War deg deg ah, Maraykanka oo ku dhawaaqay in ciidamada xoogan uu u diray Iran
Madaxweynaha dalka Mareykanka Donland Trump ayaa bartiisa Truth Social ku baahiyay qoraal u uku sheegay in ciidamo badan oo ah kuwa badda ay ku wajahanyihiin dalka Iiraan.
Wuxuu sheegay in ay yihiin cudud xooggan oo xiiso u qaba shaqada loo idmaday kuwaas oo xawaare ku socda.
“Waa maraakiib ka tiro badan kuwii loo diray Venezuela, waxaana hoggaaminaya markabka weyn ee xambaara diyaaradaha, Abraham Lincoln,” ayuu yiri Trump.
“Sida ku dhacday Venezuela, ciidankanu waa mid diyaar ah, doonaya, awoodna u leh in uu si dhakhso leh u fuliyo hawshiisa, xawaare iyo xoog, haddii loo baahdo”.
Wuxuu intaa ku daray Trump: “Waxaan rajaynayaa in Iran ay si degdeg ah “u timaaddo miiska wada-xaajoodka” oo ay ka gorgortanto heshiis caddaalad iyo sinaan ku dhisan , MA JIRO HUB NUKLIYEER AH, heshiis faa’iido u leh dhammaan dhinacyada. Waqtigu wuu sii dhammaanayaa; arrintu waa mid aad u degdeg ah!
Sidii aan hore ugu sheegay Iran mar hore, heshiis gaara ! Way diideen, waxaana dhacay “Howlgalkii Midnight Hammer,” oo ahaa burbur weyn oo loo geystay Iran. Weerarka xiga wuxuu ahaan doonaa mid ka sii daran!, ha oggolaanin in taasi mar kale dhacdo.
"Waad ku mahadsan tihiin inaad arrintan fiiro gaar ah siisaan" ayuu ku soo gabagabeyay qoraalkiisa.