Maxaa ku dhacaya Maskaxda marka kubbadda lagu dhufto madaxa?

Xirfadleyda kubbadda cagta iyo xiddigaha kubbadda cagta Maraykanka waxa ay halis badan ugu jiraan inuu ku dhaco xanuunka waalida in ka badan oo ka sarreysa xirfadleyaasha kale. Haddaba maxaa la sameyn karaa si loo caawiyo?

Marka aad tahay ciyaaryahan kubbadda cagta ah, ma jiro wax lala barbardhigi kara farxadda aad dareemeyso markaad hawada u booddo kubbad si xawaare sare kuugu soo socota, madaxa ku dhufato shabaqa taabato, una dhaliso gool kooxdaada.

Si kastaba ha ahaatee, baaritaanno soo baxaya ayaa muujinaya in kubadda oo si joogto ah madax lagu dhufto ay sababi karto dhaawac maskaxeed oo soo baxa tobannaan sano kadib, iyaga oo u eg sida Alzheimers, Parkinson, iyo cudurrada neerfaha ku dhaca.

Halista ay leeyihiin ciyaaraha la isdhex-galo sida ciyaarta kubadda cagta waxa ahayd mid la ogyahay ku dhawaad boqol sano.

Sanadkii 1928, dhakhtar Maraykan ah oo baara xanuunnada, oo la oran jiray Harrison Martland ayaa daabacay warbixin cilmiyeed uu ku sheegay in "muddo dheer taageerayaasha iyo qabanqaabiyeyaasha feerka ay ogaayeen xaalad dhif ah oo ku dhacda ciyaartoyda feeryahannada ah, taas oo dadka feerka ciyaaraha ay yaqaanaan "feer-yahanka liicaya'."

Calaamadaha ugu waaweyn ee qofka isku arki karo waxaa kamid ah wareer iyo in uu jareeyo (gariiro), inta badanna waxaa la kulma feeryahannada inta badan madaxa laga feero.

Mararka qaar, xaaladdaas "feer-yahanka liicaya" waxay isku beddeshay 'asaasaq', taas oo markii dambe loo aqoonsaday "asaasaqa ka dhasha jugta maskaxda," waana nooc kamid ah xanuunnada ku dhaca feeryahannada la kulma jugta madaxa.

Bilowgii waxaa la moodayay in dhibaatadu ku kooban tahay feerka oo keliya, balse waxa arrintu isbeddeshay tobanaan sano kadib.

Sanadkii 2002, ciyaaryahankii West Bromwich Albion iyo xulka Ingiriiska Jeff Astall ayaa dhintay isagoo 59 jir ah, kadib waxaa la ogaaday inuu qabay xanuunka asaasaqa oo bilow ah.

Dalka Maraykanka, ciyaaryahankii kubbadda cagta Maraykanka Mike Webster ayaa si lama filaan ah u dhintay isagoo 50 jir ah, kadib markii uu la ildarnaa ilaawsho.

Labadaas qof baarintaannadii maskaxda ee lagu sameeyey ayaa muujiyay in ay u dhinteen cudur loo yaqaan "encephalopathy", xanuunnada ku dhaca maskaxda, inkasta oo hadda loo yaqaano burada maskaxda.

Willie Stewart, oo ah dhakhtar ku takhasusay cudurrada maskaxda kana tirsan Jaamacadda Glasgow ee Boqortooyada Ingiriiska, ayaa yiri:

"Encephalopathy-da dhaawaca joogtada ah waa nooc gaar ah oo cudur maskaxeed oo sii xumaanaya, sababtoo ah waxaan ku aragnaa oo keliya dadka hore ula kulmay dhaawacyo ama jugo madaxa ah."

Xaaladdan waxaa lagu ogaadaa marka mikroskoob lagu eego maskaxda, waana marka maskaxda lagu arko in ay ururineyso boroyiinka, xaaladdaas oo la dhaho tau.

Stewart wuxuu sheegay: "Habka ugu fudud ee lagu ogaan karo in qof laga shakiyo cudurkan waa in la weydiiyo: 'kubbadda cagta miyaad ciyaartaa, ama ciyaarta 'rugby'?' Sababtoo ah haddii aad tahay ciyaaryahan kubbadda cagta ciyaara oo qaba asaasaqa ama isku dhexyaaca, waxaa keeni kara jugta kaa soo gaartay".

Tan iyo 2008, Ann McKee, oo ah bare ku takhasusay neerfaha kana tirsan Jaamacadda Boston, ayaa ciyaartoydii hore ka codsaneesay in ay ka qayb qaataan cilmi-baaris lagu ogaanayo laguna daweynayo cudurkan.

Sanadkii 2023, McKee iyo asxaabteeda waxay baareen 376 ciyaaryahan hore, waxayna heleen in boqolkiiba 91.7 ay qabaan xanuun dhanka masxkaxda ah.

Kooxdan waxaa ka mid ahaa Rick Arrington oo ka tirsanaa Philadelphia Eagles intii u dhexeysay 1970 ilaa 1973, iyo Ed Lothamer oo ka tirsanaa Kansas City Chiefs una ciyaaray Super Bowl-kii ugu horreeyay.

Waxaa la rumeysan yahay in cudurkan uu ku yar yahay bulshada inteeda kale, inuu ku dhacana ay haslis ugu jiraan wax ka yar boqolkiiba hal.

McKee waxay sidoo kale cudurkan ka heshay ciyaartoy hore oo ciyaari jiray ciyaaraha baseball-ka, baaskiika , iyo ciyaarta barafka, dhammaan kiisaskaas, waxa ka dhexeeyay jug soo noqnoqotay oo madaxa ka gaartay.

Daraasad lagu sameeyay 2019 oo ku saabsan saameynta kubbadda cagta ee caafimaadka nolosha oo dhan, Stewart iyo kooxdiisu waxay baareen diiwaannada caafimaad ee ku dhowaad 8,000 ciyaaryahan hore oo Scottish ah, iyagoo la barbardhigay 23,000 qof oo ka tirsan qeybaha kale ee bulshada

Stewart waxa uu dhahay "Waxaan isbarbardhignay ciyaartoyda kubbadda cagta iyo dad la mid ah oo isla sannadkii dhashay kuna noolaa deegaanno isku mid ah."

Daraasadda ayaa muujisay in ciyaartoydii hore ay shan jeer uga halis badan yihiin Alzheimers, afar jeer uga halis badan yihiin cudurka neerfaha, isla markaana laba jeer uga halis badan yihiin masxkaxda, marka loo eego dadka kale ee isku da'da yihiin.

Stewart waxa uu sheegay in halistu badan tahay marka qofka uu mar kasta uu kubadda ku tuuro/herdiyo madaxa ama feer looga dhufto iwm.

Inkasta oo cudurkan badanaa la ogaado kadib marka uu qofka dhinto, hadana cilmi-baaris lagu sameeyay ciyaartoy da'yar ah ayaa muujisay calaamado lagu fahmi karo dhaawac dhanka maskaxda ah.

Michael Lipton, oo ah bare ku takhasusay sawirrada raajada caafimaadka ayaa sheegay in madaxa kubbadda lagu dhufto uu keeno in maskaxda deg deg dhaqdhaqaaqdo, taas oo kala jiidaysa neerfaha, waxa ay saameeneysaa fahmka maskaxda. Maskaxdu waa mid jilicsan, marka jug degdeg ah ku dhacdo, deg deg ayey u wareegtaa oo ay u qalloocataa, taas oo culays saaraysa neerfayaasha.

Yareynta kubbadda lagu dhufto madaxa, gaar ahaan tababarrada, iyo horumarinta qalabka badbaadada ayaa ka mid ah xalalka la soo jeediyay.

Maskaxda bini adaamka waxa ay ka kooban tahay xargo aad u dhuu-dhuuban, kuwaas oo haya shaqada guud ee maskaxda iyo neerfaha. sida uu sheegayo Dr. Lipyon. fiilooyinkaas waa kuwo aad u jilicsan oo haddii ay kulmaan jug ama darbo deg deg ah oo xogaan waxa ay noqon karaan kuwo shaqadooda wareerto ama ay maskaxdu dib ugu boodo gudaha qolofta madaxa, taas oo kala jiidda fiilooyinka neerfaha.

Lipton wuxuu yiri: "Haddii aad ka fikirto madaxa kubbadda lagu dhufto, saameynta ku dhacda madaxa waa mid khafiif ah ma keento jab lafta madaxa ah, dhiig-bax maskaxeed, ama dhaawac si cad loo arko laakiin waxa ay awood u leedahay in xoog ay gudaha ugu gudubto ayna wax yeeleyso maskaxda."

Ciyaartoyda sida joogtada ah madaxa looga dhufta kubbadda, gaar ahaan kuwa sheegay inay ku dhacdo arrintaan in ka badan 1,000 jeer sanadkii, waxay la kulmaan dhaawac aad uga weyn oo soo gaara maskaxda qeybta jilicsan.