"Mukhalaskii ayaa igu yiri gabadhaadii Janaaso ayaa lagu tukaday" Hooyo gabadheedii ka mid noqtay tahriibayaal badda ku geeriyooday shalay

Xigashada Sawirka, EUROPEAN UNION NAVAL FORCE
Tobaneeyo tahriibayaal Soomaali ah ayaa la sheegay in dooni ay kula degtay jasiiradda Mayotte ee Afrika ku taalla balse uu maamulo Faransiiska.
Dadka dhintay sida la sheegay waxaa ka mid ahayd fannaanaddii caanka ahayd ee Hodan Aadan (Hodan Afrika) iyo gabadh ay dhashay.
Hodan ayaa sanadihii u dambeeyay ku nooleyd magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
BBC-da waxaa la hadashay Shamso Cabdiraxmaan Ibraahim oo ah hooyada Caasho Cabdirashiid Cabdullaahi oo ka mid ahayd dadka doontaasi ku geeriyooday.
Gabadhaan oo dhalinyaro ahayd ayaa la sheegay in ay dugsi sare dhawaan dhameysay,iyadoo dooneysay in ay Yurub tagto si ay halkaa ugu noolaato.
Shamso Cabdiraxmaan Ibraahim ayaa sheegtay in markii ay doonta raacayeen gabadheeda iyo Hodan Afrika ay la soo xiriireen una sheegeen in ay safrayaan.
Halkaan ka dhageyso waraysi uu la yeeshay Shamso Cabdiraxmaan wariyaha BBC-da Liibaan Cabdi Warsame.







