Maraykanku ma wuxuu weerari doonaa Iiraan?

Horaantii bishan, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa fariin u diray Iiraaniyiinta ka mudaaharaadaya nidaamka "caawia ayaa soo socota" ayuu yiri.

Wixii markaas ka dambeeyay waxaa gobolka si gaabis ah,is-daba-joog ah oo laxaad leh u socday tirada sii kordhaysa ee ciidamada millatariga Maraykanka.

Ameerika, oo ah militariga ugu awoodda badan adduunka, ayaa horey u muujisay inay weerari karto Iran. Hawlgalkii bishii Juun ee la soo dhaafay ee "dubbaha Saqda dhexe" ayaa lagu beegsaday xarumaheeda nukliyeerka.

Taas oo ay ku lug lahaayeen in ka badan 100 diyaaradood, oo ay ku jiraan diyaaradaha B2 ee qarsoodiga ah oo ka duulaya dhammaan Maraykanka si ay ugu garaacaan bambooyinkooda aan khaldamin ee "daloolisada" ah, iyagoo oo khasaare uusan soo gaarin.

Su'aashu hadda waxay tahay: Maraykanku ma isu diyaarinayaa inuu mar kale garaaco Iiraan?

Qoraalkii u dambeeyay ee Donald Trump ee baraha bulshada ayaa soo jeedinaya in laga yaabo Iran in haddii aysan sameynin heshiis lagu xaddidayo barnaamijkeeda Nukliyeerka markaas "weerarka xiga uu aad uga sii xumaan doono!".

Maraykanku waxa uu horeba raad ciidan oo mug leh ugu lahaa Bariga Dhexe, iyada oo ilaa 50,000 oo askari ay ka joogaan gobolka.

Ku dhawaad 10,000 oo ka mid ah waxay ku sugan yihiin saldhigga ciidanka cirka ee al-Udeid ee Qatar. Laakiin sidoo kale Maraykanku wuxuu saldhigyo ku leeyahay Urdun, Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Cumaan iyo Baxrayn.

Laakiin dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay warbixinno sirdoon oo ilo furan laga helayey ayaa la socday tiro badan oo diyaarado militari oo Mareykan ah oo yimid gobolka.

Sawirro laga qaaday Saldhigga Ciidanka Cirka ee Al-Udeid ee Qatar- oo ah saldhigga ugu weyn ee Maraykanku ku leeyahay Bariga Dhexe - Axaddii ayaa muujinaya tiro dhismeyaal cusub oo ka soo muuqday goobo ku yaal hareeraha saldhigga.

Pentagon-ku ma bixin wax faahfaahin ah oo dhaqdhaqaaqyadaas ah. Balse ilo wareedyo laga helay baraha bulshada ayaa la socday imaatinka diyaaradaha dagaalka ee F-15, kuwa shidaalka qaada iyo kuwa daabula askarta.

Qaar ka mid ah diyaaradahaas ayaa la rumeysan yahay inay wateen waxyaabo dheeri ah oo difaaca cirka ah, taasoo laga yaabo inay soo jeedin karto in Mareykanka uu qaadayo tillaabooyin uu isaga difaaco naftiisa iyo xulafadiisa Khaliijka weerarro aargoosi ah oo suurtagal ah, haddii madaxweyne Trump uu amro weerar lagu qaado Iiraan.

Britain, sidoo kale, waxay gobolka u dirtay koox ka mid ah diyaaradaha Typhoon "si kor loogu qaado ammaanka gobolka".

Ciidanka Cirka ee Maraykanka ayaa ku dhawaaqay in ay dhoolatus weyn ka sameynayaan gobolka (Agile Spartan) "si ay u muujiyaan cududdooda dagaalka cirka ee guud ahaan aagga Taliska Dhexe ee Maraykanka".

Stefan Watkins, oo la socda dhaqdhaqaaqa maraakiibta oo natiijadiisa la wadaagaya baraha bulshada ayaa sidoo kale dhawaan la socday imaatinka dhowr diyaaradood oo ah kuwa wax basaasa ee Maraykanka, kuwaas oo caddayn u ahaa intii lagu jiray Hawlgalkii Midnight Hammer - oo ay ku jiraan RC-135s, iyo E-11A BACN iyo E-3G Sentry. Waxa uu sheegay in "laga yaabo inay soo jeediyaan" haddii weerarku" soo degdego halkii uu dambayn lahaa".

USS Abraham Lincoln wuxuu ku sugnaa gobolka Indo-Pacific markii lagu amray inuu u soo jeesto oo uu aado Khaliijka. Kooxda weerarka-qaadka waa mid ka mid ah calaamadaha ugu awoodda badan ee awoodda milatariga Mareykanka, kuwaasoo leh ku dhawaad 70 diyaaradood.

Dusha USS Abraham Lincoln waxaa saaran diyaaradihii ugu dambeeyay ee F35 ee qarsoodiga ah, oo awood u leh inay ka baxsadaan raadaarka cadowga. Kooxda weerarka qaadda ayaa waxaa ku jira saddex burburiye oo ay ku raran yihiin Tomohawk oo ah gantaalada dhulka lagu tuuro, waxaana caadiyan la socda markabka quusa ee tamarta nukliyeerka ah, kaas oo ridaya hub isku mid ah.

Taasi waa marka lagu daro labadii burburiye ee Mareykanka ee horey u joogay gobolka. madaxweyne Trump wuxuu yiri "Maraakiibteena wayaa ku sii socda gobolkaas, waana arki doonnaa waxa dhaca".

Goobaha bartilmaameedka noqon kara

Matthew Savill, oo ah agaasimaha cilmiga militariga ee RUSI, ayaa sheegay in qaabkooda militari ee gobolka ay u badan tahay inay aadi karaan meel kasta oo Iiraan ka mid ah oo ay ku dhufan karaan wax kasta, marka laga reebo xarumaha aadka u qotada dheer" – taasoo ay u badan tahay inay u baahan yihiin bambooyinka B2.

Haddaba, halkee laga yaabaa in Maraykanku bartilmaameedsado, haddii madaxweyne Trump uu bixiyo amarka?

Savill oo ka soo shaqeeyay siyaasadda Iran ee dawladda UK, ayaa sheegay in Maraykanku uu haysto doorashooyin kala duwan.

Midda ugu horreysa waxay noqon kartaa awoodda militari ee Iran, "sida hanjabaaddeeda gantaalaha ballistic-ga ama unugteeda gantaallada xeebaha". Ugu yaraan taasi waxay ku adkeyn kartaa talisku inuu ka aargoosto, taasoo uu ku hanjabayo.

Iiraan ayaa wali haysata kayd aad u badan oo isugu jira gantaalada riddada gaaban iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee riddada dheer. Taasi waxay ka dhigeysaa qaar ka mid ah xulafada Khaliijka Mareykanka inay walwalaan. Tiro dalalkaas ah ayaa horay u caddeeyay inaysan taageeri doonin duqeymo badan oo kuwa Mareykanka ah.

Arrin kale ayaa ah in la beegsado nidaamka laftiisa.

Savill waxa uu yiri "Waxay raadsan karaan xarumaha awooda milatariga, oo ay ku jiraan ilaalada kacaanka Iran iyo malaha maliishiyaadka caburinaya mudaharaadayaasha".

Isku dayga ah in la jebiyo hoggaanka Iran, si kastaba ha ahaatee, waxa laga yaabaa inay noqoto mid aad u adag oo khatar badan.

Israa'iil waxay bartilmaameedsatay dad sare oo Iiraaniyiin ah intii lagu jiray dagaalkii 12-ka maalmood socday ee sannadkii hore. Taas oo ay ku jirtay in la raadiyo ilaalada si loo helo goobahooda. Balse Iran ayaa loo badinayaa in wixii markaas ka dambeeyay inay adkeysay ammaanka.

Savill waxa uu sheegay in Maraykanku "ay u badan tahay in uu heli karo oo uu dili karo shakhsiyaad sare, laakiin ma cadda waxa saamaynta ay noqon doonto".

Inkastoo madaxweyne Trump uu caddeeyey in uu diyaar u yahay in uu adeegsado awood millatari, haddana waxa uu horay u sheegay in aanu damac ka lahayn in uu ku lug yeesho colaad daba dheeraata.

Faragelintiisa ciidanku ilaa hadda waa mid gaaban, af badan oo xaddidan.