Chelsea oo guul xiiso leh ka gaadhay ciyaartii Napoli
Kooxda reer Ingiirs ee Chelsea ayaa gaadhay guul 3–2 ah kaddib markii ay ka adkaatay kooxda Napoli ee Talyaaniga ka dhisan.
Kulankan oo ka tirsanaa horyaalka Qaaradda Yurub ayaa ka dhacday garoonka Diego Armando Maradona.
Chelsea ayaa goolka furitaanka dhalisay daqiiqaddii 19-aad, kaddib rigoodhe uu gool u beddelay Enzo Fernández. Napoli ayaa si xooggan u soo laabatay, iyadoo barbaraha keentay daqiiqaddii 33-aad gool uu dhaliyay Antonio Vergara, ka hor inta aysan hoggaanka la wareegin goolkii labaad oo uu Rasmus Højlund dhaliyay daqiiqaddii 43-aad.Markii la isku so laabtay, Chelsea ayaa markale barbaraha keentay daqiiqaddii 61-aad, halka daqiiqaddii 83-aad ay keentay goolka guusha.