Amiir Harry: “Been ayay sheegeen si ay u difaacaan walaalkay”

Amiir Harry iyo Amiirad Meghan

Xigashada Sawirka, Getty Images

"Waxay ku faraxsanaayeen inay been sheegaan, si ay u difaacaan walaalkay, weligood diyaar uma aysan ahayn inay runta sheegaan, si ay noo difaacaan," ayuu yiri Prince Harry, sida lagu muujiyay goos gooskii u dambeeyay ee taxanaha Harry iyo Meghan ee barta filmilada Internet-ka ee Netflix.

Ka hor qeybta labaad ee taxanaha, hordhaca, ayaa wuxuu muujinayaa lammaanaha oo sheegaya sababta ay uga tageen xilalka boqortooyada.

"La iima tuurin yeyda si ay ii cunaan, waxaase la ii quudin jiray sidii yeyda," ayey tiri Meghan.

Amiir Harry ayaa waxa uu eedeyn dusha uga tuuray "hannaanka sharci ee u dagsan hay'adaha boqortooyada", kuwaasoo uu ku tilmaamay iney yihiin kuwo ku dhisan qaab dulmi ah.

Laakiin waxaa jira xoogaa jahawareer ah oo ku saabsan daqiiqada uu soo galayo hadalka muranka badan dhaliyey iyo cinwaannada hordhaca xalaqada, taasoo tixraacaysa been-abuurka, ee ah ilaalinta Amiir William.

Faallada Amiir Harry ayaa waxay leedahay: "Waxay ku farax sanaayeen inay been sheegaan, si ay u ilaaliyaan walaalkay", laakiin lama sheegin "cidda" ay ahaayeen ama macnaha guud ee lagu ilaalinayay Amiir William.

Laakiin qayb kale oo kamid ah isla musalsalka Netflix ayaa wuxuu u muuqdaa inuu soo jeedinayo sharraxaad - taasoo tilmaameysa cinwaan geeseedyo kale oo ku saabsan isla faalladan oo dhahaya: "Warbaahinta Ingiriiska waxay ku faraxsan yihiin inay been sheegaan, si ay u ilaaliyaan walaalkay."

Codku isma beddelo, laakiin waxaa laga yaabaa inuu soo gudbinayo taxanaha war soo jeedinaya in macnaha guud uu noqon doono weerar guud oo ka dhan ah saxaafadda, halkii uu ka ahaan lahaa eedayn waxyeello leh, oo ka dhan ah shakhsi ama qoyska boqortooyada.

Harry iyo Meghan

Xigashada Sawirka, NETFLIX

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Netflix ayaa laga dalbadey iney ka jawaabto hadalka ku saabsan kala duwanaanshaha xilligan muhiimka ah ee u dhexeeya labada hordhac ee kan YouTube-ka ah iyo kan kale ee barta Netflix.

Qeybta hordhaca ee la galiyey Netflix ayaa waxaa kasoo muuqda farriin tilmaamaysa inaan la heli Karin, ka dibna waxaa caddaatay in gabi ahaanba barta laga saarey muuqaalkani.

Codka hordhicii ugu dambeeyay ayaa wuxuu soo jeedinayaa sheegashooyin aad u adag ka dib qeybtii hore ee taxanaha film-ka, kaasoo lagu soo gudbiyey waxyaabo cul culus, laakiin ka yar ama meelo gaar ah soo gudbiyey intii la filayay.

Hordhacu ayaa wuxuu soo gudbinayaa eedeymaha olole ka dhan ah lammaanaha, waa Harry iyo Megane, gaar ahaan in la isku dayey in la qariyo dibin daabyada loo geystay, taasoo ugu danbeyntii ku riixday iney isaga tagaan nidaamka boqortooyada, maadaama aaney dareen saneyn iney qeyb ka yihiin.

'Waxaan u baahanahay inaan ka baxno halkan, oo ah xeyn daabka boqortooyada" ayuu yiri Amiir Harry, oo ku jira hordhaca saddexda qaybood, ee ugu dambeeya ee lasii daayo Khamiista.

"Waxaan la yaabanahay, maxaa nagu dhici lahaa haddaanaan kasoo bixi lahayn boqortooyada, markii aan sameynaynay film-kan?" ayuu yiri mar kale Amiir Harry, oo hadda Meghan kula nool gobolka California ee cariga dalka Mareykanka.

Meghan ayaa waxey ka hadlayaa welwelka iyo xasilooni la’aanta ku dhacday - iyadoo muuqaalka la baahiyey uu muujinayo Amiir Harry oo sheegaya inay ku jiraan "waayahoodii xorriyadda", isagoo carabka ku dhuftay in tani ay tahay ka bixitaankooda cadaadiska ay kala kulmeen nidaamka UK.

Harry iyo Meghan

Xigashada Sawirka, NETFLIX

Waxa kale oo ka soo muuqday horudhaca, Christopher Bouzy, oo aasaasay shirkad tignoolajiyadeed, oo baarta xadgudubyada iyo macluumaadka khaldan ee baraha bulshada. Waxa uu yiri: "Dadku si firfircoon ayey u qorayeen rayigooda, si ay uga hortagaan macluumaadka khaldan."

Waxaa jira muuqaallo muujinaya lammaanaha oo ku raaxaysanaya noloshooda cusub, iyo helitaanka qorraxda, laakiin Amiir Harry, ayaa wuxuu ku daray: "Si aad ugu guurto cutubka xiga, waa inaad dhammaysaa cutubka koowaad."

Buckingham Palace ayaan ilaa hadda ka hadlin taxanaha Netflix, kamana aysan jawaabin muuqaalladan ugu dambeeyay.

Wax badan oo la buunbuuniyey kadib, saddexdii qaybood ee ugu horreeyay, ayaa waxaa laga soo gudbiyey faallooyin isku dhafan, oo ku saabsan labadan qeybood ee ku kala sugan darafyada badda Atlantic-ga, waa Ingiriiska iyo Mareykanka, iyada oo su'aalaha la xiriira taxanayaasha ay ku jaangonaan doonto inta ay le'eg tahay macluumaadka cusub.

Qiyaasta dhagaystayaasha ku nool UK maalintii lasoo bandhigayay qaybta hore ee taxanaha, ayaa muujiyay 2.4 milyan in la daawaday qaybtii hore, qaybta labaadna waxa daawaday 1.5 milyan maalintii ugu horaysay, qaybta saddexaadna waxay soo jiidatay 800,000.

Kuwani ayaa waxay ahaayeen tirooyin daawadayaal ka sarreeya marka loo eego The Crown, laakiin waxay ka hooseeyaan 3.5 milyan daawashada qeybtii fiidnimo, taasoo ka dhacday xarunta Opera Coronation Street.