You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Madaxwayne Trump oo Iiraan dul dhigay awood ka badan tii Venezuela, hanjabaadna raaciyey

Trump wuxuu Iiraan kala doorransiiyey ama inay timaado miiska wada xaajoodka ama ay cawaaqib adag la kulmi doonto

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Maraykanka oo ku dhawaaqay in ciidamada xoogan uu u diray Iran

    Madaxweynaha dalka Mareykanka Donland Trump ayaa bartiisa Truth Social ku baahiyay qoraal u uku sheegay in ciidamo badan oo ah kuwa badda ay ku wajahanyihiin dalka Iiraan.

    Wuxuu sheegay in ay yihiin cudud xooggan oo xiiso u qaba shaqada loo idmaday kuwaas oo xawaare ku socda.

    “Waa maraakiib ka tiro badan kuwii loo diray Venezuela, waxaana hoggaaminaya markabka weyn ee xambaara diyaaradaha, Abraham Lincoln,” ayuu yiri Trump.

    “Sida ku dhacday Venezuela, ciidankanu waa mid diyaar ah, doonaya, awoodna u leh in uu si dhakhso leh u fuliyo hawshiisa, xawaare iyo xoog, haddii loo baahdo”.

    Wuxuu intaa ku daray Trump: “Waxaan rajaynayaa in Iran ay si degdeg ah “u timaaddo miiska wada-xaajoodka” oo ay ka gorgortanto heshiis caddaalad iyo sinaan ku dhisan , MA JIRO HUB NUKLIYEER AH, heshiis faa’iido u leh dhammaan dhinacyada. Waqtigu wuu sii dhammaanayaa; arrintu waa mid aad u degdeg ah!

    Sidii aan hore ugu sheegay Iran mar hore, heshiis gaara ! Way diideen, waxaana dhacay “Howlgalkii Midnight Hammer,” oo ahaa burbur weyn oo loo geystay Iran. Weerarka xiga wuxuu ahaan doonaa mid ka sii daran!, ha oggolaanin in taasi mar kale dhacdo.

    "Waad ku mahadsan tihiin inaad arrintan fiiro gaar ah siisaan" ayuu ku soo gabagabeyay qoraalkiisa.

  2. Sacuudiga oo qaaday tallaabo la mid ah tii Imaaraadka Carabtu sameyay

    Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa u xaqiijisay Iiraan inaysan oggolaan doonin in hawadeeda loo adeegsado wax tallaabo ah oo ka dhan ah Iiraan.

    Sida ay sheegayaan warbixinno, Madaxweynaha Iiraan Masoud Peshmerga ayaa taleefan kula xiriiray Dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan, waxaana uu Bin Salman u xaqiijiyay in “aysan oggolaan doonin in hawadeeda ama dhulkooda loo isticmaalo wax hawlgal militari ah oo ka dhan ah Iiraan ama weerar ciddii doontaa ha fulisee,.”

    Madaxweynaha Iiraan ayaa Israel iyo Mareykanka ku eedeeyay inay “kicinayaan dadka careysan” ee dhigay mudaharaadyadii dhawaan dhacay.

    Waxa uu sheegay in labadaas dal ay “u maleeyeen in tallaabooyinkan ay Iiraan ugu rogi karaan Suuriya ama Liibiya,” balse “joogitaanka ballaaran ee wacyiga leh ee shacabka Iiraan ee fagaaraha dadweynaha uu fashiliyey yoolalkoodii iyo shirqoolkoodii.”

    Sida ay sheegayaan warbaahinta Iiraan, Maxamed bin Salmaan ayaa sidoo kale yiri in “Sacuudi Carabiya ay u aragto khatar ama xiisad kasta oo ka dhan ah Iiraan mid aan la aqbali karin,” isla markaana ay “diyaar u tahay inay iskaashi la sameyso si loo hirgeliyo nabad iyo amni waara oo ka hanaqaada gobolka waa arrin muhiim ah.”

  3. Maxey ka wadahadleen Imaaraadka iyo Pakistaan?

    Madaxweynaha Pakistan, Asif Ali Zardari, ayaa Abu Dhabi kula kulmay Madaxweynaha Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Maxamed bin Zayed Al Nahyan. Kulankan, labada hoggaamiye waxay muujiyeen go’aankooda ah in la sii xoojiyo xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya Pakistan iyo Imaaraadka.

    Intii ay wada hadalladu socdeen, waxaa si qoto dheer loo eegay iskaashiga iyo fursadaha cusub ee dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, tamarta, kaabeyaasha iyo tignoolajiyada. Labada dalba waxay mar kale cusbooneysiiyeen ballanqaadkooda ku aaddan horumarinta nabadda, horumarka iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee gobolka.

  4. Trump oo Ciraaq u hanjabay iyo sababata arrintaas keentay

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay in Mareykanku joojin doono taageerada uu siiyo Ciraaq haddii ay dib u doorato Ra’iisul Wasaarihii hore NuUri al-Maaliki.

    Al-Maaliki oo xiriir wanaagsan la leh Iiraan, ayaa dhammaadkii toddobaadkii la sooo dhaafay loo xushay xilkaasi kaddib markii ay taageereen isbahaysi ka kooban xisbiyo Shiico ah.

    “Malaiki waa nin xun, mana aha doorashada saxda ah,” ayuu Trump ku qoray bartiisa Truth Social.

    “Markii ugu dambeysay ee Maliki xilka hayay, dalka wuxuu galay saboolnimo iyo rabshado,” ayuu Trump yiri.

    Maaliki, oo xukunka hayay intii u dhexeysay 2006 ilaa 2014, ayaa xilka laga qaaday kaddib markii kooxda isku magacowday Dowladda Islaamiga ah (IS) ay la wareegtay qaybo badan oo ka mid ah Ciraaq.

    Sarkaalka waaya-aragga ah ee Ciraaqiga ah ayaa la filayaa in madaxweynaha uu ansixiyo, kaddib markii isbahaysi xisbiyo Shiico ah ay Sabtidii soo magacaabeen.

    Ciraaq gudaheeda, awoodda madaxweynaha aad uma badna.

    Kooxda Shiicada ah ee ugu awoodda badan Ciraaq waxay xiriir dhow la leeyihiin dalka deriska la ah ee Iiraan. Iiraanna waxaa hoggaamiya hoggaamiye diimeed Shiico ah.

    Mareykanku ma la shaqeeyo koox ama dal kasta oo xiriir la leh Iiraan, waxaana ka mid ah Ciraaq.

    “Haddii Nuuri al-Maaliki noqdo ra’iisul wasaare, waan joojin doonnaa caawinta Ciraaq,” ayuu Trump yiri, isagoo intaa ku daray in aanay suurtagal ahayn in dalkaasi guuleysto taageerada Mareykanka la’aanteed.

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa muujiyay walaac ku saabsan Maaliki intii uu khadka taleefanka kula hadlayay ra’iisul wasaaraha xilka haya ee Ciraaq, Maxamed Shi’a al-Sudani.

    “Dowlad ay Iiraan maamusho ama taageerto ma hor marin karto baahiyaha iyo danaha shacabka Ciraaq,” ayuu yiri Marco Rubio.

  5. Degdeg: Diyaarad ku burburtay Hindiya oo dadka ku dhintay uu ku jiro siyaasi ruug-cadaa ahaa

    Wararka ka imaanaya dalka Hindiya ayaa sheegaya in ruug-cadaa siyaasadeed oo lagu magacaabi jiray Ajit Pawar uu ku geeriyooday shil diyaaradeed oo dalka Hindiya ka dhacay saaka.

    Diyaaradda ayaa ka duushay magaalada Mumbai waxeyna ku socotay Baramati ee gobolka Maharashtra oo u jirta 250-km Mumbai.

    Diyaaradda ayaa shilka gashay markii ay isku da’day in ay ku degto garoonka Baramati sida ay ku warrantay BBC Marathi.

    Ilaai yo hadda ma cadda waxa sababay shilka diyaaradeed. Diyaaradda waxaa la sheegay in ay la socdeen ilaa shan qof oo uu ku jiray ninkaan siyaasiga weyn ahaa Pawar,dhamaantoodna waa ay dhinteen.

    Diyaaradda waxey ahayd diyaaradaha yaryar oo ka shaqeysa duulimaadyada gudaha Hindiya ah.Siyaasiga ruug-cadaaga ahaa ee geeriyooday ayaa u socday inuu ka qayb galo kulmo siyaasadeed oo ku saabsanaa arrimo doorasho.

  6. Rai'sul wasaaraha UK Keir Starmer oo ka degay Beijing

    Rai'sul wasaaraha Ingiriiska Keir Starmer ayaa soo gaaray Shiinaha si uu u sameeyo booqasho saddex maalmood ah – taasoo ah markii ugu horreysay ee Ra’iisul Wasaare ka socda UK uu dalka booqdo tan iyo 2018.

    Starmer, oo la socdaan ku dhawaad 60 hoggaamiyaal ganacsi iyo dhaqameed oo British ah, ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, wuxuuna sidoo kale ka shaqeyn doonaa xoojinta xiriirka ganacsi ee labada dal.

    Starmer, isagoo ku jira duulimaadkiisa Beijing, ayaa sheegay in booqashadu faa’iido u keeni doonto dadka “guryahooda ku sugan”, isla markaana uu doonayo “qaab dhameystiran oo joogto ah oo ku wajahan Shiinaha.”

  7. Iran oo dal-dashay nin lagu eedeeyay inuu “basaas u ahaa Israa’iil.”

    Mizan, oo ah wakaaladda wararka ee garsoorka Iran, ayaa sheegtay in Hamidreza Sabet Esmailpour, oo la xiray bishii May, la daldalay kaddib markii lagu helay dembiga basaasnimo uu u sameynayay Israa’iil iyo hay’adda sirdoonka ee Mossad.

    Garsoorka Iran ayaa sheegay in Mr. Sabet uu ku lug lahaa dirista dukumiintiyo iyo xog sir ah, isla markaana uu la shaqeynayay Israa’iil si loo carqaladeeyo xarumaha gantaallada ee Wasaaradda Difaaca .

    Sida ay Mizan sheegtay:“Kaddib markii Maxkamadda Sare ay dib u eegis ku sameysay oo ay xaqiijisay xukunka, Hamid Reza Sabet waxaa la daldalay waaberigii maanta.”

    Mr. Sabet waa qofkii labaad ee lagu dilo Iran bishan gudaheeda iyadoo lagu eedeeyay inuu u basaasayay Israa’iil.

    Dilalka lagu fulinayo Iiraaniyiinta lagu xukumo basaasnimo ay u sameeyeen Israa’iil ayaa si weyn u kordhay tan iyo gu’gan, kaddib isku dhacyo toos ah oo dhex maray labada dhinac.

  8. Wafdi heer sare oo ka socda Turkiga oo Muqdisho gaaray

    Wafdi heer sare ah oo ka socda dalka Turkiga, uuna hoggaaminayo Wasiir-ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabeyaasha Dhaqaalaha,Durmuş Ünüvar, ayaa gaaray Dekedda Muqdisho si ay u bilaabaan weji cusub oo iskaashi laba-dhinac ah oo diiradda saaraya kaabeyaasha muhiimka ah ee badda.

    Booqashadan ayaa ujeeddadeedu tahay dardargelinta mashaariicda horumarinta wadajirka ah iyo xoojinta iskaashiga istaraatiijiyadeed ee dhaqaale ee u dhexeeya labada dal.

    Sida ay qortay wakaalada wararka ee Soomaaliya Sonna Wafdiga Turkiga ayaa si habraac diblomaasiyadeed oo buuxa loogu U soo dhaweeyey mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid yihiin Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Federaalka, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Dhucle, iyo Agaasimaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Safiir Maxamed Cali Nuur “Americo.”

    Guddiga soo dhaweynta ayaa sidoo kale ka mid ahaa agaasimayaal ku-xigeenno ka tirsan maamulka dekedda iyo mas’uuliyiin sare oo amniga ah.

  9. Muxuu ahaa wixii lagu buufiyay xildhibaan ilhaan cumar?

    Dareerihii lagu buufiyey xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa lahaa ur khafiif ah oo qaraar, kaas oo la mid ahaa shey kiimiko ah, sida uu sheegay saxafi ka socday BBC oo goobta joogay.

    Booliiska ayaa waxay sheegeen in ninkan waxa uu sitay ay ahayd irbad ay ku jireen walxo dareera ah.

    Booliiska Minneapolis ayaa sidoo kale sheegay in saynisyahanno baaritaanada ku xeel-dheer ay ka ururinayaan caddeymo goobta ka dhacday weerarka, si loo ogaado maadada lagu buufiyay xildhibaanada iyo guud waxa dhacay.

    sida ay qoreen qara ka mid ah warbaahinta ninkan ayaa lagu magacaabaa Anthony Kazmierczak, waa 55 sano jir.

  10. Waa kumaa ninkii weeraray xildhibaan Ilhaan Cumar?

    Ninka weeraray Xildhibaanadda Ilhan Omar xilli ay ka qaybgaleysay kulan dadweyne oo ka dhacay Minneapolis ayaa la shaaciyay magaciisa.

    sida ay qoreen qara ka mid ah warbaahinta ninkan ayaa lagu magacaabaa Anthony Kazmierczak, waa 55 sano jir.

    Anthony Kazmierczak ayaa markii dambe lagu soo oogay dembiga weerar darajo saddexaad, waxaana la dhigay xabsiga.

    Qoraal uu ku baahiyey baraha bulshada, Duqa Minneapolis, Jacob Frey, ayaa yiri: “Rabshad iyo cabsi gelin meel kuma laha Minneapolis. Waxaan is khilaafi karnaa annagoo aan khatar gelin dadka… Dabeecaddan noocaas ah laguma dulqaadan doono magaaladaheena.”

  11. Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya qaabkii loo weeraray Ilhaan Cumar

    Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa weerar lagu qaaday xildhibaanad ilhaan Cumar.

    Sida ay qortay wakaalada wararka ee Reuters booliiska ayaasheegay in la xiray nin kaddib markii uu ku buufiyey xildhibaanadda Dimuqraadiga ee Mareykanka, Ilhan Omar, dareere ur xun leh xilli ay Minneapolis ka jeedinaysay hadal ay ku dhaleecaynayso dhaqamada saraakiisha Waaxda Socdaalka & Kastamka (ICE) ee Minnesota.

    Dhowr ilbiriqsi ka dib, nin fadhiyay safka hore ayaa u soo dhaqaaqay dhanka Ilhan Cumar, wuxuuna ku buufiyey waxa booliisku ku tilmaameen cirbad, isaga oo ku dhawaaqayay Omar: “Waa inaad is-casishaa.”

    Ilhan ayaa si geesinimo leh ugu dhaqaaqday dhowr tallaabo dhanka ninka weeraray, iyadoo gacanteeda kor u taagaysa, ka hor inta aan la qaban.

    Booliiska Minneapolis ayaa sheegay in saynisyahanno baaritaanada ku xeel-dheer ay ka ururinayaan caddeymo goobta ka dhacday weerarka.

  12. Sacuudiga oo ka hadlay qorshahiisa haddii Iran la weeraro

    Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga ayaa xaqiijiyay in dalkiisu uu ka go’an yahay inuu sameeyo dhammaan dadaallada suurtagalka ah si loo xaqiijiyo xasilloonida iyo amniga gobolka, loona hago dalalka gobolka dhanka barwaaqo iyo horumar, isla markaana loo ilaaliyo danaha shucuubtooda.

    Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dalkiisu uu u arko “weerar kasta, hanjabaad kasta, ama fal kicin ah oo ka dhan ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran mid aan la aqbali karin.”

    Bin Salman ayaa sidoo kale adkeeyay in Boqortooyadu “aysan marnaba oggolaan doonin in hawadeeda ama dhulkeeda loo adeegsado falal milatari oo ka dhan ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, ama weerarro ka yimaada cid kasta ha ahaadee, meel kasta oo ay ku wajahan yihiin.”

  13. Benjamin Netanyah oo sheegay tallaabada uu qaadi doono haddii ay Iran soo weerarto

    Ra’iisul Wasaaraha Israel ayaa sheegay in haddii Iran isku daydo inay soo weerarto dalkiisa, uu kaga jawaabi doono si aad u adag.

    Benjamin Netanyahu ayaa shir jaraa’id kaga hadlay suurtagalnimada weerar horudhac ah oo Iran ku qaaddo Israel, isagoo yiri:“Haddii Iran ay sameyso khaladkaas oo ay Israel weerarto, waxaan kaga jawaabi doonnaa awood ay Iran weligeed horay u arag.”

    Wuxuu kaloo sheegay in dowladda Israel ay diyaar u tahay xaalad kasta, iyada oo si dhow ula socota dhacdooyinka, iyadoon loo eegin go’aannada uu qaato Donald Trump.

    Hadallada Netanyahu ayaa imanaya xilli xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Iran ay sii kordheyso, isla markaana markabka dagaalka ee Abraham Lincoln uu soo gaaray aagga Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ee Gacanka Faaris.

  14. Xoghayaha Amniga Mareykanka oo wajahaysa xil ka qaadis la xiriirta arrinta Minneapolis

    Dhanka kale, Xoghayaha Amniga Gudaha, Kristi Noem, ayaa wajahaysa cadaadis iyo baaritaan sii kordhaya kaddib dilalkii ka dhacay Minneapolis.

    Hoggaamiyeyaasha Aqalka Wakiillada ee Dimuqraadiga ayaa ku hanjabay inay xilka ka qaadi doonaan haddii Madaxweyne Trump uusan shaqada ka eryin.

    Senatarka Jamhuuriga ah Thom Tillis ayaa sheegay in Noem ay sumcad xumo u keentay madaxweynaha, isla markaana ay tahay in laga qaado shaqada. Horey, Madaxweyne Trump ayaa sheegay inuu kalsooni ku qabo Marwo Noem, isagoo intaa ku daray inay si aad u wanaagsan u gudatay waajibaadkeeda.

  15. Senatar Mareykan ah oo ku baaqay in hub la siiyo dibadbaxayaasha Iran

    Ted Cruz, oo ah senatarka ugu sarreeya Xisbiga Jamhuuriga ee Golaha Congress-ka Mareykanka, ayaa ku baaqay in hub la gaarsiiyo mudaaharaadayaasha Iran, taas oo ah falcelintii ugu dambeysay ee ka dhalatay cuburintii uu dhiigga badan lku daatay ee lagu smaeeyay dibadbaxyada ka socda dalkaas.

    Senator Cruz ayaa fiidnimadii Talaadada ku qoray barta X:“Annaga (Mareykanka) waa in aan hadda hub siinnaa mudaaharaadayaasha, si dadka Iran ay u ridaan Ayatollah-ga — kaligii-taliyaha mar walba ku qayliya ‘Geeri ku timaadda Mareykanka’. Tani waxay Mareykanka ka dhigi doontaa mid ammaan iyo xasillooni badan.”

  16. Ilhaan Cumar oo ka hadashay weerarka loo geystay

    Ilhaan Cumar ayaa ka hadashay weerar xalay loogu geystay meel ay khudbad ka jeedineysay.

    "Intii lagu jiray hoolka magaalada, nin kicin wada ayaa isku dayay inuu weerar ku qaado haweeneyda Congress-ka isagoo ku buufiyay wax aan la garaneynin oo cirbad ku jira, Nabadgelyada iyo Booliska Minneapolis ayaa si deg deg ah u soo qabtay shakhsiga, hadda waa la xiray, haweeneyda Congress-ka way fiican tahay. Waxay sii wadatay khudbaddeeda sababtoo ah uma oggola kuwa cagajuglaynta wada inay guuleystaan."" ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay barta baraha bulshada ee Ilhaan.

  17. Trump oo markii ugu horeysay muujiyay in la dejinayo xiisadda Minnesota

    Madaxweynaha Donald Trump ayaa sheegay in maamulkiisu uu “yarayn doono xiisadda” gobolka Minnesota, ka dib markii ay laba qof ay toogteen ciidamadalaanta socdaalka ee federaalka muwaadiniin Mareykan ah oo halkaas lagu dilay.

    Wuxuu yiri: “dulucdu waxay tahay waxay ahayd mid naxdin badan. Labaduba way naxdin badnaayeen,” sidaas ayuu ku yiri wareysi uu siiyey Fox News Talaadadii.

    Dilka Pretti ayaa dib u kiciyey mudaaharaadyo gudaha magaalada iyo guud ahaan dalka, islamarkaana wuxuu keenay cambaareyn ay soo saareen sharci-dejiyayaal ka kala tirsan labada xisbi.

    Hadalkan Trump ayaa ah tilmaam muujinaya in maamulkiisu uu dib u eegis ku sameynayo hawlgallada socdaalka ee Minnesota, oo la rabo in lagu yareeyo xiisadda taagan.