Maxey ka wadahadleen Ra'iisul wasaare Abiy Axmed iyo mas'uuliyiin ka socday Mareykanka?
Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Christopher Landau, ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, isaga oo ku booqday xafiiskiisa.
Mas’uulka Maraykanka ah waxaa safarkiisa ku wehliyay Taliyaha Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM).
Mas’uuliyiinta Maraykanka ayaa shalay ka qayb galay xafladaha dabaaldegga sannad-guurada 90-aad ee Ciidamada Cirka Itoobiya, oo ka dhacday saldhigga Ciidanka Cirka ee Itoobiya.
Kulanka kaddib, Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa barihiisa bulshada ku qoray:
“Waxaan ku faraxsanahay in aan yeelanay wada-hadal wanaagsan oo is-faham leh, kaas oo diiradda lagu saaray iskaashi waara iyo ixtiraam wadajir ah.”
Mas’uulka sare ee Maraykanka ayaa booqashadiisa Afrika ka bilaabay dalka Masar dhammaadka toddobaadkii tagay.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa bayaan hore ku sheegtay in uu sidoo kale Itoobiya kala hadli doono “nabadda iyo xasilloonida gobolka.”
Intaa kaddib, wafdigu waxa ay u safri doonaan dalalka Kenya iyo Jabuuti.
Booqashadiisu waxa ay ku soo beegmaysaa xilli Madaxweyne Trump uu marar badan khudbado ka jeedinayo arrinta biyo-xireenka Webiga Niil.