad kaga jirtaa awoodda milatari marka la eego 145 dal ee la qiimeeyey.

Waxa la siiyay dhibco 0.8525 ah ee Global Firepower PowerIndex.

Itoobiya waxay kor uga soo kacday booskeedii hore. Tirada guud ee diyaaradaha ciidanka cirka ay haysto104 (kaalinta 66-aad ee 145 dal).

Global Firepower waxay cabbirtaa diyaargarowga (readiness) dhammaan liisyada ay diyaarisay. Boggu wuxuu muujinayaa in diyaargarowga lagu cabbiro marka loo eego celceliska Ciidanka Cirka Maraykanka oo ah 75%, waxaana ku jira diyaargarowga guud, casriyeynta qalabka, cusboonaysiinta qalabka, iwm.

Waxaa lagu xisaabiyaa boqolley si loo muujiyo saamiga nooc kasta uu ka yahay guud ahaan ciidanka cirka ee dalka. Itoobiya waxaa lagu qiimeeyay shuruud kasta iyadoo lala barbardhigay 145 dal.

Diyaaradaha dagaalka– 25 (24.0%); diyaargarow 15; kaalinta 46-aad

Diyaaradaha weerarka – 0

Diyaaradaha kale ee daabula saanadda ciidan oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn– 9 (8.7%); diyaarsanaantooda waxa ay ku jiraan kaalinta 5

Eritariya

Eritriya waxay kaalinta 119-aad kaga jirtaa awoodda milatari e145 dal.

Dhibcaheedu waxa aay heshay 2.6841 (PowerIndex), waxayna ka soo kacday booskeedii hore.

Tirada guud ee diyaaradaha ay Eritariya haysato waa 20; diyaargarow 7; kaalinta 97-aad

Ciidanka cirka – 1 (5.0%); diyaargarow 0; kaalinta 63-aad

Noocyada weerarka qaada -0

Diyaaradaha kale ee daabula saanadda ciidan oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn 5 (25%); diyaargarow 2; kaalinta 46-aad

Diyaaradaha weererrada qorsheesan fuliya– 0

Markabka dagaalka – 0

Helikobtarrada – 13 (65.0%); diyaargarow 5; kaalinta 83-aad

Helikobtarrada weerarka – 6 (30.0%); diyaargarow 2; kaalinta 39-aad

Suudaan

Suudaan waxay kaalinta 66-aad kaga jirtaa awoodda milatari ee 145 dal.

Dhibcaha ay heshay waa 1.3563 (PowerIndex).

Tirada guud ee diyaaradaha Suudaan waa 183; diyaarsan 92; kaalinta 47-aad

Ciidanka cirka – 37 (20.2%); diyaargarow 19; kaalinta 41-aad

Diyaaradaha kale ee daabula saanadda ciidan oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn waa 13 (7.1%); diyaargarow 7; kaalinta 38-aad

Markabka dagaalka – 0

Helikobtarrada – 64 (35.0%); diyaargarow 32; kaalinta 50-aad

Helikobtarrada weerarka – 35 (19.1%); diyaargarow 18; kaalinta 19-aad

Kenya

Kenya waxay kusoo baxday kaalinta 84-aad awoodda milatari ee 145 dal ee la qiimeeyey, dhibco ahaan waxa ay heshay 1.8588 (PowerIndex), waxayna hoos uga dhacday booskeedii hore.

Tirada guud ee diyaaradaha ay kenya leedahay waa 154; diyaarsan 85; kaalinta 55-aad.

ciidanka cirka – 17 (11.0%); diyaarsan 9; kaalinta 50-aad

Diyaaradaha kale ee daabula saanadda ciidan oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn 21 (13.6%); diyaargarow 12; kaalinta 31-aad

Markabka dagaalka – 0

Helikobtarrada – 84 (54.5%); diyaargarow 46; kaalinta 41-aad

Helikobtarrada weerarka – 2 (1.3%); diyaarsanaan 1; kaalinta 43-aad

Koofurta Suudaan

Koonfurta Suudaan waxay kaalinta 113-aad kaga jirtaa awoodda milatari ee 145 dal.

Dhibcaheedu waa 2.4645 (PowerIndex), kaalintii ay hore ugu jirtay isma beddelin sanadkan.

Tirada guud ee diyaaradaha – 19; diyaarsan 9; kaalinta 98-aad

Diyaaradaha kale ee daabula saanadda ciidan oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn 4 (21.1%); diyaarsan 2; kaalinta 47-aad

Diyaaradaha weerarada qorsheesan fuliya – 0

Markab dagaal – 0