Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay in
Mareykanku joojin doono taageerada uu siiyo Ciraaq haddii ay dib u doorato
Ra’iisul Wasaarihii hore NuUri al-Maaliki.
Al-Maaliki oo xiriir wanaagsan la leh Iiraan, ayaa
dhammaadkii toddobaadkii la sooo dhaafay loo xushay xilkaasi kaddib markii ay
taageereen isbahaysi ka kooban xisbiyo Shiico ah.
“Malaiki waa nin xun, mana aha doorashada saxda ah,” ayuu
Trump ku qoray bartiisa Truth Social.
“Markii ugu dambeysay ee Maliki xilka hayay, dalka wuxuu
galay saboolnimo iyo rabshado,” ayuu Trump yiri.
Maaliki, oo xukunka hayay intii u dhexeysay 2006 ilaa
2014, ayaa xilka laga qaaday kaddib markii kooxda isku magacowday Dowladda
Islaamiga ah (IS) ay la wareegtay qaybo badan oo ka mid ah Ciraaq.
Sarkaalka waaya-aragga ah ee Ciraaqiga ah ayaa la filayaa
in madaxweynaha uu ansixiyo, kaddib markii isbahaysi xisbiyo Shiico ah ay
Sabtidii soo magacaabeen.
Ciraaq gudaheeda, awoodda madaxweynaha aad uma badna.
Kooxda Shiicada ah ee ugu awoodda badan Ciraaq waxay
xiriir dhow la leeyihiin dalka deriska la ah ee Iiraan. Iiraanna waxaa
hoggaamiya hoggaamiye diimeed Shiico ah.
Mareykanku ma la shaqeeyo koox ama dal kasta oo xiriir la
leh Iiraan, waxaana ka mid ah Ciraaq.
“Haddii Nuuri al-Maaliki noqdo ra’iisul wasaare, waan
joojin doonnaa caawinta Ciraaq,” ayuu Trump yiri, isagoo intaa ku daray in
aanay suurtagal ahayn in dalkaasi guuleysto taageerada Mareykanka la’aanteed.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio,
ayaa muujiyay walaac ku saabsan Maaliki intii uu khadka taleefanka kula
hadlayay ra’iisul wasaaraha xilka haya ee Ciraaq, Maxamed Shi’a al-Sudani.
“Dowlad ay Iiraan maamusho ama taageerto ma hor marin
karto baahiyaha iyo danaha shacabka Ciraaq,” ayuu yiri Marco Rubio.