Degdeg: Trump oo yiri duqa magaalada Minneapolis dab ayuu ku ciyaarayaa
Madaxweyne Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in duqa magaalada Minneapolis inuu “ku ciyaarayo dab” markii xiisadaha ku saabsan fulinta sharciyada socdaalka ay ka sii baaheen gobolka Minnesota. Tani waxay ka dambeysay ka dib markii duqa magaalada Jacob Frey uu Habeenkii xalay ku qoray barihiisa bulshada in “Minneapolis aysan fulin doonin sharciyada socdaalka ee federaalka”, taas oo madaxweynuhu ku tilmaamay inuu jebinayo sharciga.
Dhanka kale, xiisadaha siyaasadeed ee gobolka ayaa sii kordhaya ka dib markii xildhibaan Ilhaan Cumar lagu weeraray habeenkii xalay walxo dareero ah oo aan la aqoonsan ilaa iyo hadda.
Weerarka ka dib, Ilahaan waxay sheegtay in Xoghayaha Amniga Gudaha Kristi Noem ay tahay inay “is casisho ama laga gudbiyo dacwad” sababtoo ah dhacdooyinka gobolka ka socda ayaa in badan oo ka mid ah lagu eedeyay.
Dhacdooyinkani waxay imaanayaan iyadoo labada xisbiba ay ku baaqayaan in xaaladda la dejiyo, ka dib markii wakiilada xuduudaha ee federaalka ay toogteen oo dileen 37-jir Alex Pretti dhammaadkii usbuucii hore. Pretti, oo ahaa kalkaaliye caafimaad, ayaa lagu dilay howlgallo ICE ay sameyaan, taas oo dhalisay mudaaharaadyo iyo cambaareyn baahsan.